C/Raxmaan C/Shakuur Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Farmaajo

0
Saturday November 28, 2020 - 16:55:59 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan C/Shakuur Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Farmaajo

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Sigaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa ka hadlay Banaanbax xoogn lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo, looga soo horjeeday Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal soo saaray ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo aan ka tacsiyeynin dadkii xalay lagu laayay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho uu Maanta soo abaabulay Banaanbax lagu taageerayay.

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay inuu soo abaabulay Banaanbixii ka dhacay Gedo oo uu sheegay inay dhigeen dad barakacayaal ah, isla markaana looga faa’iideystay duruufta heysto, waan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Qoraalkiisa ayuu Siyaasiga ku sheegay in Madaxweynaha uusan ka nixin dhalinyaradii xalay ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

"Madaxweyne Farmaajo isagoo aan ka tacsiyeynin, dhalinyaradii xalay la xasuuqay, welina maydkoodii la aasin, ayuu saakay soo abaabulay barakacayaal duruufta looga faa’iidaystay. Kuwii dhintay kama nixin, kuwa la soo bixiyey kama damqan duruuftooda, shacabkana kama xishoon. Madaxweyne daaye, qof damiirkiisu noolyahay sidan uma dhaqmo” ayuu yiri CC Shakuur.

Si kastaba hadalka Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo aadayaa, iyadoo weli Madaxweyne Farmaajo uusan ka hadlin Qaraxii ay ku geeriyoodeen 8 dhalinyaro ahaa, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, kaasi oo xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino, waxaana sheegtay Al-shabaab.

XIGASHO:-RADIODALSAN.COM





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip