Madaxweynaha Ruushka oo shaaciyay in Hawl-galkii Suuriya ay kaga baxday $480 MILYAN

0
Friday March 18, 2016 - 20:01:33 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ruushka oo shaaciyay in Hawl-galkii Suuriya ay kaga baxday $480 MILYAN

    Madaxweynaha Ruushka, Vlidimir Putin ayaa maanta sheegay in Xukuumaddiisa ay kaga baxday 480-milyan oo doollar hawl-galkii ay Ruushku fuliyeen, kaddib kulan uu maanta Kremlin-ka kula qaatay saraakiishii hogaaminayay hawl-galkii Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ruushka, Vlidimir Putin ayaa maanta sheegay in Xukuumaddiisa ay kaga baxday 480-milyan oo doollar hawl-galkii ay Ruushku fuliyeen, kaddib kulan uu maanta Kremlin-ka kula qaatay saraakiishii hogaaminayay hawl-galkii Suuriya.
Putin ayaa xusay in hawl-galkii ay ka fuliyeen Suuriya ay ku guuleysteen, sidaas awgeedna ay go’aansadeen inay inta badan ciidamadooda kala soo baxaan Suuriya, wuxuuna xusay in weli ay taageerayaan xukuumadda Bashar Al-Assad.

"Hawl-galkii Millarteri ee aan ka fulinnay dalka Suuriya, waxaan noogabaxay 480-milyan oo doollarka Mareykanka ah, tan iyo markii ay billowdeen, kharashkaas oo ah kala bar kii aan millateriga Ruushka ugu talo-galnay inuu ku bixi sannadkii 2015-ka.” ayuu yiri Putin.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ruushanka ayaa xusay inay ku beegsadeen hawl-galladii ay ka fuliyeen Suuriya kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Dimishiiq, ayna ku dhabar-jabiyeen xoogagga Islaamiyiinta ah ee Daacish.

"Wuxuu hawl-galkan ahaa mid aan ku ogaannay in hubka casriga ah ee Ruushka uu yahay mid u qalma dagaalka noocan oo kale ah. Waana mid ay ciidankeena millaterigu ka heleen khibrado dagaal oo cusub,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Ruushka.

Vlidimir Putin ayaa hadalkiisaan raaciyay in Ruushka ay ka go’an tahay inay horumariyaan hubkooda casriga ah iyo inay xoojiyaan in ciidamadoodu ay helaan tababbarro dheeraad ah la siiyo, si ay awood ugu yeeshaan inay la dagaalamaan kuwa khatarta ku ah amnigooda.

Khamiistii shalay ahayd ayaa waxaa dalka Suuriya ka baxay qaar ka mid ahaa diyaaradaha Dagaalka Ruushka, sida Vlidimir Putin uu ku xusay Warbixin uu u jeedinayay Saraakiishii hoggaaminayay hawl-galkii Suuriya iyo ciidamadii qaybta ka ahaa.

"Qorshaheenna ka bixitaanka Suuriya waa mid aan go’aan ku gaarnay… waxaan kala bixi doonnaa qayb ka mid ah ciidamadeenna, halka kuwo kalena ay sii joogi doonaan saldhigga Hmeimim ee dalka Suuriya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Putin.

Dhanka kale, madaxweynaha Ruushka ayaa xusay in diyaaradahooda dagaalka ee S-400 ee jooga saldhigyada ay ku leeyihiin badda Mediterranean ay halkaas sii joogi doonaan.

Ugu dambeyn, Putin ayaa hadalkiisa raaciyay gantaallada difaaca hawada saree e Ruushku leeyahay loo adeegsan doono in looga hor-tago khatar walba oo amni oo soo wajahda dhul-weynaha Ruushka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip