WRAR DHEERAAD AH AHQARIXII SAAKAY:-"Hadda Waan Caafimaad qabaa, waana ka badbaaday qaraxii layla eegtay ..."

0
Saturday November 28, 2020 - 13:24:17 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WRAR DHEERAAD AH AHQARIXII SAAKAY:-"Hadda Waan Caafimaad qabaa, waana ka badbaaday qaraxii layla eegtay ..."

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa Saakay Mgaalada Muqdisho qarax lagula eegtay Masuul ka tirsan Dowladda federaalka  Soomaaliya  waxaan faahfaahinaya qaraxaasi masuulka laga eegtay oo ka warbixiyey qaraxaasi Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon  isagoo saxafadda la hadlayan  wuxuu yiri'Qarax xoogan oo saakay lagula eegtay qeyb kamid ah degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa la maqlay meelo fogfog oo ka mid ah magaalda muqdisho.

      Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa gaariga uu saarnaa Maareeye Axmed Waashitoon lagula eegtay, xili uu marayay Isbitaalka Laansaleyti ee Isgoyska Miranaayo ee Cabdicaiis, isagoona ka badbaaday qaraxaas. sida uu sheegay 

    Axmed Washington intaa ku daray inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.

      Waxaa uu sheegay Maareeye Axmed in laba kamid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaawac soo gaaray, maadaama ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta, waxaana mid kamid Askartiisa uu jab soo gaaray .

      Sidoo kale Maareeyaha ayaa shaki geliyay inay jiraan dad kale oo shacab ah oo qaraxaas waxyeelo kasoo gaartay, isagoo tilmaamay in durbo markii uu dhacay qaraxa ay ku mashquuleen Askartiisa dhaawacantay.

      Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon ayaa kusoo aadayaa, iyadoo xalay Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaasoo ay qur baxeen 8 dhallinyaro ah iyadoo walibana dhhawacyo kale halkaa laga qaaday

 waxaa beryahaan soo badanay qaraxyada kuwa miinada ah ee la aaso iyo in qof ismiidaaminayo oo goobaha lagu shaaho soo galayo 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip