Jose Mourinho Oo Heshiis Hordhac Ah La Sii Gaadhay Gonzalo Higuain Ka Hor Inta Aanu Shaqada Old Taffrod Ka Badalin Louis Van Gaal

0
Thursday March 17, 2016 - 11:20:48 in Sports News by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Heshiis Hordhac Ah La Sii Gaadhay Gonzalo Higuain Ka Hor Inta Aanu Shaqada Old Taffrod Ka Badalin Louis Van Gaal

    Jose Mourinho ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan isku diyaarinaya in uu shaqada Old Traffrod kala wareego tababare Louis Van Gaal wuxuuna Mourinho haddaba suuqa ugu jiraa saxiixyada uu Man United dib u qaabaynta kaga samayn doono.Jose Mourinho ayaa hes

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan isku diyaarinaya in uu shaqada Old Traffrod kala wareego tababare Louis Van Gaal wuxuuna Mourinho haddaba suuqa ugu jiraa saxiixyada uu Man United dib u qaabaynta kaga samayn doono.Jose Mourinho ayaa heshiis hordhac ah la sii gaadhay xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Napoli eeGonzalo Higuain.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Express, Mourinho ayaa 85 milyan oo gini kula soo wareegi doona gool dhaliyaha kooxda Napoli eeGonzalo Higuain. Macalinka ree Portugal ayaa shaqi ahaan ula kulmay Higuain walaalkiis isla markaana ah wakiilka xidigan, wuxuuna la sii gaadhay heshiis hordhac ah oo uu Higuain ugu soo biiri doono Man United.mou

Gonzalo Higuain oo iska diiday in uu wax heshiis kordhin ah u sameeyo kooxda Napoli ayaa doonaya heshiis shan sano ah oo uu 8 miyan oo gini xili ciyaareedkii ku qaadanayo.Gonzalo Higuain oo xili ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed layaableh ayaa kooxda Napoli udhaliyay 29 gool waxaana la filayaa in uu Man United todobaadkii mushaar ahaan uga qaadan doono £153,000 kun.Gonzalo Higuain

Manchester United ayaa caawa Old Taffrod ku soo dhawaynaysa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Liverpool oo kulankii lugta hore 2:0 ku soo garaacday waxayna kooxda Van Gaal ku jirtaa xaalad aan fiicnayn iyada oo waliba ka baxsan afarta kooxood ee horyaalka Ingiriiska ugu sareeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip