daxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho ka wada dhex-dhexaadinta Musharixiinta iyo Madaxda Dowladda.

0
Friday December 04, 2020 - 19:48:04 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    daxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho ka wada dhex-dhexaadinta Musharixiinta iyo Madaxda Dowladda.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahaan Muqdisho ka waday qorsho uu ku dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda & Midowga Musharixiinta oo isku khilaafsan guddiyada doorashooyinka ee Magacaaban ayaa la kulm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahaan Muqdisho ka waday qorsho uu ku dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda & Midowga Musharixiinta oo isku khilaafsan guddiyada doorashooyinka ee Magacaaban ayaa la kulmay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gar ahaan xilligan kala-guurka ah oo la galayo howlo doorasho. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug booqasho uu ugu yimid, isaga oo tilmaamay in kulankooda uu ahaa mid miro-dhalay. Wararka kulanka laga helay ayaa waxay sheegayan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ku adkeeyay in xal lag gaaro khilaafka ka jira guddiyada doorashooyinka oo Musharixiinta ay sheegeen in lag soo xulay Hay'adda NISA iyo Shaqaalaha dowladda. Dhanka kale maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay kulan xasaasi ah yeeshaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxda Sare ee dowladda, iyaga oo ka wada hadli doona sidii xal looga gaari lahaa muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip