Kooxihii Doonayay Paul Pogba Oo War Fiican Helay: Juventus Oo Wada Qorshe Ay Iskaga Iibinayso Pogba Iyada Oo Ku Soo Badalanaysa Edinson Cavani Iyo Xidiga Layaabka Ka Samaynaya Leicester City Ee N'Golo Kante.

0
Friday March 18, 2016 - 12:20:35 in Sports News by
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxihii Doonayay Paul Pogba Oo War Fiican Helay: Juventus Oo Wada Qorshe Ay Iskaga Iibinayso Pogba Iyada Oo Ku Soo Badalanaysa Edinson Cavani Iyo Xidiga Layaabka Ka Samaynaya Leicester City Ee N'Golo Kante.

    Juventus ayaa wada qorshe ay iskaga iibinayso Paul Pogba isla markaana ay lacagtiisa maal galin ugu samaynayso kooxdeeda waxayna Old Lady doonaysaa in ay lacagta Pogba kula soo wareegto gool dhaliyaha kooxdaParis Saint-Germain ee Edinson Cavani iyo w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus ayaa wada qorshe ay iskaga iibinayso Paul Pogba isla markaana ay lacagtiisa maal galin ugu samaynayso kooxdeeda waxayna Old Lady doonaysaa in ay lacagta Pogba kula soo wareegto gool dhaliyaha kooxdaParis Saint-Germain ee Edinson Cavani iyo waliba xidiga shaqada cajiibka ah ka qabanaya kooxda Leicester City ee N'Golo Kante. wuxuuna warkani farxad u yahay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo lacago qaali ah ku doonayay Pogba.

Kooxda Bianconeri ayaa horeba u diiday dalabyo badan oo lagu doonayay Paul Pogba oo uga yimid kooxaha kala ah Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Manchester City iyo PSG waxayna hadda PSG madax Pogba ay dul dhigtay 100 milyan oo euros. Laakiin xagaaga kooxaha aan soo sheegnay iyo kuwo kale ayaa fursad loo siin doonaa in ay la wareegi karaan Pogba.1458159182380_lc_galleryImage_Juventus_Paul_Pogba_right

Sida ay ku warantay jariiradaLa Gazzetta dello Sport, kooxda Turin ka dhisan ayaa wada qorshe hawleed ay dib ugu maal galinayso kooxdeeda si ay kooxdeeda ugu samayso xoojin ay kaga tartanmi karto tartanka Yurub oo ay sanadkan ku soo hadhay wareega 16 ka kooxood. Old Lady ayaa sidoo kale bartilmaameedsanasya xidiga khadka dhexe ee Dortmund eeMkhitaryan, waxaana suurtogal ah in Juventus ayAlvaro Morata dib uga iibiso kooxdiisii hore ee Real Madrid oo doonaysa in ay dib ula wareegto.pogba

Juventus ayaa sidoo kale diirada ku haysa difaaca kooxda Bologna eeAmadou Diawara, waxa kale oo liiskan Juventus Stadium laga doonayo ka mid ah difaaca kooxdaPSV Eindhoven ee Hector Moreno iyo walibaJeison Murillo oo Inter ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip