AMISOM oo Dalbatay Taageero dheeri ah si ay u xoojiso Hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab

0
Friday March 18, 2016 - 16:34:30 in Wararka by
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Dalbatay Taageero dheeri ah si ay u xoojiso Hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab

    Afhayeen u hadlay howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah, si ay u sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay mid khalad ah in dalalka caawiya ay ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeen u hadlay howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah, si ay u sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay mid khalad ah in dalalka caawiya ay jartaan qaar ka mid ah lacagtii ku bixin jireen hawlgalka Somalia.
Gaffel Nkolokosa oo ah afhayeenka u hadlay AMISOM, ayaa sheegay in Midowga Yurub oo dhaqaale ku bixin jiray howlgalka ciidankooda ee Somalia ay dhawaan sheegay in qayb ka mid ah dhaqaalihii ay ku bixin jireen ay jarayaan, waxayna qayb ka ah mushaaraadka ay ciidamada AMISOM qaataan.

"Ciidamada AMISOM, waxay xilligaan ku jiraan Hawl-gallo xasaasi ah, mana ahayn xilli loo baahnaa in dhaqaalaha qaarkiis laga jaro, waayo taasi waxay la micno noqonaysaa in la qubo guulihii hawl-gallada Somalia laga gaaray,” ayuu yiri Gaffel Nkolokosa.

Al-shabaab oo la aasaasay sanadkii 2006-dii, ayaa waxay qaraxyo iyo weeraro kala duwan ka fulisay; Soomaaliya, Uganda, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo boqollaal ruux ay ku dishay. Inkastoo ciidamada AMISOM oo ka socda dalal dhowr ah oo ka Tirsan Afrika ay u Xoog-sheegteen Al-shabaab ayna ka saareen deegannno ay ka talin jirtay.

"Qaramada Midoobay, Waxaan ka doonaynaa in ay AMISOM siiso Taageero buuxda oo la mid ah tan la siiyo ciidanka nabad-ilaalinta ah ee hoos-yimaada si ay u gutaan waajibaadka ay u joogaan Soomaaliya,” ayuu mar kale Nkolokosa, oo ku daray hadalkiisa in haddii aan taageero la helin aysan suuro-gal ahayn in hawl-galka Somalia lagu guuleysto.

Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Somalia, laguna beegsado Saraakiisha Al-shabaab, ayaa sheegay in taasi ay gacan ka geysanayso Daciifinta awoodaha Al-shabaab.

"Hubaashii, ciidanka AMISOM waxay ku guuleysatay inay Al-shabaab ka saarto deegaano ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Tan iyo Sannadkii hore ee 2015-kii. Balse taageero dheeraad ah oo la helo ayaa xoojin karta howlgallada AMISOM,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaffel Nkolokosa.

Ugu dabmeyn, Afhayeenkaan u hadlay AMISOM ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin taageero ay ka mid tahay; qalabka ciidamada, tababarro iyo in sidoo kale la xoojiyo ciidamada AMISOM, si ugu guuleystaan inay sugaan ammaanka guud ee Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip