Madaxweynaha JFS iyo dalalka beesha caalamka oo ka wadahadley daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya

0
Friday March 18, 2016 - 09:24:04 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JFS iyo dalalka beesha caalamka oo ka wadahadley daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wakiilladaasi caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan taageerada ciidammada Soomaaliya iyo dib u dhiskooda, isagoo sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay in ciidammada qaranka ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhow ugala wareegaan AMISOM sugidda amniga waddanka.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating, Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’ Urso, Danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo Danjiraha Turkiga, Olgan Bekar, oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa dowladda Soomaaliga ku bogaadiyey dadaalka iyo hoggaanka hufan ee ku aaddan barnaamijka nabadgelyada qaranka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiillada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska ciidammada qaranka.


Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee dalka ka jira iyo xoojinta hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha nabad-diidka.

-------------------DHAMMAAD-----------

IB0A0461
IB0A0459
IB0A0458
IB0A0465
IB0A0467
IB0A0466



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip