Kabtankii Hore Ee Manchester United Ee Roy Keane Oo Muujiyay Sida Uu Uga Murugaysan Yahay Awood La'aanta Ciyaartoyda Kooxdiisii Hore Ee Red Devils Isaga Oo Eedayn U Soo Jeediyay Kooxda Van Gaal

0
Friday March 18, 2016 - 12:30:20 in Sports News by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtankii Hore Ee Manchester United Ee Roy Keane Oo Muujiyay Sida Uu Uga Murugaysan Yahay Awood La'aanta Ciyaartoyda Kooxdiisii Hore Ee Red Devils Isaga Oo Eedayn U Soo Jeediyay Kooxda Van Gaal

    Kabtankii hore ee Manchester eeRoy Keane ooITV kubbada cagta kaga faalooda ayaa murugo iyo ciil ka muujiyay kooxda Louis Van Gaal oo xalay Old Trafford kaga hadhay tartanka Europa Leaque-ga kadib markii ay barbaro 1:1 ah galeen kooxda Liverpool oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtankii hore ee Manchester eeRoy Keane ooITV kubbada cagta kaga faalooda ayaa murugo iyo ciil ka muujiyay kooxda Louis Van Gaal oo xalay Old Trafford kaga hadhay tartanka Europa Leaque-ga kadib markii ay barbaro 1:1 ah galeen kooxda Liverpool oo kulankii Anfield shaqada ugu badan soo qabsatay.Roy Keane ayaa ciyaartoyda Man United ku weeraray in ayna cadaadiska u adkaysan karin.

Manchester United ayaa rajo ka qabtay in ay Europa Leaque-ga ku guulaysato si ay xili ciyaareedka danbe ugu soo baxdo Champions Leaque-ga balse rajadaa waxaa soo gabagabaysay Liverpool sidoo kale Man United ayaa hadda ka baxsan kaalinta afraad, waxayna u muuqataa in kulankii Old Taffrod uu dilay rajadii Man United ee ka soo qayb galkooda Champions Leaque-ga xili ciyaareedka danbe.Keane

Roy Keane oo sanadkii 1999 kii Red Devils kula soo guulaysatay saddexda koob ayaa aad uga murugooday xaalada ay ku jirto kooxdiisii hore ee Man United wuxuuna yidhi: "Aniga waxaa imurugo galisay wixii aan Man United ku soo arkayay sanadkii hore ama labadii sano ee ugu danbeeyay, waxay u muuqataa waxyaabo isku xidhan oo lala yaabo”.Unitedd

Roy Keane oo dhaliil wayn u soo jeedinaya ciyaartoyda hadda ee Man United ayaa yidhi: "Marka aad u ciyaarto Manchester United ee aad xidhato maaliyada ama garanka, anigu markasta waxaan dareemi jiray sidii aan leeyahay 10 lugood oo dhaa dheer laakiin qaar ka mid ah ciyaartoydu waxay u muuqdaan in marka ay maaliyada xidhaan ay yaranynayaan”.United

 

 

"Haddii aan u ciyaarayso Manchester United, waxaa qasab kugu ah in aad la tacaasho cadaadiska iyo waxaa la filayo, kooxdan ciyaartoyda ani xaqiiqdii way dhibtoonayaan. Waan ogahay in ay dhaawacyo haystaan iyo sida ay muhiimka u tahay haddii uu Wayne Rooney taam u ahaan lahaa kooxda” ayuu Keane hadalkiisa raaciyay
.Unitedd1

Roy Keane ayaa su’aalo iska waydiiyay halka ay martay dabeecadii iyo hogaamintii Manchester United wuxuuna yidhi: "Xagay martay dabeecadii? Xagay martay hogaamintii kooxdani?. Manchester United ayaa kulanka xiga booqan doonta Etihad Stadium halkaas oo ay kulanka xili ciyaareedkeeda inta ka hadhay ugu muhiimsan ay kula soo yeelan doonto Man City oo kaalinta afraad ku jirta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip