Bayern Munich Oo Soo Laabashadii CAJIIBKA Ahayd Ee Ay Xalay Juventus Ku Reebtay Ku Dhigtay LABA Rekoodh Oo Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga Ah

0
Thursday March 17, 2016 - 11:26:37 in Sports News by
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich Oo Soo Laabashadii CAJIIBKA Ahayd Ee Ay Xalay Juventus Ku Reebtay Ku Dhigtay LABA Rekoodh Oo Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga Ah

    Bayern Munich ayaa xalay Allainz Arena ka dhigtay guul ay taariikh cuusub kaga abuurtay horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ugu soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga. Kooxda Pep Guardiola ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa xalay Allainz Arena ka dhigtay guul ay taariikh cuusub kaga abuurtay horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ugu soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga. Kooxda Pep Guardiola ee Bavaria ayaa u muuqatay in ay ka hadhay Champions Leaque-ga laakiin intii lagu jiray daqiiqo kooban oo ciyaarta lagu daray Thomas Muller ayaa soo nooleeyay rajada Bayern Munich ee Champions Leaque-ga.

Juventus ayaa 2:0 ciyaarta ku hogaaminaysay qaybtii hore iyo in badan oo qaybtii danbe ka mid ahayd iyada oo ayPaul Pogba iyo Juan Cuadrado ay goolasha Old Lady dhaliyeen. LaakiinRobert Lewandowski iyo Thomas Muller ayaa bixiyay jawaabta ay Bayern Munich ku soo laabtay waxaana amaan wayn barbaraha ku lahaa Muller oo gool qurux badan oo madax ahaa dhaliyay daqiiqadii 91 aad ee dhamaadkii kulankan taas oo keentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah

.Bayern

Waqtigii dheeriga ahaa Thiago oo ciyaarta badal ku soo galay iyoKingsley Coman ayaa Bayern Munich u dhaliyay laba gool oo deg deg ah taas oo ciyaarta ka dhigtay 4:2 ay Bayern Munich ku garaacday Juventus oo u muuqatay in ay boos ka helaysay sideed dhamaadka Champions Leaque-ga.Waxayna Bayern Munich samaysay taariikh ay lagu xusi doono wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga iyo waliba sideed dhamaadka.Muller

LewyHaddaba guushan ay xalay gaadhay Bayern Munich iyo in ay u soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ayaa keentay in ay laba rekoodh ka dhigto Champions Leaque-ga gaar ahaan wareegiisa sideed dhamaadka. Rekoodhka hore ayaa ah in Bayern Munich ay noqotay kooxdii taariikhda Champions Leaque-ga ugu horaysay ee 15 xili ciyaareed soo gaadhay wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga mana jirto koox kale oo sideed dhamaadka soo gaadhay 15 jeer.Bayern11Bayern1

Rekoodhka labaad ayaa ah in kooxda Guardiola ee Bayern Munich ay xalay noqotay kooxdii ugu horaysay ee todoba kulan oo xidhiidh ah oo Champions Leaque-ga ka tirsan garoonkeeda ku dhalisay 3 gool ama wax kabadan oo Champions Leaque-ga. Bayern Munich ayaana noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda Chamapions Leaque-ga garoonkeeda Allainz Arena ku dhalisay saddex gool ama in ka badan todobadii kulan ee ugu danbeeyay ee xidhiidhka ahaa ee ay garoonkeeda ku ciyaartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip