Ereyadii Ugu Danbeeyay Ee Uu Diego Maradona Ku Hadlay Hor Inta Aysan Nafta Ka Bixin Oo La Shaaciyay & Qaabkii Uu U Geeriyooday Oo Faahfaahin Laga Helay

0
Thursday November 26, 2020 - 07:38:50 in Sports News by
  • Visits: 2943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ereyadii Ugu Danbeeyay Ee Uu Diego Maradona Ku Hadlay Hor Inta Aysan Nafta Ka Bixin Oo La Shaaciyay & Qaabkii Uu U Geeriyooday Oo Faahfaahin Laga Helay

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Ereyadii ugu danbeeyay ee Diego Maradona ka hor inta uusan geeriyoonin waxay ahaayeen: "Xaaladeyda ma fiicna.”

Halyeeyga kubada cagta ayaa geeriyooday maanta oo Arbaco ka dib wadno xanuun ku soo booday.

Waxaa haatan la shaaciyay in Maradona uu quraacday ka hor inta uusan u sheegin wiil uu adeer u yahay Johnny Esposito inuusan fiicneyn islamarkaana uu doonayo inuu mar kale seexdo.

Advertisements
 

Kalkaalisadii xanaaneyneysay ka dib markii Maradona laga soo fasaxay cusbitaalka markii qaliin maskaxda looga sameeyay ayaa wacday gawaarida gargaarka deg deg ah iyadoo dhowr gawaari ay durbadiiba ka soo jawaabeen codsigeeda.

Laakiin waxay yimaadeen xilli uu halyeeyga kubada cagta geeriyooday oo naftii ka baxday.

Saacidihii ugu danbeeyay ee nolosha xiddigii hore ee Napoli iyo Barcelona ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta Argentina iyadoo meydkiisa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu u dhintay wadnaha oo istaagay.

Mid ka mid ah warbaahinta si dhow u la socotay xaalada Maradona ayaa sheegtay inuu saaka soo kacay isagoo maqaarka uu cadaaday islamarkaana ka cabanaya inuu qabow dareemayo.

 

Waxa uu ku laabtay sariirta ka dib markii uu quraacday waana halka uu ku yiri ereyadiisii ugu danbeysay ee ahaa ‘Me siento mal’ – oo u tarjumeysa "ma fiicni”

Adeega caafimaadka gargaarka degdega ah ayaa isku dayay inay mashiino ku xiraan balse waxay xaqiijisteen inuu geeriyooday.

Madaxweynaha dalka Argentina ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galayo seddex maalmood oo baroordiiq ah iyadoo taageerayaal badan ay isagu soo baxeen magaalooyinka Argentina iyo magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu halyeey ka ahaa.



Maradona ayaa u soo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Napoli isagoo labo koob oo ah koobka horyaalka talyaaniga la qeybsaday Napoli.

sawirada Maradona



 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip