Tababare Jose Mourinho Oo Ugu Danbayn Qirtay Saamaynta Uu Lionel Messi Leeyahay: 'Waa Wax Sahlan In Aad Champions Leaque-ga Kula Guulaysato Lionel Messi', Iyo Mourinho Oo Cadeeyay Waqtiga Uu Shaqdiisa Xigta Qaban Doono?

0
Friday March 18, 2016 - 12:28:52 in Sports News by
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jose Mourinho Oo Ugu Danbayn Qirtay Saamaynta Uu Lionel Messi Leeyahay: 'Waa Wax Sahlan In Aad Champions Leaque-ga Kula Guulaysato Lionel Messi', Iyo Mourinho Oo Cadeeyay Waqtiga Uu Shaqdiisa Xigta Qaban Doono?

    Tababaraha ree Portugal ee Jose Mourinho ayaan markii uu joogay Real Madrid hoos udhigi jiray Lionel Messi, kamanuu daali jirin in uu shirarkiisa jaraa'id markasta ku sheego in Cristiano Ronaldo uu yahay xidiga aduunka ugu fiican balse ugu danba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha ree Portugal ee Jose Mourinho ayaan markii uu joogay Real Madrid hoos udhigi jiray Lionel Messi, kamanuu daali jirin in uu shirarkiisa jaraa'id markasta ku sheego in Cristiano Ronaldo uu yahay xidiga aduunka ugu fiican balse ugu danbayn Mourinho ayaa ku dooday in ay wax sahlan tahay in Champions Leaque-ga lagula guulaysto koox uu Messi ka tirsan yahay, wuxuuna taas sabab uga dhigay in Messi uu saddex tababare oo kale duwan uu Champions Leaque-ga la qaaday.

Waxay u muuqataa in Mourinho oo aan hadda wax koox ah gacanta ku hayn uu aqbalay saamaynta wayn ee uu xidiga ree Argentina ku yeeshay kubbada cagta yurub. Mourinho oo la hadlayay BT Sports ayaa yidhi: "Ugu horayn kubbada cagta waxaa ku jira shaqsiyo, tusaale ahaan Lionel Messi waxa uu Champions Leaque-ga kula soo guulaystay saddex tababare oo kale duwan. Waxaan filayaa in ay wax sahlan tahay in Champions Leaque-ga lagula guulaysto Lionel Messi intii aad isaga kaga hor iman lahayd”.Mou and Messi

Mourinho oo sharaxaadiisa sii wada ayaa yidhi: "Anigu waxaan ahay tababare, waxaanan ogahay in dadku ay ka fikiraan in shaqsigu uu aad uga muhiimsan yahay kooxda. Anigu waxaan sii wadayaa rumaysnaanta ah in isku duubnaantu ay ka muhiimsan tahay waxkasta oo kale, inkasta oo ay iska cadahay in ay jiraan ciyaartoy farqiga sameeyaa”.Messi

Intaa kadib Mourinho ayaa kala cadayn waayay in uu shaqada Man United qaban doono wuxuuna yidhi: "Anigu waxaan nasiib ku lahaa tan iyo markii aan December ka baxay Chelsea in aan haystay doorashooyin fiican, laakiin waxaan go’aan ku gaadhay in aan sugo oo aan deganaado, xaqiiqdu waxay tahay in aan shaqo doonayo. Kulamada xili ciyaareedka ka horeeyaa waxay bilawdaan July waxaanan doonayaa in aan markaas kooxda la joogo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip