Tiro ka mid ah ciidamada Mozambique oo lagu dilay weerar gaadmo ah.

0
Friday December 04, 2020 - 20:17:30 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiro ka mid ah ciidamada Mozambique oo lagu dilay weerar gaadmo ah.

    Weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad islaamiyiin ah ku qaadeen ciidamada Mozambique waxaa kaga dhintay 25 askari halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen tuulada Matambalale oo ku taalla degmada Muidumbe. Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad islaamiyiin ah ku qaadeen ciidamada Mozambique waxaa kaga dhintay 25 askari halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen tuulada Matambalale oo ku taalla degmada Muidumbe. Markii weerarka lagu qaadayay ciidamada waxay howlgal ka sameynayeen gobolka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Ciidamadan ayaa gobolka loo geeyay inay sugaan amniga kaddib markii toddobaadkii lasoo dhafaay weerar lagu qaaday halkaas isla markaana dab la qabadsiiyay guryo badan, dilna loo geystay qaar kamid ah dadka deegaanka. Ciidamada Mozambique weli kama aysan hadlin weerarka. Saddex sano oo ay colaad ka taagneyd gobolka Cabo Delgado waxaa ku dhintay 2,000 qof halka 500,000 qof ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip