Ciidanka Dowladda oo lagu eedeeyay iney dhibaato ka geystaan Gedo

0
Friday December 04, 2020 - 20:08:44 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda oo lagu eedeeyay iney dhibaato ka geystaan Gedo

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan. Axmed Madoobe oo shir gudoominayay shirka golaha xukuumadda Jubbaland ayaa golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan. Axmed Madoobe oo shir gudoominayay shirka golaha xukuumadda Jubbaland ayaa golaha wasiirada uga waramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo dhismaha maamulka Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha wuxuu si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inuu dalka si guud u galo, wuxuuna ku adkeysanayaa in Jubbaland ay xaq u leedahay in loo madax banneeyo guddiga doorashada sida lagu qoray heshiiskii ay dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Muqdisho bartamahii sanadkaan. Axmed Madoobe wuxuu si cad u sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhibaatooyin aan loo adkeysan karin ka geysanayaan gobolka Gedo, wuxuuna intaas raaciyay iney caqabad ku yahiin xasiloonida deegaankaas. Wasaaradiisa arrimaha gudaha wuxuu ku bogaadiyay iney yagleeleen maamul loo dhiso degmada Afmadoow oo ay shacabka soo doorteen, wuxuuna qabaa iney bilow u fiican u tahay dhismaha dowladaha hoose ee maamulkiisa. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip