Barcelona Oo CEEB Weyn Ay Ka Soo Gaartay Kooxda Yar Ee Cadiz, Kulankii Afaraad Ee La Liga Oo La Garaacay & Kaalinta 7aad Oo Ay Ka Dhaceen

0
Sunday December 06, 2020 - 15:46:47 in Wararka by
  • Visits: 4835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo CEEB Weyn Ay Ka Soo Gaartay Kooxda Yar Ee Cadiz, Kulankii Afaraad Ee La Liga Oo La Garaacay & Kaalinta 7aad Oo Ay Ka Dhaceen

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Barcelona ayaa ceeb weyni ay soo gaartay caawa ka dib markii ay guuldarro 2-1 kala kulmeen kooxda yar ee ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz oo marti loo ahaa.

Cadiz ayaa noqotay kooxda disha kooxaha waa weyn ee La Liga iyagoo hore u soo garaacay Real Madrid. Waxay caawa ka talaabsadeen Barcelona oo Messi heysata iyagoo Alvaro Negredo uu guusha ku hogaamiyay.

Waa guuldaradii afaraad ee Barcelona ka soo gaarta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, waxay ku jiraan kaalinta 7aad iyagoo leh 14 dhibcood, waxay lix dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta 4aad ee Real Madrid inkastoo kulan uu u harsan yahay. Halka ay 12 dhibcood ka hooseeyaan Atletico oo hogaanka heysa.

Tababare Koeman ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa kulankii ugu danbeeyay ee Champions League iyadoo Leo Messi uu shaxda ku soo bilowday halka Braithwaite uu sii xajistay booskiisa ka dib gooldhalintiisii ugu danbeysay taasoo la micno ah in Dembele uu saaxiib la noqday kursiga keydka.

Barcelona ayaa gool looga naxsaday markii ay ciyaarta socotay kaliya sideed daqiiqo wuxuuna ahaa gool uu iska dhaliyay xiddiga da’ yar Oscar Mingueza. Kubad la soo dhigay ayuu Mingueza aadiyay goolkiisa iyadoo Ter Stegen uu awoodi waayay inuu celiyo.

Barcelona ayaa kubada heysatay laakiin baasaskooda waxba ma soo kordhinin qeybtii hore iyadoo Cadiz ay difaac adag ka xiratay iyagoo u diiday Barcelona inay fursado waa weyn abuuraan.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo kooxda ku cusub horyaalka La Liga ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta.

Image

Qeybtii labaad tababare Koeman ayaa ciyaartoydiisa u soo sheegay inay dedejiyaan baasaskooda taasoo wax ka bedeshay ciyaartooda.

 

Barcelona ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqadii 57aad waxayna aheyd gool laga filayay. Xiddigaha Cadiz ayaa ku soo xoomay Messi kaasoo kubada u dhiibay Alba, iyadoo daafaca bidix karoos uu soo dhigay oo qof kale ku dhacday ay shabaqa gashay. Waxaana goolka loo qoray inuu iska dhaliyay Alcala.

Daqiiqadii 62aad Cadiz ayaa bedel ku soo gelisay Alvaro Negredo, isaga ayaana hogaanka ku soo celiyay daqiiqadii ku xigtay ee 63aad ka dib qalad weyn oo ay sameeyeen Lenglet iyo Ter Stegen oo kubad isku haleeyay taasoo keentay inuu ka faa’ideystay Negredo kaasoo shabaq faaruq ah kubad dhex dhigay.

Image

Daqiiqadii 83aad Cadiz waxay heshay fursad ay ku disho ciyaarta iyadoo Alejo uu kubad la kor tagay goolhaye Ter Stegen laakiin waxaa kubada ka badbaadiyay goolhayaha Jarmalka.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Cadiz ku garaacday Barcelona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip