Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab ee Puntland

0
Friday March 18, 2016 - 13:13:47 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab ee Puntland

    Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xueen Guuleed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ee goolka Galguduud ayaa ka hadlay xoogagga Al-shabaab ee qabsaday deegaanno Puntland ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xueen Guuleed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ee goolka Galguduud ayaa ka hadlay xoogagga Al-shabaab ee qabsaday deegaanno Puntland ka tirsan.
C/kariim Xuseen ayaa sheegay inay Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland ka caawiso dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan iyo sidii looga adkaan lahaa Kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah.

Sidoo kale, Guuleed ayaa sheegay in qaar ka mid ah deegaannada Galmudug ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dhawaan halkaas galay, taasoo uu xusay inay khatar u yihiin maamulkiisa.

DHAGEYSO: Shirkii Jaraa'id ee Madaxweynaha Galmudug uu ku Qabtay Cadaado;

"Waxaa ayaan-darro ama nasiib-darro ah oo aan ka xunnahay in Al-shabaab ay duullaan ku qaaddo deegaannada Puntland oo aanu walaalo nahay, Innagu waxaan diyaar u nahay inaan la yeelanno iskaashi dhanka la dagaalanka Al-shabaab ah,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Somalia inay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee dhinaca badda ah, ayna waajib tahay inay tallaabo ka qaadaan.

Ugu dambeyn, C/kariin Guuleed ayaa xusay inuu aaminsan yahay in duqeymihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee la beegsaday Xoogagga Al-Shabaab ay ugu wacan tahay inay u cararaan dhanka Puntland iyo Galmudug.

xigasho:-hiiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip