HORDHAC: Tottenham vs Arsenal, Mou vs Mikel – Special One Iyo Spurs Oo Hoggaanka Doonaya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

0
Sunday December 06, 2020 - 16:03:40 in Wararka by
  • Visits: 4808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Tottenham vs Arsenal, Mou vs Mikel – Special One Iyo Spurs Oo Hoggaanka Doonaya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Toddobaadkan oo ah mid uu xamaasad gaar ah leeyahay horyaalka Premier League kaddib soo laabashada jamaahiirta ayay maanta oo Axad ah gegida Tottenham Hotspur Stadium fooda isku dari doonaan kooxaha Tottenham iyo Arsenal oo ciyaara kulanka adag ee "North London Derby”

Tottenham oo labadii kulan ee ugu dambeeyay 4 dhibcood kasoo heshay Man City iyo Arsenal ayaa loo arkaa kuwo si dhab ah ugu tartami kara horyaalka waxaana guul ay kulankan gaadhaan ay ugu laaban doonaan hoggaanka.

Dhinaca kale Arsenal oo aan wax guul ah soo gaadhin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ayaa doonaysa guul ay dhinac iskaga mariso qalbi-jabka oo ay karaar cusub ku hesho waana kulanka ugu haboon ee ay niyad wanaagsan ku heli karaan guul ay helaan.



 

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Hoggaamiyaha Tottenham ee Harry Kane ayaa tartan la gelaya wakhtiga isagoo doonaya inuu taam buuxa u noqdo ciyaartan kaddib markii uu dhaawac muruqa ahi gaadhay kulankii Chelsea.

Sidoo kale xiddiga kaabista u ah Kane ee Carlos Vinicius ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaartan balse Mourinho ayaa ku rajo weyn in Vinicius, Reguilon iyo Toby Alderweireld dhammaan ay taam noqon doonaan.

Live match preview - Arsenal vs Tottenham 08.11.2015

Arsenal ayaa kulankii Europe League ee toddobaadkan dib usoo dhawaysay daafacyada mudada dheer ka maqnaa ee Pablo Mari iyo Callum Chambers halka sidoo kale Saed Kolasinac uu kasoo kabtay dhaawac yar iyagoo dhammaan kulankaas qayb ka ahaa.

Arsenal ayuu wali ganaax kaga maqnaan doonaa Nicolas Pepe balse waxa ka farxiyay oo tababarka ka qayb qaadanayay dhawaanahan saxeexa cusub ee Thomas Partey.

Gabriel Martinelli ayaa ku dhaw inuu taam buuxa noqdo balse aan kulankan qayb ka noqon doonin, David Luiz ayaa isagana qiimayn xilli dambe ah lagu samayn doonaa kaddib markii ay madaxa isku dhufteen dhawaan Raul Jimenez.

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

 

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Tottenham:Lloris; Aurier, Alderweireld, Dier, Reguilon; Sissoko, Hojbjerg; Son, Ndombele, Bergwijn; Kane

Arsenal:Leno; Holding, Gabriel, Tierney; Bellerin, Ceballos, Elneny, Saka; Willian, Lacazette, Aubameyang



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip