Waxaad Maanta iska Bi'isaan Berri ha u Shalaayina!!!

0
Saturday December 05, 2020 - 10:08:45 in Wararka by
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaad Maanta iska Bi'isaan Berri ha u Shalaayina!!!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Jabhad, jidgooyo, waa-wareey, dagaalka diidow diraca hoo, Caayda qabiil gaar ah, baabuurta oo la buufiyo, dumarka iyo ciyaalka oo la kiciyo, bannaan-baxyo rabshado wata iyo shaqsi naceyb waa qeyb ka mid ah calaamadihii lagu yaqiinay sannadkii 1991.

Waa nasiib-darro Soddon {30} sanno kadib in ay reer Baladweyne u xiiso qabaan burburinta magaaladooda, Warrar iyo muuqaallo laga naxo ayaa ka imaanaya deegaankaas!!!.

      Isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada Dawladda iyo dad isku sheegay Jabhad ayaa halkaasi ka dhacay, qasaaro isugu jira dhaawac, burburin hanti, xayiraad lá saarey xoogsatadii shaqeysan laheyd & dhibaatooyin kale ayaa ka dhacay magaaladaasi.

Xiisadaha ka taagan magaalada Baladweyne ayaa waxaa dhaliyay dad #Af_qabiil ku hadlayo oo shacbiga galiyay #Cajalad_qabiilaysan, waa wax laga naxo in Xildhibaanno iyo masuuliyiin hore in ay Horjooge ka yihiin dhibaatada ka dhacaysa Baladweyne.

       Bannaan-baxyada socda, khaylo-dhaanta iyo waa-wareyda la maqlayo hal dhinac oo kaliya ayay ka socotaa, bulshada reer Baladweyne badankood waa xilkas kumana jiraan mashaqada ay abuurayaan walaalaha ku nool Bariga Baladweyne.

       Caqligu ha shaqeeyo, Baladweyne dhib mooyee wax faa’iido ah kama dhaxlayso dhibaatada ay isku hayso, culeysyo badan ayay wajahayaan dadka magaalada tan iyo intii ay magaaladaas ka soo if baxeen astaamihii lagu yaqiinay 1991-kii.

           Tabasho waa jiri kartaa, dadku xaq ayay u leeyihiin in ay dareenkooda muujiyaan laakiin waa ayaan darro in wax loo dhimo nabadgelyada iyo wadajirka Ummadda.

     Hubaashii fawdada socoto haddii aan xal loo helin waxay keeni kartaa Dagaal sokeeye oo ka qarxa Hirshabeelle!!!.

WD:-C/laahi Shiikhaalow





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip