Kooxda Real Madrid oo koobkan ku guuleysatay 10-jeer ayaa ku aaday kooxda ka dhisan Jarmalka ee Wolfsburg.
Sidoo kale kooxda Manchester City oo ah kooxda kaliya oo ka socota Ingiriiska ayaa markii u horeysay u soo baxday wareega 8-da, waxaana ay ku aaday Kooxda Faransiiska ee PSG.
Kooxda Bayern Munich ayaa ku aaday Kooxda ka dhisan dalka Portugal ee Benfica.
Hadaba kulamadan is araga hore iyo is araga dambe waxaa la ciyaari doonaa:-
5 & 13 April
Bayern München (GER) v Benfica (POR)
Barcelona (ESP) v Atlético Madrid (ESP)
6 & 12 April
Wolfsburg (GER) v Real Madrid (ESP)
Paris (FRA) v Manchester City (ENG)
Isku aadka wareega 8-da ee Champions League oo la sameeyay (Barca Vs At. Madrid)
Isku aadka wareega 8-da ee Quarter Final Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee Champions League ayaa la sameeyay goor dhoweyd,iyadoo kooxda heysata Koobkan ee Barcelona ay ku aaday kooxda kale ee ay isku wadanka yihiin Atletico Madrid.