Zlatan Ibrahimovic Oo Dareenkiisa London Ku Soo Jeediyay Iyo Kooxaha Chelsea & Arsenal Oo Haysta Fursad Ay Ibrahimovic Si Xor Ah Ugula Wareegi Karaan

0
Friday March 18, 2016 - 12:19:02 in Sports News by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zlatan Ibrahimovic Oo Dareenkiisa London Ku Soo Jeediyay Iyo Kooxaha Chelsea & Arsenal Oo Haysta Fursad Ay Ibrahimovic Si Xor Ah Ugula Wareegi Karaan

    Xidiga xulka qaranka Sweden iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Zlatan Ibrahimovic ayaa la filayaa in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku soo aadan yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaas oo ay kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay fursad u haystaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Sweden iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Zlatan Ibrahimovic ayaa la filayaa in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku soo aadan yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaas oo ay kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay fursad u haystaan in ay si xor ah kula wareegi karaan mid ka mid ah gool dhaliyaasha kubbada cagta ugu fiican.

HeshiiskaZlatan Ibrahimovic ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan wuxuuna Ibrahimovic doonayaa in uu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Sidii aanu hore idiinku soo gudbinayFootmercato ayaa ku warantay in kooxda Chelsea ay Ibrahimovic u soo bandhigtay heshiis laba sano ah oo uu ku helayo lacag ku dhaw£20 milyan oo gini. Warka ayaa intaa ku darayay in Chelsea ayZlatan Ibrahimovic u soo badhigtay dalab uu sanadkii mushaar ahaan ugu qaadanayo £9.75 milyan gini taas oo Ibrahimovic u ogaanaysa in uu Stamford Bridge laba sano ku qaato 19.5 milyan gini.ibrah

Laakiin sidoo kale kooxda Arsenal ayaa xiiso u qabta xidiga ree Sweden eeZlatan Ibrahimovic, sidoo kale kooxda West ham United ayaan tartanka ka maqnayn waxayna doonaysaa in ay si lama filaan ah ay Ibrahimovic ay si xor ah uga soo dejiso kooxdeeda.Ibra oo si xor ah lagula wareegi karo xagaaga ayaa la fahansan yahay in uu dalban doono mushaar ah£150,000 kun oo gini oo uu todobaadkii ka qaadan doono kooxda saxiixiisa ku guulaysata.ibra

Zlatan Ibrahimovic ayaa axadii PSG kula guulaystay koobka horyaalka France kadib markii ay 9:0 ku xaaqeen kooxda Troyes wuxuuna Ibrahimovic dhaliyay afar gool oo ka mid ahaa sagaalka gool,wuxuuna Ibrahimovic uu kooxda ree France kula guulasytay koobkoodii afraad ee Ligue 1-ka oo ay markii xili ciyaareedkii afraad oo xidhiidh ah ay ku guulaystaan. Ibra ayaa burburiyay horyaalka France wuxuuna hore u sheegay in uu Prmier Leaque-ga burburin lahaa haddii uu ka ciyaari lahaa.ibra1

Ibrahimovic ayaa xili ciyaareedkan kooxdiisa iyo xulka qarankiisa udhaliyay 37 gool. Waxaana la sugayaa kooxda uu Ibrahimovic uu ku biiri doono ee ku darsami doonta liixka kooxahaMalmo, Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona , AC Milan iyo PSG ee uu waayihiisa ciyaareed ka soo muuqday.ibra22




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip