Wakiilka Yaya Toure Ee Dimitri Seluk Oo War CUSUB Ka Sheegay Mustaqbalka Toure Ee Kooxdiisa Manchester City. Miyuu Toure Xagaaga Ka Tagi Doonaa Etihad Stadium?

0
Thursday March 17, 2016 - 11:23:09 in Sports News by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Yaya Toure Ee Dimitri Seluk Oo War CUSUB Ka Sheegay Mustaqbalka Toure Ee Kooxdiisa Manchester City. Miyuu Toure Xagaaga Ka Tagi Doonaa Etihad Stadium?

    Wakiilka Yaya Toure eeDimitri Seluk ayaa bishii February sheegay in xidiga uu wakiilka ka yahay ee Toure uu Man City iskaga tagi doono dhaadka xili ciyaareedkan marka uu Pep Guardiola la wareego kooxda Manchester City laakiin markale wakiilka Toure a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Yaya Toure eeDimitri Seluk ayaa bishii February sheegay in xidiga uu wakiilka ka yahay ee Toure uu Man City iskaga tagi doono dhaadka xili ciyaareedkan marka uu Pep Guardiola la wareego kooxda Manchester City laakiin markale wakiilka Toure ayaa sheegay in Yaya Toure uu Etihad Stadium iskaga tagi doono xagaaga haddii ayna Man Citytodobaadka danbe heshiis cusub ka saxiixan xidigan.

Wakiilka Yaya Toure eeDimitri Seluk ayaa yidhi: "Todobaadka danbe waxaa nagu waajib ah in aanu xal u raadino haddii uu Yaya Toure kordhin doono heshiiskiisa Manchester City ama in uu ku biiro koox kale. Laakiin haddii uu Toure baxo hubaashii ma noqon doonto koox horyaalka Ingiriiskakatirsan” ayuu Seluk u sheegay The SunToure

Intaa kadib wakiilka Yaya Toure eeDimitri Seluk ayaa xaqiijiyay sababta aanu Toure ugu ciyaari doonin koox kale oo horyaalka Ingiriiska ah wuxuuna yidhi: "Jamaahiirtu waxay jecel yihiin Yaya, isaguna wuxuu jecel yahay jamaahiirta. Toure ma doonayo in uu Man City kaga hor yimaado koox kale oo Ingiriis ah. Siduu ku tagi karaa koox kale oo Ingiriis ah oo uu ku ilaawi karaa jacalaylka ay jamaahiirtu u muujiyeen?. Jamaahiirtu waxay kiraysteen diyaarad si ay Toure ugu yidhaahdaan”: ‘Dhalasho farxad leh’ Toure waligii ma ilaawi doono”.Yaya Toure

"Dadka qaar ayaa sheega in Toure uu lacag kaliya u yimid, laakiin markii uu Toure yimid Man City waxay ku jirtay kaalinta lixaad ama todobaad waligoodna umay soo bixin Champions Leaque-ga. Markii uu Yaya yimid kooxdu waxay bilawday guulaysi. Toure waxa uu England ugu guulaystay koob kasta marka laga reebo Champions Leaque-ga, waxaan rajaynayaa in iskku aadka jimcaha(Champions Leaque) uu noqon doono mid fiican oo ay City soo gaadhi doonto afar dhamaadka” ayuuDimitri Seluk hadalkiisa sii raaciyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip