Tababaraha Xulka Qaranka Talyaaniga Ee Antonio Conte Oo Soo Saaray Liiska Xulka Qarankiisa Azzurri Ee Kulamada Saaxiibtinimo La Ciyaari Doona Spain Iyo Germany Iyo Xidigaha Liiskan Ku Soo Baxay

0
Sunday March 20, 2016 - 11:57:20 in Sports News by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Xulka Qaranka Talyaaniga Ee Antonio Conte Oo Soo Saaray Liiska Xulka Qarankiisa Azzurri Ee Kulamada Saaxiibtinimo La Ciyaari Doona Spain Iyo Germany Iyo Xidigaha Liiskan Ku Soo Baxay

    Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga eeAntonio Conte ayaa soo saaray liiska xulka qarankiisa ee kulamada saaxiibtinimo ee Spain iyo Germany,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga eeAntonio Conte ayaa soo saaray liiska xulka qarankiisa ee kulamada saaxiibtinimo ee Spain iyo Germany,

waxaana liiskan ka maqanMario Balotelli, laakiin Conte ayaa markii ugu horaysay xulka qaranka Italy uga yeedhay xidiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Thiago Motta tan iyo markii ay Itlay heerka Group-yada kaga soo hadhay koobkii aduunka ee Brazil ka dhacay sanadkii 2014 kii.

Waxa kale oo liiskan ku soo baxay Lorenzo Insigne oo sidoo kale ku jiray liiskii Antonio Conte ee bishii October 2015 kii balse dhaawac looga saaray. Xidiga kooxda Napoli eeJorginho oo aan wali hal kulan u ciyaarin Italy ayaa liiska lagu soo daray halkaFederico Bernardeschi laga soo dalacsiiyay kooxda 21 jirada Italy kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Fiorentina.Conte

Waxa kale oo liiska Conte booska helay xidiga kooxda PSG eeMarco Verratti inkasta oo uu dhawaan ka soo laabtay dhaawac balse waxaa la marin doonaa tijaabo xaaladiisa lagu ogaan doono. Xulka qaranka Itlay ayaa 24-kaMarch garoonka Udinese ku soo dhawayn doonta xulka qaranka Spian inta ayna Allianz Arena ku booqan xulka koobka aduunka haysta ee Germany.

 

Liiska Xulka qaranka Italy ee uuAntonio Conte soo saaray oo dhamaystiran:

Goolhayayaasha:Gianluigi Buffon (Juventus), Mattia Perin (Genoa), Salvatore Sirigu (Paris Saint-Germain).

Difaaca:Francesco Acerbi (Sassuolo), Luca Antonelli (Milan), Davide Astori (Fiorentina), Andrea Barzagli (Juventus), Leonardo Bonucci (Juventus), Matteo Darmian (Manchester United), Lorenzo De Silvestri (Sampdoria), Andrea Ranocchia (Inter).

Dhexda:Alessandro Florenzi (Roma), Emanuele Giaccherini (Bologna), Jorginho (Napoli), Riccardo Montolivo (Milan), Thiago Motta (Paris Saint Germain), Marco Parolo (Lazio), Roberto Soriano (Sampdoria), Marco Verratti (Paris Saint Germain).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip