Maraykanka oo eedayn u jeediyay Shirkadda Facebook

0
Friday December 04, 2020 - 20:13:20 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo eedayn u jeediyay Shirkadda Facebook

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Facebook in uu takoor kula kacay shaqaalaha Ameerikaanka ah isaga oo fursadaha shaqo siiyay muhaajiriinta. Dacwad ka dhan ah shirkaddan baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay diiddo inay shaqaaleysiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Facebook in uu takoor kula kacay shaqaalaha Ameerikaanka ah isaga oo fursadaha shaqo siiyay muhaajiriinta. Dacwad ka dhan ah shirkaddan baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay diiddo inay shaqaaleysiiso amaba ay tixgeliso dadka Ameerikaanka ah ee u qalma shaqooyin ka badan 2,600. Shaqooyinkaas ayaa la siiyay ajaanib heysata dal ku gal ku meel gaar ah, ayaa lagu xusay dacwadda. Facebook ayaa dood ka keenay dacwaddaas, wuxuuna sheegay inuu la shaqeynayo waaxda. Dacwadda waxay quseysaa isticmaalka Facebook ee dal ku galka ku meel gaarka ah ee H-1B, kuwaas oo ay aalaaba isticmaalaan shirkadaha teknolojiyadda si ay shaqaale ajaanib ah oo xirfad leh u keenaan Mareykanka. Dacwadda oo shalay la gudbiyay, ayay waaxdu ku sheegtay in Facebook uu si ula kac ah u abuuray hannaan shaqaaleysiin oo dadka Ameerikaanka ah ka doorbidaya dadka heysta dal ku galka H-1B iyo shaqaale kale oo ku meel gaar ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip