Garyaqaan Maraykan ah oo lagu soo oogay dacwad ah in uu si khiyaamo ah hanti uga dhacay dowladda Soomaaliya

0
Friday December 04, 2020 - 20:04:04 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Maraykan ah oo lagu soo oogay dacwad ah in uu si khiyaamo ah hanti uga dhacay dowladda Soomaaliya

    Garyaqaan Mareykan ah oo lagu magacaabo, Jeremy Wyeth Schulman, ayaa lagu soo oogay Dacwad ah in uu si khiyaano ah malaayiin doollar uga xaday dowladda Soomaaliya, isla markaasna weli haysto qayb kamid ah lacagtaasi. Lacagta la xaday oo la sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Mareykan ah oo lagu magacaabo, Jeremy Wyeth Schulman, ayaa lagu soo oogay Dacwad ah in uu si khiyaano ah malaayiin doollar uga xaday dowladda Soomaaliya, isla markaasna weli haysto qayb kamid ah lacagtaasi. Lacagta la xaday oo la sheegay in ay ka badan tahay $12.5 Milyan, waxa la sheegay in Garyaqaanku ka heley Hey'ado maaliyadeed, kaddib markii uu u soo bandhigey dukumentiyo been abuur ah, intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2014 kii. Sidoo kale, Xeer-beegtida Mareykanka ah ayaa Garyaqaankan iyo rag kale oo aan la magacaabin, ku soo eedeeyey in ay isku dayeen in ay si khiyaano ah ula wareegaan malaayiin doollar oo bangiga dowladda Soomaaliya leeyahay, taasi oo lagu xayiray akoono dibadda ah, xillii uu dalka ka socday dagaalka sokeeye. Qareenka u doodaya Garyaqaan, Jeremy Schulman, ayaa beeniyey dhammaan eedaynaha, wuxuuna sheegey in ninkani uu dowladdii Kumeel-gaadhka ahayd ka caawinayey sidii uu Soomaalida ugu soo celin lahaa lacagaha dunida kaga xayiran. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip