Xiisad cusub oo ka taagan gobolka Tigray iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

0
Friday December 04, 2020 - 20:09:50 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad cusub oo ka taagan gobolka Tigray iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

    Waxa weli taagan xiisadii dagaal ee u dhaxeysay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF, xili ay horaanta toddobaadkan dhamaadka ah ay shaacisay xukuumadda Abiy inay si buuxda ula wareegtay caasimada gobolka Tigreyga ee Mekelle. Wasiirka ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa weli taagan xiisadii dagaal ee u dhaxeysay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF, xili ay horaanta toddobaadkan dhamaadka ah ay shaacisay xukuumadda Abiy inay si buuxda ula wareegtay caasimada gobolka Tigreyga ee Mekelle. Wasiirka kobcinta dimuquraadiyadda ee dalka Itoobiya, Zadig Abraha oo wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in dagaalka Tigreyga uu soo gaba-gaboobay, isla markaana ay harsan tahay in gacanta lagu soo dhigo hogaanka TPLF. Zadig Abraha ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay cadaalada horgeyn doonto hogaanka TPLF, oo hore loogu eedeyay "inay dalkooda Itoobiya ay khiyaameen". Waxa kale oo uu sheegay in hoos u dhacday awoodda TPLF, oo aysan waqti xaadirkan ay duruuftu u saamaxeyn inay dagaal sii wado, maadama uu ku dooday in ciidamo u dagaallama iyo hub culus midna aysan haysan. Hogaanka TPLF ayaa tan iyo markii ay ciidamada Abiy Axmed la wareegen caasimada gobolkooda ku jira dhuumaaleysi, iyaga oo sheegay in uusan weli dhamaan dagaalka ay kula jiraan dowladda. "Weli fari kama qodna dagaalka, mana soo afjarmin, oo ma soo afjarmi doono" ayey yiraahdeen Debretsion Gebre-Mikael iyo Getachew Reda oo ah xubno sare oo ka tirsan hoggaanka TPLF oo la hadlay telefishanka Tigrey-ga. Si kastaba, hogaanka TPLF ayaa weli ku madax adeygaya inay sii wadayaan dagaalka, xili ay iskaga baxeen caasimada Mekelle, oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay dowladda, oo iyadu ku doodeysa inuu soo dhamaaday dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip