Natiijadii Kulamadii xalay la ciyaaray ee Horyaalka Premier League.

0
Monday November 30, 2020 - 19:47:07 in Wararka by
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijadii Kulamadii xalay la ciyaaray ee Horyaalka Premier League.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

-Xalay waxaa dalka Ingiriiska laga ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka Premier League Ingiriiska waxaana ciyaaray kooxo ay kamid yihiin Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.

Ciyaar aad u xiiso badneyd ayaa xalay dhex martay kooxaha Southampton oo gurigeeda lagu ciyaarayay iyo kooxda Manchester United.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u adag ayaa goolkii koowaad waxaa la hormaray kooxda Southampton waxaana 23-aad goolka u saxiixay ciyaaryahankooda Jan Bednarek, sidoo kale isla goolka waxaa kooxda Southampton u saxiixay ciyaaryahan James Ward-Prowse sidaa ayaan qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay.

Kooxda Manchester United ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah kadib markii ay labadii gool ee lagu lahaa ay iska soo guday gool kalena ugu badashay kooxda Southampton.

Ciyaaryahan Bruno Fernandes ayaa daqiiqaddii 60-aad goolka koowaad u dhaliyay kooxdiisa waxaan xigay ciyaarhan Edison Cavani oo laba gool oo madax ah u dhaliyay kooxdiisa Manchester United daqiiqadihii 74-aad iyo 92-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta, sidaas ayayna guusha ku raacday kooxda Manchester United oo ku badisay 3-2.

Dhanka kale kooxda Arsenal oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa guuldarro dhabarka loo saaray kadib ciyaar ay wada ciyaareen kooxda Wolves oo ku soo dhammaatay 2-1 oo looga badiyay kooxda Arsenal.

Ciyaaryahan Pedro Neto ayaa daqiiqaddii 27-aad goolka koowaad u saxiixay kooxdiisa Wolves waxaana kooxda Arsenal daqiiqaddii 30-aad u soo bareejiyay ciyaaryahan Gabriel balse Daniel Podence ayaa daqiiqaddii 42-aad goolka guusha u dhaliyay kooxda Wolves oo ay sidaas guusha ku raacday.

Waxaa sidoo kale xalay wada ciyaaray kooxaha Chelsea iyo Tottenham waxaana ay ciyaartaasi ku soo dhammaatay barbardhac eber iyo eber ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip