Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarunta iskaashatada Soomaaliyeed-Sawirro

0
Friday March 18, 2016 - 12:15:39 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarunta iskaashatada Soomaaliyeed-Sawirro

    Xarunta iskaashatada Soomaaliyed oo ku taala degmada Xamar-weyne oo oo burbur xoogan ka soo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay taalada SYL ayaa maanta lagu bilaabay in dib u dhis lagu sameeyo xaruntaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta iskaashatada Soomaaliyed oo ku taala degmada Xamar-weyne oo oo burbur xoogan ka soo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay taalada SYL ayaa maanta lagu bilaabay in dib u dhis lagu sameeyo xaruntaas.

Howshan dib loogu dhisayo xaruntan ayaa waxaa fulinaya maamulka gobolka Banaadir , sida uu maanta halkaasi ks sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howsha dhismaha xarunta iskaashatada Soomaaliyeed dhowaan la soo gabagebeyn doono isla markaana howlihii adeega bulshada ee lagu qaban jirey si dhaqso leh loogu bilaabi doono.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu yeeray in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalka oo aysan cid kale ku haleynin.

Taliyaha qeybta guud booliiska gobolka Banaadir sareeyo guuto Cali Xirsi Bare (Cali-Gaab) ayaa dhankiisa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyed ku booriyaya in sugida ammaanka ay ka qeybgalaan si amniga loo adkeeyo.

26 Febraayo ee sanadkan ayay aheyd markii koox katirsan Al-shabaab ay ku qarxiyeen gaari xamuul ah oo lagu soo raray walxaha qaraxa kaas oo burbur bahsan u geystay dhamaan dhismooyinkii goobta ka ag dhowaa oo ay ku jirto xarunta iskaashatada Soomaaliyeed.

122122011201423225885665532211

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip