Banaanbax xoog leh oo maanta ka dhacay Beledweyne

0
Saturday November 28, 2020 - 16:41:24 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax xoog leh oo maanta ka dhacay Beledweyne

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

         Banaanbax ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay saakay dagaal ku qaadeen Jabhad cusub oo laga aas-aasay duleedka magaalada.

            Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiraan ayaa saakay weeraray fariisimihii ay ku sugnaayeen ciidamo u abaabulan qaab Jabhad oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

          Ciidamada Jeneraal Xuud ayaa laga saaray goobihii ay ku sugnaayeen, waxaana la sheegay inay u ruuqaansadeen dhul buuraley ah, welina lama soo werin wax khasaare ah ah oo ka dhashay dagaalkaas oo dhacay waaberigii hore ee saakay.

          Dadka magaalada oo ka soo hor jeeda weerarka lagu qaaday sarkaalkaas iyo ciidamadiisa ayaa maanta isugu soo baxay magaalada, iyagoo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxda maamulka cusub ee HirShabeelle iyo madaxweyne Farmaajo.

            Dadkaas ayaa dalbanayey in aan la weerarin Jeneraal Xuud iyo ciidamadiisa, iyagoo ku tilmaamay nin soo dhicinaya xaq ka maqan dadka reer Hiiraan, waxayna dalbadeen in tabashadooda wax laga qabto.

           Dadkii banaanbaxayey ayaa si cad u sheegay in Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed aysan imaan karin magaalada Beledweyne, ilaa inta laga xalinayo tabashadooda.

            Safar uu Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagi lahaa magaalada Beledweyne ayaa fashilmay in ka badan laba goor, balse waxaa maalmo ka hor tegay ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip