DEG DEG: Maxkamadda Ciidamada oo dil ku fulisay macalin Ilkacase & xubno kale

0
Sunday November 29, 2020 - 07:37:16 in Wararka by
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Maxkamadda Ciidamada oo dil ku fulisay macalin Ilkacase & xubno kale

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa ( Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

             Fagaaraha Dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya ayaa saakay waxaa lagu toogtay Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase) iyo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

            Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

         Dowladda Soomaaliya ayaa Barnaamij gaar ah ka diyaarisay Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa ( Macalin Ilkacase), kas oo uu ku qiranayay in uu ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay dilal dhowr ah sidoo kale uu xilal kala duwan kasoo qabtay Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip