1 Nofembar 2020


Qoraalka Muuqaalka,

Highlights of Sir Sean Connery's acting career

Filimaanta caanka ah ee lagu xusuusanayo Sir Sean's (James Bond) waxaa ka mid ah The Hunt for Red October, Highlander, Indiana Jones, the Last Crusade iyo The Rock.

Jason Connery wuxuu sheegay "aabbihii xilliga uu geeriyoonayey iney la joogeen xubno qoyskiisa ka tirsan, uuna ku geeriyoday magaalada Nassu oo Bahamas ka tirsan oo uu horay ugu jilay filimka 'Thunder ball'."

"Maalin muruga leh ayay u tahay cid kasta oo garaneysay iyo cid kasta oo abbahay jecleyd, dadka dunida ku noolna waxaa ka baxay qof qaali ku ah oo uga tagay hadiyado qaali ah uu jilitaankiisa ku goddoonsiiyey."

Wuxuuna Sir Sean Connery uu ka tagay xaaskiisa iyo wiilashiisa oo kala ah Jason iyo Stephane.

Sir Sean Connery

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Daniel Craig oo haatan filimaanta ku matala magaca James Bond, wuxuu sheegay Sir Sean inuu ahaa "mid ka mid ah shaqsiyaadki dhinaca jilitaanka filimaanta ugu mudnaa".

"Sir Sean Connery waxaa lagu sii xasuusan doonaa magaca James Bond iyo waxbadan uu nooga tagay" ayuu yiri.

"Sir Sean wuxuu jeclaan jiray ciyaarta golf, waxaanna u maleynayaa tababar golf inuu haystay."

Sir Sean 1988-kii marki la guddoonsiiyey abaalmarinta Oscar

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Sir Sean filimki ugu horreeyey uu jilay wuxuu ahaa 'No Road Blocks' oo uu jilay 1957-kii, halka filimkiisi ugu dambeeyeyna uu ahaa 'Sir Billi' oo uu jilay 2012-kii.

Honor Blackman (Pussy Galore) iyo Sir Sean Connery (James Bond) sawir laga qaaday ka hor inta ay jilin filimka Goldfinger

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Sir Sean (James Bond) wuxuu ahaa xiddigga jilidda filimaanta ee qarniga 20-aad

Magaca James filimki ugu horreeyey uu jilay uu caankana ku noqday wuxuu ahaa filimka 'Dr No' ee uu soo saaray 1962-kii. Balse filinka taxanaha ah ee 007 ayuu si aad ah ugu soo caan bxay.

Toddobada filin ee uu jilaaga koobaad ka ahaa Sir Sean (James Bond) uu caankana ku noqday waxay kala yihiin:

  • Dr No (1962)
  • From Russia with Love (1963)
  • Goldfinger (1964)
  • Thunderball (1965)
  • You Only Live Twice (1967)
  • Diamonds are Forever (1971)
  • Never Say Never Again (1983)

Sir Sean bishii August ee sanadkan ayuu xusay sanad guurada 90-aad ee dhalashadiisa.

Sawirro dheeraad ah oo ku saabsan Jilaaga caanka ahaa ee geeriyooday Sir Sean (James Bond):

Sean Connery iyo xaaskiisa Micheline Roquebrune oo sanaddi 1999-kii ka qayb galaya furitaanka baarlamaanka Scottish

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Sean Connery dhalinyaranimadiisi

XIGASHADA SAWIRKA,REX FEATURES

.
Qoraalka sawirka,

.

.

XIGASHADA SAWIRKA,RONALD GRANT

Qoraalka sawirka,

XIGASHADA SAWIRKA,PA

Sean Connery

XIGASHADA SAWIRKA,SHUTTERSTOCK