Awoodda militari Turkiga oo soo ifbaxday kadib dagaal dadban oo dhexmaray Russia

0
Friday December 04, 2020 - 19:44:54 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awoodda militari Turkiga oo soo ifbaxday kadib dagaal dadban oo dhexmaray Russia

    Tuulada Dadivank, ee ku taalla gobolka buuraleyda ah ee Caucasus, ayaa ah mid soo jirtay 800-oo sano waxaana ku yaalla dhismooyiin qadiimi ah. Waxaa goobtaasi sidoo kale ku dhagan boor uu ku sawiran yahay, baadarigii reer Armenia ee lagu magacaabi j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuulada Dadivank, ee ku taalla gobolka buuraleyda ah ee Caucasus, ayaa ah mid soo jirtay 800-oo sano waxaana ku yaalla dhismooyiin qadiimi ah. Waxaa goobtaasi sidoo kale ku dhagan boor uu ku sawiran yahay, baadarigii reer Armenia ee lagu magacaabi jiray, Aabe Hovhannes, waxaana goobta ku qoran, "waad ku mahadsan tahay in aad halkan timaado," isaga dhoolacadeynaya. "Waxaan haysaa amar ah inaan ka hortagno in goobtan qadiimiga ah la burburiyo," waxaa sidaasi yiri askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ee halkaas jooga. Dowladda Ruushka ayaa dagaal qaraar oo ka dhacay gobolkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh ka dib, waxay halkaas u daad-gureysay 2,000 oo ah ciidamo nabad ilaalin ah oo heshiiska qeyb ka ahaa. "Caado ahaan Ruushka ayaa damaanad qaaday xasiloonida gobolkan," waxaa sidaasi sheegay askariga Ruushka. Dadivank waxay ka tirsan tahay degmada Kalbajar: waa mid ka mid ah dhowr goobood oo ay dhawaan Armenia ku wareejisay Azerbaijan, ka dib heshiis xabbad joojinta ahaa ee Ruushka uu dhex-dhexaadiyay.
khariirad muujinaysa heshiiska Heshiiska nabadda ee Karabakh

Xukuumadda Moscow ayaa bogaadisay heshiiskan waxayna sheegtay in heshiiska u caddeyn u yahay in Ruushka uu weli yahay mid saameyn ku leh Konfurta Caucasus.

Balse dagaalkii socday muddo lix toddobaad ah, ayaa sidoo kale soo shaac bixiyay sida ay awoodda Rushka u xaddidan tahay marka la eego goobihii ay ka talin jireen xilligii Midowgii Soofiyeet.

‘Galaangalka iyo raadka uu Turkiga yeeshay’

Turkiga ayaa dhankiis soo ifbaxay oo door ka ciyaaray goob Ruushka aan ka fogeyn oo lagu tirinayay in saameyntiisa ay aad u sareyso.

Waa arrinta la xiriirta taageerada Militari ee xukuumadda Ankara u fidisay Azerbaijan oo gacan ay ka siisay dagaalka, taasi oo looga adkaaday saaxibkii uu Ruushka ku lahaa gobolka ee Armenia.

Ruushka imika waxay ogolaadeen in kormeerayaal militari oo ka socda Turkiga, oo ka tirsan gaashaanbuurta Nato, ay yimaadaan koonfurta Caucasus, si ay u indha-indheeyaan xaaladda xabbad joojinta.

"Waxa ka dhacay gobolka Karabakh runtii waa musiibo juquraafi siyaasadeed ah oo ka dhan ah Moscow, taasi oo aan ku ekeyn oo kali ah Koonfurta Caucasus, balse sidoo kale saameynaysa guud ahaan goobihii ay Midowgii Soofiyeet ka talin jireen,” waxa sidaas sheegay Konstantin von Eggert oo ah khabiir arrimaha siyaasadda ka faalooda.

"Xaqiiqadii waxaan aragnay ciidamada Armenia oo ay Ruushka tababareen, oo ay ka adkaadeen ciidamadii Azerbaijan ee ay Tababareen Turkiga ayna qalabeeyeen”, ayuu hadalka ku daray.

Madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa saameyn muhiim ah ku yeeshay gobolka”, ayuu yiri Konstantin von Eggert.

"Gabagabada arrinta waxay tahay in dalalka doorka ka ciyaaraya gobolka ee kala ah Turkiga, Iraan iyo Shiinaha, ay awoodooda ku sii ballaarin doonaan bartamaha Aasiya iyo gaar ahaan Koonfurta Caucasus, iyaga oo aan wax wadaxaajood ah kala galayn, cabsi na aan ka qabin cawaaqib xumo uga timaadda Kremlin,” ayuu yiri Mr von Eggert.

Meel 15 daqiiqo oo masaafo ah u jirta magaalada Dadivank ayaa horey u ahayd goob ay ka taliyaan Armenia, waxaa se imika ku sugan ciidamo nabad ilaalin u jooga.

Ciidamadan waxay difaacayaan dadka asalkoodu yahay Armenia.

Balse shacabka ku sugan magaalada Getavan, kuma faraxsana inay askartan arkaan.

"Haddii aan nahay dadka reer Armenia, waxaan mar walba u maleyn jirnay in Putin uu yahay nin wanaagsan oo anaga na garab taagan,” waxaa sidaasi yiri Araik.

"Balse heshiiskan waxaa uu wax badan siiyay Azerbaijan, waa-na qalad,” Ayuu sheegay.

Laakiin qof walba fikirkaasi lama qabo. Markii aan la hadalnay qaar ka mid ah askarta Armenia oo iyagu dib uga soo gurtay gobolka Karabakh, waxay sheegeen in ay uga mahadcelinayaan Ruushka in uu dagaalka soo afjaray.

"Haddii uu dagaalkani sii socon lahaa dhammaanteen waa nala dili lahaa,” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah askar Armenia.

"Azerbaijan waxay haystaan lacag badan, hub iyo qalab militari oo ka badan kan aan inaga haysano.”

Cadaadis Ruushka uga imanaya dalalka dariska

Ruushka wuxuu sanadkan 2020 u ahaa mid ay culeysyo badan oo dhanka siyaasadda iyo Juquraafiga ah ka soo wajaheen wadamadii horey uga tirsanaa midowga Soofiyeet.

Dalka Belarus – oo madaxwayanha ka taliya ay Ruushka aad isugu dhaw yihiin, waxaa ka socda dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayaan in uu xilka ka dego hoggaamiyaha kaligii-taliska ah.

Bishii October kacdoon ka dhacay dalka Kyrgyzstan ayaa la yaab iyo kadis ku noqday Ruushka.

Bishii aanu soo dhaafnay musharaxii ay Moscow taageereysay ee doorashadii Moldova ayaa madaxwaynanimada looga adkaaday.

Waxaa doorashada ku guuleystay musharaxii u janjeeray dhanka reer galbeedka, Maia Sandu, oo ka adkaatay madaxwaynihii xilka hayay ee gacan saarka la lahaa Ruushka, Igor Dodon.

Balse wali tusaalaha dalka Moldova, oo dib u dhac uu ku yimid Ruushka, ayaa hadana mujinaya in Moscow ay wali galangal ku leedahay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah.

Dalka Ruushka waxay ciidamo ka joogaan dalka Moldova.

Askarta Ruushka ayaa halkaasi u jooga si nabad ilaalin ah.

‘Wadamada ha iska tagaan’

Ma faa’ido ayaa ugu jirta in Ruushka uu saameyn ku yeesho dalalka dariska la ah?

"Haddii aan xisaabino, dhaqaalaha Ruushka uga baxa maagelinta saameyntiisa in ay sii jirto intee buu la eg yahay? Imisa se Ruushku uu dhaqaalo ahaan, ganacsiga ku bixiyaa amaanka iyo maalgashiga iyo in aysan isku dhicin suuqa way ee uu Yurub ku leeyaha? Waxaan u maleynayaa in qiimeyntu ay noqoneyso, ‘ha la iska fasaxo dalalkan’,” waxa sidaasi yiri Alexander Gabuev, oo ah khabiir ka tirsan xarunta Xarunta Carnegie ee magaalada Moscow.

"Balse Aqalka Kremlin-ka dareen ahaan way ku xiran yihiin dalalkan, waxaana aqalka looga arrimiyo Ruushka joogo dad horey sirdoonka uga soo shaqeyn jiray kuwaasi oo meel kasta halis ka arka, una arka in geed kasta uu sirdoon reer galbeed ah ku hoos jiro,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa muuqata in saameyntii Ruuushka ee Jamhuuriyadihii Midowga soofiyeed la soo xaddiday ayna soo baxeen dalal kale oo saameyn ku leh arrintan, sida Turkiga, Shiinaha, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Xukuumadda Moscow wuxuu meeqaamkeedu yahay hadda sida boqortooyadii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip