JABUUTI oo lagu Wareejiyay Maanta Maxaabiis Lagaga Qabsaday Dagaalkii Eritrea (SAWIRRO)

0
Friday March 18, 2016 - 22:31:59 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JABUUTI oo lagu Wareejiyay Maanta Maxaabiis Lagaga Qabsaday Dagaalkii Eritrea (SAWIRRO)

    Dowladda Qadar, ayaa Afar Maxbuus oo Jabuuti looga qabsaday dagaalkii ay la gashaya dalka Ertirea maanta ku wareejisay xukuumadda Jabuuti, kuwaasoo muddo siddeed sannadood ah maxaabiis ku ahaa dalka Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qadar, ayaa Afar Maxbuus oo Jabuuti looga qabsaday dagaalkii ay la gashaya dalka Ertirea maanta ku wareejisay xukuumadda Jabuuti, kuwaasoo muddo siddeed sannadood ah maxaabiis ku ahaa dalka Eritrea.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Maxaabiistan ayaa waxaa xukuumadda Jabuuti ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qadar iyo Danjirayaasha labada waddan ee Jabuuti iyo Qadar, iyadoo maxaabiistaan muddo ay gacanta ku haysay xukuumadda Eritrea.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti, ayaa Maxaabiistan Jabuutiyaanka ah ku soo Dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Saraakiilka tirsan ciidanka Jabuuti.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo Qadar oo Shir jaraa'id ku qabtay Garoonka ayaa Faahfaahinno ka bixiyay sida ay Maxaabiistaan Jabuuti kusoo gareen, iyagoo xusay in sii-deyntoodu ku timid dadaal ay xukuumada Qadar ku bixisay sidii loo sii dayn lahaa, iyadoo ugu dambeyn ay ku guuleysatay dhax-dhaxaadintii ay ka dhax-waday Eritrea iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay hadalkiisa in askarta Jabuuti dagaalka looga qabsaday ay ahaayeen 22-Askari, Maantana ay soo gaareen Afar ka mid ah, wuxuuna intaas ku daray in 13- askari ay weli gacanta Eritrea weli ku jiraan, labo kalana ay ka baxsadeen jeelka ama xabsigii lagu hayay.

Qaar ka mid ah Maxaabiistaan ayaa dareenkooda ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan dalkooda yimaadaan oo muddo siddeed sano ah ay ka maqnaayeen, caafimaadkooduna uu wanaagsan yahay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Doxa ayaa waxay ciidammo ka joogaan Xadka labada Dal ee Jabuuti iyo Eritrea u dhexeeya, iyadoo xukuumadda Jabuuti ay weli waddo dadaal sidii ay labada waddan u dhex-dhexaadin lahayd.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip