SAWIRO: Musharax Madaxweyne Daahir oo booqday xarumaha dadka isugu yimaadan

0
Friday December 04, 2020 - 21:10:50 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Musharax Madaxweyne Daahir oo booqday xarumaha dadka isugu yimaadan

    Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta booqday goobaha bulshada ay isku yimaadaan oo ay ka mid tahay xeebta Liido. Daahir ayaa kulan la qaatay boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo ku damaashaaday xeebta, waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta booqday goobaha bulshada ay isku yimaadaan oo ay ka mid tahay xeebta Liido. Daahir ayaa kulan la qaatay boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo ku damaashaaday xeebta, waxaana uu la wadaagay qorshayaasha uu ugu tala galay horumarinta Qaranka. "Waxaan galabta u casiriyo tagnay Liido si aan waqti ula soo qaadanno shacabka Muqdisho" ayuu yiri Daahir Geelle. Waxaa uu intaas kusii daray "Haddii aan fursad u helno talada dalka, waxaan Alle idankiis xoogga saari doonnaa in la helo amni iyo xasillooni lagu naalloodo" Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cadcad xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Muddooyinkaanba waxaan Muqdisho ka waday kulamo iyo shirar aan kula kulmayay musuuliyiin dawladeed, siyaasiyiin, indheer garad iyo bulshada rayidka ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip