Taardhuleed ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in Puntland ay ku hadaaqdo Shabaabka Nugaal gaaray inay sii mareen Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Puntland, ayaa sheegay inuu weydiinayo Wasiirka Amniga Puntland, halka ay ku taal Hobyo bad iyo Bari meesha ay tahay, isaga oo cadeeyay in masuuliyiin ka tirsan Galmudug ay ku sugnaayeen Hobyo, balse aysan waxba ka jirin in ciidan Shabaab uu halkaasi maray.
"Wasiirka Amniga Puntland waxaa uu nagu eedeeyay in Galmudug ay ka baxeen Shabaab oo halkaa laga soo diray,Galmudug ma oga halka ay ka baxeen Shabaab waa Jabhad aan la heli karin waxa ay damacsan yihiin, Wasiirka Amniga Puntland waxaan weydiinayaa Hobyo ma beriga ayeey ku taalla Mise Badda ayeey ku taal.”Ayuu yiri Taardhuleed.
Maamulka Goboledka Somaliyed ee Puntland ayaa si indho la’aan ah u sheegay in ciidankaasi hubaysan ee gaaray deeganada Puntland ay ku lug laheyd Dowladda Somaliya, inkastoo Madaxweynaha Puntland uu hadalkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Al Shabaab ayaa sheegtay ciidamadooda inay isku fidiyeen deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ee dhulka Puntland.
Galmudug oo ka hadashay eedeynta Puntland ee ku aadan Shabaabka Puntland weeraray inay ka baxeen G.dhexe
Maamulka Galmudug, ayaa ka jawaabay eedeymo ka soo yeeray Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan Shabaabka hubaysan ee gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal inay ka ambabaxeen Gobolada Dhexe ee dalka Somaliya.