Sidee ayay warbaahinta dunida u tebineysaa doorashada Mareykanka?

0
Thursday November 05, 2020 - 15:54:38 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ayay warbaahinta dunida u tebineysaa doorashada Mareykanka?

    Suurtogalnimada ah rabshado ka dhaca Mareykanka, sababo la xiriira doorashada aan weli kala caddeyn, ayaa saldhig u ah tebinta warbaahinta dhowr dal. Meelaha qaar, waxaa arrintan looga gol leeyahay in lagu wiiqo Mareykanka. Raadiyaha dowladda ee I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suurtogalnimada ah rabshado ka dhaca Mareykanka, sababo la xiriira doorashada aan weli kala caddeyn, ayaa saldhig u ah tebinta warbaahinta dhowr dal. Meelaha qaar, waxaa arrintan looga gol leeyahay in lagu wiiqo Mareykanka. Raadiyaha dowladda ee Iiraan ayaa soo tebiyay rabshado ka dhacay Los Angeles, Seattle iyo Minneapolis, waxayna hadalka u dhigeen in dibadbaxayaashu "ay hubeysan yihiin oo aysan ka baqeyn booliiska". "Rabshado, hub. Waa wax aalaaba lagu yaqaanno doorashooyinka dalalka soo koraya," ayuu yiri qof faallo ku qoray wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha. "Wax ka dhacaya doorashada Mareykanka waa wax aynaan marnaba sawiran inay ka dhici doonaan dalkan 'Astaana u ah Xorriyadda'." Gudaha Ruushka, telefishinnada dalkaas ayaa sidoo kale soo bandhigaya sawirrada iyo muuqaallada isku dhaca dibadbaxayaasha iyo booliiska ee magaalada New York iyo magaalooyin kale. Dad badan oo wax falanqeeya ayaa qaba in natiijada ka soo baxda doorashada ay sii kala qeybin doonto Mareykanka. Waxaa sidoo kale jira aragti ah sida rabshado dhaca iyo arrimo kaleba ay u wiiqi karaan dimquraaddiyadda Mareykanka. "Ceebta

Tebin toos ah

Posted at 14:39



  1. Doorashada Mareykanka
    Copyright: BBC


    Ameerika" waa cinwaanka wargeyska Standard ee dalka Kenya ka soo baxa, waxaana sawir looga dhigay ciidamada Mareykanka oo qoryo ku dhex wata waddooyinka.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale tebinteeda ku dartay "rabshado” xilli ay socoto tirinta codadka.

    "Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sameynayaa sheegashooyin aan caddeyn loo heyn wuxuuna sheeganayaan inuu doorashada ku guuleystay," ayuu yiri Allgemeine Zeitung oo faallo ku qora wargeyska Frankfurter ee dalka Jarmalka.

    Mareykankan "wuxuu cagta saaray xasaraddii ugu weyneyd ee dowlad iyo siyaasad ahaan tan iyo intii uu Richard Nixon is casilay", ayaa lagu yiri wargeyskaEl Mundo ee dalka Spain.

    Sawir-gacmeed lagu daabacay barta Daily Maverick ee dalka Koofur Afrika wuxuu tusinayaa Donald Trump oo toorrey ku haya taallada xornimada oo ay la socoto hanjabaad.

    Waxaa sidoo kale jira warbaahinta qaar oo tebinaya in Joe Biden uu ku horreeyo codadka, iyo waxa ay taas ka dhigan tahay.

    Gudaha Afghanistan, wargeyska Rah-e Madaneyat ayaa is weydiinaya su`aasha ah: "Guusha Trump ma waxay ka dhigan tahay guusha Taliban? Guusha Biden-se ma waxay ka dhigan tahay sii socoshada jamhuuriyadnimada Afghanistan?"

    Nin faallo ku qoray barta telefishinka Al-Mayadeen ee dowladda Iiraan taageera ayaa sheegay in dalalka Gacanka ay isha ku hayaa in "bisha malabka ee Trump ” ay sii socon doonto iyo in kale.

  2. Trump oo maxkamad ka dalbaday in dib loo tiriyo codadka qaar

    Doorashada Mareykanka
    Copyright: GETTY/EPA

    Xafiiska ololaha doorashada ee Madaxweyne Donald Trump ayaa labo dacwadood ka gudbiyay natiijada gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo labaduba uu ku guuleystay Joe Biden.

    Dacwadahan ayay kooxda Trump ku sheegeen inay tahay mid ay uga ashtakoonayaan in wakiiladoodii doorashada aanan fursad loo siinin inay gudaha u galaan halka lagu tirinayo codadka.

    Dacwad taas la mid ah ayay kooxda Trump ka gudbiyeen Wisconsin, halkaas oo Biden uu ku guuleystay, waxaana ay dalbanayaan in dib loo tiriyo codadka.

    Qareenka gaarka ah ee Madaxweyne Trump ayaa shalay tegay gobolka Philadelphia, waxaana uu ku dhawaaqay in uu dacwad ka gudbinayo gobolka Pennsylvania, dacwadaas oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo tirinta codadka, maaddaama sida uu sheegay khaladaad badan ay jiraan.

    Haseyeeshee eedeymahaas oo dhan looma hayo wax caddeyn ah.

  3. Qareenka Trump: Sidee ayay ku dhacday dad dhintay in ay codeeyaan?

    Doorashada Mareykanka
    Copyright: ANTHONY DEVLIN/GETTY IMAGES
    Image caption: Qareenka Madaxweyne Trump, Rudy Giuliani

    Qareenka Madaxweyne Donald Trump, Rudy Giuliani oo ka hadlayay magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin habka tirinta codadka doorashada gobollada qaar oo ay ka mid yihiin Wisconsin iyo Pennsylvania, ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka.

    Qareen Giuliani ayaa sidoo kale ku andacooday in dad dhintay ay codeeyeen, ayna ogaan doonaan tirada reer aakhiraadka ah ee codeysay.

    Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashada ee meelaha qaar, waxaana ay ku andoocdeen in musuqmaasuq uu hareeyay, inkastoo aanan caddeyn rasmi ah loo heynin.

    "Way dhammaatay.. Waan ku guuleysaneynaa doorashadan, runtii waan ku guuleysannay, waa in keliya si caddaalad ah loo xisaabiyaa codadka," Giuliani ayaa sidaas u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania.

  4. 'Ashqaraar!': Ruushka oo indhaha ku haya doorashada Mareykanka

    Doorashada Mareykanka
    Copyright: Reuters

    Warbaahinta Ruushka – iyo siyaasiyiinta Ruushka – ayaa si dhow ula socda waxa ka dhacaya Mareykanka.

    "In la arko quwad sii quuseysa waa ashqaraar!”

    Waa falcelinta xildhibaan Ruush ah uu ka bixiyay doorashada Mareykanka.

    Waxaa jira dad xil ka haya Ruushka oo aaminsan in xukuumadda Moscow ay faa`iido ku qabto jahwareerka, kiisaska maxkamadda, iyo qas ka dhasha doorashada.

    Waxay aaminsan yihiin in haddii uu cadowgaaga daciif yahay, waxaad tahay qof adag. Waxay rumeysan yihiin in Mareykanka oo "kala qeybsan" uusan ku mashquuli doonin in cunaqabateyn kale uu ku soo rogo Ruushka.



    Leave a comment

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip