Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi In Kooxdiisa Liverpool Ay U Soo Baxday Sideed Dhamaadka Europa Leaque-ga Iyo In ay Man United Reebtay? Iyo Klopp Oo Cadeeyay Kooxda Aanu Doonayn In Ay Isku Aadan Sideed Dhamaadka

0
Friday March 18, 2016 - 12:45:12 in Sports News by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi In Kooxdiisa Liverpool Ay U Soo Baxday Sideed Dhamaadka Europa Leaque-ga Iyo In ay Man United Reebtay? Iyo Klopp Oo Cadeeyay Kooxda Aanu Doonayn In Ay Isku Aadan Sideed Dhamaadka

    Tababaraha kooxda LiverpooleeJurgen Klopp ayaa farxad ka muujiyay in kooxdiisu ay u soo baxday wareega sideed dhamaadka Europa Leaque-ga kadib markii ay tartankan Old Trafford kaga cidhib tirtay kooxda ay sida wayn England ugu xifiltamaan ee Manchest

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda LiverpooleeJurgen Klopp ayaa farxad ka muujiyay in kooxdiisu ay u soo baxday wareega sideed dhamaadka Europa Leaque-ga kadib markii ay tartankan Old Trafford kaga cidhib tirtay kooxda ay sida wayn England ugu xifiltamaan ee Manchester United. Liverpool ayaa ku soo baxday wadar ah 3:1 ee labadii kulan ee ay Man United ku ciyaareen Anfield iyo Old Traffrod.

Laakiin Klopp ayaa doonaya in wareega sideed dhamaadka Europa Leaque-ga in Liverpool ay ka dheraato kooxdiisii hore eeBorussia Dortmund oo si xun u soo garaacday kooxda Tottenham. Balse Klopp ayaa cadeeyay in isaga iyo saaxiibadiisii hore ee Dortmund ay xiisaynayaan in ay isku arkaan finalka Europa Leaque-ga ee lagu qaban doono garoonkaSt. Jakob-Park ee kooxda FC Basel.klopp

 
Ugu horayn Klopp oo ka hadlaya in aanu wareega sideed dhamaadka doonayn kooxda Dortmund ayaa yidhi: "Anigu wareega xidiga ma doonayo Dortmund, maxay tahay sababta aan u doonayo kooxda ugu xoogan ee tartankan?. dhamaan saaxiibadayda Dortmund joogaa waxay doonayaan in ay anaga nala ciyaaraan, laakiin kaliya waxay doonayaan in ay nagula ciyaaran Basel(finalka St. Jakob-Park ). Waxay ka soo guulaysteen Tottenham taasina wax aad uxun ma aha”
.Manchester-United-v-Liverpool-Europa-League-Round-of-16-Second-LegXidiga ree Brazil ee Philippe Coutinho ayaa qaab ciyaareed layaableh ku soo bandhigay Old Traffrod isaga oo waliba dhaliyay gool cajiib ah kaas oo dhulka dhigay Manchester United. Goolka Coutinho ayaa Red Devils hawsha ku laba jibaaray iyada oo markii hore laga doonayay hal gool oo kaliya, balse goolka martida looga dhaliyay ayaa kooxda Van Gaal niyada ka jabiyay
.coutinho
 

wuxuuna Klopp oo arintaa ka hadlayaa uu yidhi: "haa, waxaanu sii ogayn in ay jiri doonaan waqtiyo ay falcelin samayn doonaan, Man United aad ayay qaybta hore nooga xooganayd, dhibaato yar ayaa naga soo gaadhaysay in aanu qaybta hore kubbada dib u helno, laakiin marka aanu kubbada helno waxaanu abuuraynay fursado layaableh, De Gea ayaa habeen kale oo fiican qaatay. Waxay heleen rekoodhe, waxaan filayaa in uu rekoodhe ahaa kadib Philipe Coutinho ayaa helay waqti khaas ah, waxa uu ahaa waqti layaableh”.Manchester-United-v-Liverpool-Europa-League-Round-of-16-Second-LegKlopp ayaa hadalkiisa raaciyay: "Idinku waxaad Philippe Coutinho taqaaneen in ka badan inta aan aqaan! qaybtii hore waxa uu helay waqtiyo aad u fiican, waxay uyara eekayd kulankii Manchester City, wax aad iyo aad u fiican ayuu ahaa wixii aanu samaynay, waxa aad samayso xaaladahan oo kale waa wax aad u fiican”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip