HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 27-KA 2020-KA

0
Tuesday October 27, 2020 - 00:15:38 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 27-KA 2020-KA

    RA'IISUL WASAARE ROBLE OO LA KULMAY WAKIIL KA Q/MIDOOBAY JAMES SWAN Ra'iisul Wasaaraha X/F/Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dalka Somaliya Danjire James Swa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE ROBLE OO LA KULMAY WAKIIL KA Q/MIDOOBAY JAMES SWAN Ra'iisul Wasaaraha X/F/Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dalka Somaliya Danjire James Swan. Kulankan ayay labada mas'uul waxa ay uga wadahadleen arrimaha,doorashooyinka,amma anka iyo Iskaashiga Somaali ya iyo Caal amka ee ku aadd an arrimaha horum arinta dal ka. R/Wasaare Rooble ayaa Q/Midoobay u ga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan Arri maha Soomaa liya, sida Arrimaha doorashooyin ka & Amniga. Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabils an Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhan kiisa sheegay in QM ay had iyo jeer garab tagan tahay dowlad da Soomaaliya, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dar dar gelinta howlaha horyaalla. Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilo ka socda Beesha Caalam ka, isaga oo kala hadlayay Arrimaha Soomaal iya gaar ahaan doorashadooyinka & Amniga.

WASIIRKII HORE EE WARFAAFINTA MAAREEYE OO XILKA KU WAREEJIYAY WASIIRKA CUSUB MR DUBBE

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si rasmi ah xilka u gu wareejiyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe munaasabad Shalay ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

`Ra’iisul Wasaare kuxigeenka X/F/Soomaal iya Md.Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Wasaar adda Warfaafinta ayaa bogaadiyay shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirrkii hore ee Shalay xilka wareejiyey,waxa uuna kula dardaarmay Wasii rka cusub ee Wasaarada inay sii wadaan qor shaha dibuhabeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ay aa ka warbixiyay shaqooy inkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayay iyo kuwa horyaalla Wasiirka cusub. Waxa uuna ku booriyay sii am baqaadidda howlaha culus ee harsan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Md.Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay sida ay uga go’ an tahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha la gu horumarinayo warbaahinta dalka, iyadoo xoo gga la saarayo doorka wacyigelineed ee warba ahinta dowladdu ay ku leedahay midnimiada, la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo kobcinta tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed. Munaasab adda xilwareejinta ka dib, R/Wasaare Kuxi geenka XFS Md. Guuleed ayaa korme er ay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qar an ka, si uu u dul istaago hannaanka shaqo iyo xal aadda howlwadennada Wasaaradda.

WASIIRU DAWLAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA QARANKA OO XILKA LA WAREEGAY

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Md.Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha X/F/Soomaaliya Md. Maxa med Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ay aa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Md. Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ah aa R/wasaare ku xigeenka dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed.

Md. Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasab adda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hor tebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxto oyada Md.Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii ambaqaadidda howlaha culus ee harsan.

R/wasaare kuxigeenka Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Md.Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarm ay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Md. Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Md.Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kux igeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuqu uqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

TALIYE XIJAAR OO KORMEERAY SALDHIGYADA BOOLIISKA M DH/MAREEB

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/ga as Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Shalay kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koon taroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlga laan ee M/Dhusama reb goobahaasi ayaa waxaa ku sugnaa cii damada oo waajibaad kooda gudanaya.

Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Sa raakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xus een in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Har eeriheeda.Dorraad ayaa taliyaha ciidanka Boo liiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulammo Miradhal ah la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliis ka ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmu dug, ammaanka magaalada ayaana aad loo ad keeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doon aan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yee lan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soo maaliya.

XIL.GAAFOW OO KA HORYIMID SHARCI ‘HALIS AH’ OO LA HORGEEYEY BF UNA YEERAY NISA

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarl amaanka federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii Shalay aheyd akhrinta labaad marsiiyey hind ise sharciyeedka ‘Adeegyadda Baaritaanka Bee raha Soomaaliyeed ’kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda beeraha Soomaaliya.

Xubnihii ka hadlay kulanka markii laga do odayey sharcigaas waxaa ka mid ahaa Xildhib aan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, oo sharcigan ku tilmaamay mid dhibbadan oo wa saaradda soo diyaarisay aysan ka tixgelin dha nka ammaanka Qaranka.

"Shircigaan waa mid dhib badan qolada ka soo shaqeysana, ma aysan tixgelin dhibaatada amniga uu ku hayo ee walxaha lagu bacrimiyo beeraha ee dalkeenna la keeno,” ayuu yiri Taliy ihii hore ee NISA Xildhibaan Gaafow.

Waxa uu sheegay inay habooneed in was aaraddu ay hey’adaha nabadge liyaha la kaashato dhibka ay ku qabaan, sida laga yeelayo kiimi kada beeraha lagu bacrimiyo oo waxyabaha qarxana laga same yo.

"In kiimikadaas dalka laga mamnuuco ayey aheyd,ama gacan amni ah lagu haayo, maadaa ma aan laga maarmi karin bacriminta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in dekedda weyn ee Mu qdisho laga soo dejiyo waxyaabaha laga same eyo qaraxyada ka dhaca dalka ee AlShabaab farsameeyaan.

Sidoo kale Xildhibaan Gaafow ayaa soo je ediyey in loo yeero hey’adda NISA, si wax loo ga weydiiyo kiimikooyinka beeraha lagu bacrimi yo, qaraxyadana laga sameeyo ee dalka la soo geliyo.

"Arinaga waxay ila tahay in loo yeero hey’ adda NISA ee la weydiiyo waxay kala socoto maadooyinkaan dhibaatada faraha badan dalka ku haya ee qaraxa laga sameeyo, iyadoo wax yaabahaas la is waafajina ma qabo in sharcigan la ansixiyo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabe eyey Xildhibaan C/hi Gaafow Maxa muud oo ho ray Taliye uga soo noqday hey’ad da NISAXigasho:caasimadda.net

DABLEY TOOGASHO KU DISHAY MAAMULIHII SHIR K ADDA AMAL EE MAGAALADA KISMAAYO

Wararka naga soo gaaraya M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dil een maamulihii shirkadda Amal ee M/Kismaayo Cabdullaahi Ca bdisalaan Shigshigow.

Mas’uulkan ayaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday sala adda Duhur sida ay HOL u xaqiijiyeen Ilo xogogaal ah.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, halkaa oo ay ka bilaabeen baaritaan no la xiriira dadka toogashadan geystay, mana jirto cid sheegatay dilkan in ay ka danbeysay ama ay u qabteen ciidamada amaanka.

MAAREEYE OO XOG KA BIXIYEY DAGAALKII DHEXMARAY ISAGA IYO MAHDI GUULEED

Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda fed eraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maa reeye ayaa shaaciyey sababta uu uga soo dhex muuqan waayey golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Maareeye ayaa sheegay in markii ay dha cday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre uu san raadin xil wasiir, balse uu raadiyey xilka ra’ii sul wasaare ku xigeenka dalka, taasi oo dagaal siyaasadeed ka dhex dhalisay isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed.

"Markii dowladii Xasan Cali Kheyre la bedelay, waxaan aaminay kursiga ra’Iisul wasaare ku xigeen ka inuu banaanyahay, waan raadiyey, laakiin ka lamaan ayaa nagu dhacay aniga iyo ra’iisul was aare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu aam inay in kursigii uu weli ku fadhiyo” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Mahdi Guule ed dagaal adag uu raadinta kursiga ra’iisul wa saare ku xigeenka ku dhex maray, balse hadda uu u hambalyeynayo.

"Mudane ra’iisul wasaare waan kuugu hamb al yeynayaa, waana kula shaqeynayaa, xilku waa meerto, haddii walaalkey kursigiisii ceshaday waxaan leeyahay hambalyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye.

Hadalkan waxuu Maareeye ka sheegay xafl ad uu xilka wasiirka warfaafinta ku wareejinayey oo ka dhacday xarunta wasaaradda, taas oo uu ka soo qeyb galay Mahdi Guuleed.

MAXAA LOOGA HADLAY KULANKII MUUSE BIIXI IYO SAFIIRKA TAIWAN?

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ca bdi ayaa Shalay xafiiskiisa madaxtooyada ku qa abilay Safiirka Taiwan iyo wafdi ka tirsan xuku umadaasi oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Allen C. Lou ayaa kulankoodaasi lagu lafoguray xiriirka curdinka ah ee labada dhinac iyo sidii ay Tai wan uga caawin laheyd Somaliland mashaari icda horumarineed, caafimaadka iyo waxbara shada.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wadaha dlay adkeynta xiriirka labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isusocodka, iyadoo la gu soo hadal qaaday doorka Taiwan ee biyo balaarinta magaalooyinka.

Wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday isafg arad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahad celiyey safiirka iyo Taiwan dedaalka ay ugu jir aan adkaynta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii san adkan wada gaaray heshiis iskaashi, iyada oo 1dii bishii July ee sanadkan ay isku raaceen inay isdhaafsadaan wakiillo, iyagoona kala ma gacaabay waxay ugu yeereen safiiro. Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed, maadama ay So maliland ku doodo inay tahay dal ka madaxban aan Soomaaliya, halka Taiwan uu iyadna Shiinuhu sheego inay ka tirsan tahay dhulweynihiisa

WASIIRKA CUSUB EE CADAALADDA XFS OO SOO DHAWEYN LOO SAMEEYEY

Maamulka Wasaaradda Caddaaladda XFS ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo isbarasho isugu jirta ugu sameeyey Muqdisho Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caddaaladda XFS, Md. Md C/qaadir Maxamed Nu ur(Jaamac) iyadoo uu ca sha sharafta goobjoog ka ahaa Wasiirkii hore ee Wa saaradda Caddaaladd a, haatanna ah Wa siirka Cu sub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Waxaa sidoo kale, goobta joogay Agaasim aha guud, Agaasima Waaxeedyada iyo dhamm aan lataliyayaasha Wasaaradda Caddaaladda iyagoo u ballanqaaday Wasiirka wadashaqeyn wacan.

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib, Wasiirkii hore ee Wasaaradda ayaa hadal warbixin koob an iyo hambalyeyn isugu jira goobta ka jeediyey isaga oo sheegay inay weli xilwareejintu dhim an tahay oo ay u dhici doonto si rasmi ah xilliy ada ugu dhaw, balse tan ay tahay casho sharaf isbarasho.

Waxaa sidoo kale, goobta ka jeediyey khud bad kooban Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ca ddaaladda XFS Md,Abdulqaadir Maxamed Nuur isaga oo uga mahadceliyey dhammaan agaasin ka sida wacan oo ay ku dheehan tahay niyad wanaagga ugu agaasimeen casho sharafeed, soo dhaweyn iyo isbarasho.

SOMALILAND OO XIRTAY QAMAR SUUGAANI, KADIB XEELAD BADBAADO OO UU SAMEEYAY

Ciidamada Somaliland ayaa Shalay aheyd xabsiga u taxaabay Fanaanka caanka ah ee Qa mar Suugaani, xili uu Shalay soo gaaray maga alada Berbera, kadib ma rkii uu ka soo laabtay sa far uu ugu maqnaa mag aalada Muqdisho.

Fannaanka ayey cii dam adu qab teen xili uu socdaal dhulka ah uu ku soo galay Som aliland, kaasi oo uu kaga yimid magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada u xaqiijiyey Caa simada Online.

Qamar ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa M/Muqdisho oo bandhigyo dhowr ah ku qabtay, isagoona uga soo gudbay dhanka Puntland, si uu dhulka ugu sii gudbo caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Safarka Qamar ee dhinac dhulka uu uga yim id Garoowe ayaa lagu sheegay inuu ka lahaa ‘xeelad badbaado’, taasi oo uga baaqsanayay xabsiga Shalay loo taxaabay.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga u taxaab ta shaqsiyaadka caanka ah ee u safra Muqdi sho, isla markaana dib ugu soo laabta Hargey sa, iyada oo badanaa ciidamada madaarka Har geysa ay xabsiga dhigaan shaqsiyaadkaasi, ta asi oo uu ka gows adeygayey Qamar.

Sikastaba, majiro wax war ah oo kasoo bax ay laamaha amaanka Somaliland oo ku aadan xariga fanaankan iyo sababta ka dambeysa xarigiisa, inkasta oo lala xiriirinayo safarikiisa Muqdisho.

GOLAHA WASIIRADA OO LOO SOO BANDHIGAY MIISAANIYADDA DOWLADDA EE 20/21-KA

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuku umadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shalay Golaha Wasiirada Cusub u gudbiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021ka, waxaana wasiir ada Cusub ee Xuk uumad da uu la wadaagay faahfa ahinta Miisaan iyadda Do wladda.

Wasiir Beyle oo kulanka kadib Qoraal soo saaray ayaa sheegay in kulanka uu ahaa sidii la isaga isaga kaashan lahaa dardargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.

"Shalay waxa aan Wasiirada Cusub ee Xukum adda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021ka oo hada diyaarinteedu ay gabogabo tahay.Muhiimadda kulankeenuna wa xa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dardargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.Waxa aan u mahadcelinayaa R.wasaare ku xigeenka Xukumadda Mahdi M. Gulaid oo shir gudoon inoo ahaa, sidoo kale waxa aan dh ankooda u mahadcelinayaa Wasiiradii fikir iyo talaba nala wadaagay” ayuu yiri Wasiirka W/Maaliyadda XFS Md.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

WARIYE KA TIRSAN WARBAAHINTA QARANKA OO KU GUULEYSTAY ABAALMARINTA SANADLAHA AH EE MUQDISHO

Wariye Cabdulqaadir Ciise Cali oo ka tirsan warbaahinta Qaranka ayaa ku guulaystay Hab een hore abaalm arinta sida sandal aha ah loo bixiyo ee lagu abaalmar iyo sha qsiyaad ka iyo hay’adaha kale ee bulshada wax u qabtay, wa xaana isaga lagu xushay hawlkar nimadii uu shaqada warbaahin ta ka sameeyey 12dii bilood ee ugu dambay say.

Cabdulqaadir oo ah wariye si gaar ah uga soo warama arrimaha garsoorka ciidamada, isla markaana tabiya warbixino maqal iyo muuqaal ah oo ah baaris uu ku sameeyey dhacdooyinka la dagaalanka Alshabaab, hawlgallada ciidama da iyo ka digista dharaha xagjirka ayaa lagu bo gaadiyey sida dhiirin ee arrimahaasi xasaasiga ah uu uga warramo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Md Cismaan Abuukar Dubbe, wasiir ku xigeenka wasaaradda Md. Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Alcadaala, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo bahda saxaafadda ee kulanka ka soo qaybgal ay ayaa u hambalyeeyey wariye Cabdulqaadir Ciise, waxaana ay ku booriyeen inuu sii wado shaqada adag ee uu dalka u hayo.

Abaalmarintan waxaa hore ugu guulaysatay wariye Nasra Bashiir Cali oo warbaahinta Qar anka uga soo waranta xafiiska Ra’iisal wasa araha dalka.

MAAREEYE OO DACWO KA AH SAWIR UU DHIBSA DAY OO LAGU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Maaxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sawirkiisa ah oo sanadihii dambe aad loogu faafiyey bara ha ay bulshadu ku xariirto ee (Social Mediayaha).Sawirkaas ayaa muujinaya Maareeye oo laba dhagax gacmaha ku wata, waxaana laga qaaday intii uu ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya, xilli uu ka qeyb qaadanayey olole nadaafadeed oo ka socday wasaaradda.

"Golaha wasiirrada markii la magacaabay Social Mediayaha waxaa lagu baahiyey anigoo dhagax weyn wata, oo dhahaya 

RA’IISUL WA SAARE ROOBLOW CAR BANAANKA U SOO BAX,

dhagaxaas aniga waxa uu ii sameeyaa dar een ah, inaan ahay nin wadani ah oo dalkiisa xa aqayey, wasaaradda ganacsiga horteeda ayaan ka gurayey dhagaxa oo nadiifinaayey,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in markii uu arko sawi rkiisa isagoo dhagaaxaas wata uu ku farxo, bal se uu ka xumaado habka loo adeegsado.

"Hadda waxaan ka fekerayaa, sawirkaas ma iska deysaa, mise qandaraasbaad ku bixisaa oo hey’adaha Social Mediayaha dhagaxaas ha la bixiyaad dhahdaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxa uu sheegay in mar kasta oo ay qof isq abtaan ama xil loo magacaabo dhagaxaas aad loogu baahiyo baraha bulshada.

"Aniguna nin dagaal badan ma ihi, afka ay aan ka hadlaa, laakiin dagaalka ma aqaan,” ay uu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si ka ftan ah uga hadlay sawir uu gacmaha ku heysto laba dhagax oo lagu faafiyey baraha bulshada ee internetka.

PUNTLAND OO QIRTAY IN SHABAAB AY KU SUGAN YIHIIN MEELO KA MID AH SANAAG

Taliyaha ciidamada daraawiishta dowlad go boleedka Puntland ee gobolka Sanaag General Cabdullahi Cumar Canshuur ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in AlSh abaab ay gudaha u galeen gobolkaasi.

Canshuur oo wareysi siiyey laanta afka So omaaliga ee BBCda ayaa xaqi ijiyey in AlShabaab ay si dhuu maaleysi ah ku joogaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag, bal se wuxuu tilmaamay in aysan jirin deegaano ay si toos ah ula wareegeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa fariisimo ciidan aysan ku laheyn gobolkaasi, ma rka laga tego inay si qarsoodi ah ku teegaan meela qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ciidamada Puntland ee gobolka Sa naaga ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in iy agu ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka sha cabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada amma anka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada AlSha baab ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegano dhowr ah oo hoosyimaada de gmada LaasQoray ee gobolka Sanaag.

WEERAR KA DHACAY XABSIGA DHEXE EE LAASCA ANOOD IYO MAXAABIIS LAGALA BAXAY

Wararka aanu ka helayno magaalada Laasc aanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ragg hubeysani ay weerar ku qaadeen xabsiga dhe xe ee magaladaasi, iyagoona kala baxay maxa abiis ku xirneyd.



Maleeshiyadan hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga dhexe, kuwa asi oo si xoog ah ugala baxay xabsiga saddex maxbuus oo dhawaan lagu soo xiray xab sigaasi, sida dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

3da maxbuus ayaa dhawaan waxa gacanta ku soo dhigay ciidamada booliska Somaliland, ka dib weerar ay ku dileen labo ruux, kaasi oo ka dhacay deegaan dhanka koonfureed ka xiga magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerar ka Shalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee Laa scaanood inay qeyb ka ahaayeen odayaal dha qameed, isla markaana gacan weyn ka geystay in ragga hubeysani ay la baxaan saddexdaasi ruux.

Waxaana lagu soo waramayaa in maleeshiy adii la baxday maxaabiista ay la aadeen magaa lada Kalabeyr ee dhanka Itoobiya, iyaga oo sitay meydadka labadii marxuum ee la sheegay inay dileen maxaabiista lala baxay.

Xaalada guud ee magaalada ayaa Shalay ka csan kadib weerarkaasi ka dhacay xabsiga, ma na jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka Somaliland oo ku aadan weerarka Shalay lagu eekeeyay xabsiga dhexe.

SOMALILAND OO WAR KASOO SARTAY DADKA U DHASHAY DEGANADEDA OO XILKA KA HAYA DFS

Jamhuuriyadda la magacbaxday Somal iland ayaa shaacisay shuruudo adag oo laga ra bo dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee xila lka ka qabta Soomaaliya, haddii ay dib ugu laa banayaan magaalada Hargeysa iyo meelaha kale.

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2020/10/James-Swan-500x386.jpeg Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafin ta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in si yaasi kasta oo xil ka soo qabta dowladda Soo maaliya uu ku soo laaban karo Somaliland , ba lse laga rabo inuu iska casilo xilka, kadibna uu ka tanaasulo mowqofkiisa midnimada ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marka hore qofka laga rabo inuu fikirkiisa ku ca ddeeyo qoraal iyo cod, sidoo kalena uusan mar kale dib ugu laabaneyn dambigaasi.

"Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay DFS waxaa kaliya ee lagu saamixi kar aa markii uu fagaaro ka cadeeyo inuu iska casil ay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Sooma aliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod,” ayaa lagu yi ri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfa afinta Somaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu shaaciyey in Somaliland ay kor kala socon doonto qofkasta oo dhabar jabiyey qaranka, sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxaa qoraalkani digniin cul us loogu diray dadka baraha bulshada ee Inte rnetka ku faafinaya wararka kale ee liddiga ku ah Somaliland, iyada oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniintu u siman yihiin sharciga iyo das tuurka u yaalla maamulkaasi.

COVID19: SHIINAHA OO MAGAALO KU TAALLA GOB OLKA MUSLIMIINTA KA FULINEYSA BAARITAAN BALLAARAN.

Shiinaha ayaa mar kale fayraska Karoona ka baaraya magaalo dhan, iyadoo xanuunku uu ku soo labo kacleeyay gobolka Xinjiang.

Qiyaastii 4.7m oo qof oo ku nool magaalada Kashgar ayaa la baarayaa, iyadoo 138 kiis laga helay magaalada. Shiinaha ayaa ku guulystay inuu hoos u dhigo kiisaska fayraska, balse weli meelaha qa ar ayuu xanuunku ku soo labo kacleeyaa.

Xinjiang waxay hoy u tahay Muslimiinta Ui ghur ee laga tirada badan yahay, kuwaas oo ha y`adaha xuquuqda aadanaha ay sheegaan inay tacaddiyo kala kulmaan dowladda.

Iskuullada ku yaalla Magaalada Kashgar ayaa la xiray iyadoo dadka deggan loo diiday inay ka baxaan magaalada, ilaa ay ka helaan natiijada inaysan qabin fayraska.

Kiiskii ugu horreeyay ee Kashgar laga helo, wax ay ahayd haweeney ka shaqeyneysay deegaan ka Shufu, oo ku yaalla bannaanka maagalada.

JAMES SWAN OO SHEEGAY IN SOOMAALIYA LA GA DIIDAY RABITAANKII BEESHA CAALAMKA.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Q/Mido obay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa kulan fogaan arag ah oo uu Sabtidii uga qeyb galay alaada ZOOMka, ku sheegay in Qaramada Midoobay ay rabtay nooc doorasho oo ka duwan midka lagu heshiiyey.

James Swan ayaa niyad jab ka muujiyey in rab itaankii QM uu meesha ka baxay, balse uu ku faraxsanyahay in mada xda DFS iyo maam uladu ay ka he shiiyeen khilaafkii doorash ada.

Wuxuu sheegay in Q/Midoobay iyo saxiibada ca alamiga ah ay u ololaynayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soom aal iya, hase yeeshe shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku yeesh een Dhuus amareeb & Muqdisho la gu saxiixay heshiis ku saabsan door asho qaab kale ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in heshiiskii dhaw aan lagu gaaray M/Muqdisho ee ku saabsanaa doorashada uu taageero ka helay dhinacyo bad an oo ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in doorashada dadban aysan xal aheyn balse ay u taageeraya an oo keliya sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa jawhareer siyaasadeed oo hor leh.

"Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay inay doorato hogaamiyeyaasheeda, walow ay suurtogal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weyna hay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Ma na jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwar eer siyaasadeed,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ku rajo weynyahay in la xushmeyn doono meela ha laga toostoosiyey nidaamka doorasho ee la gu heshiiyey, oo ay kamid tahay qoondada haw eenka (30%) ee ku metelaya barlamaanka B/F/ SH. iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista oo noqota mid loo dhan yahay.

FACEBOOK OO DACWAD LAGU SOO OOGAYO BISHA SOO SOCOTA EE NOFEMBAR

Shirkadda Facebook ayaa bisha Nofeembar wajaheysa dacwad ka dhan ah oo la xiriirta dha nka kalsoonida, taas oo uga imaaneysa dowlad da Mareykanka, sida ay daaba cd ay Washington Post oo soo xigan eysa shakhsiyaad ku dhow arrant aas.

Guddiga Ganacsiga Federaalka ayaa arrintaasi ka fadhiistay kha miistii aan soo dhaafnay.

Jadwalka ayaa isbadali kara, ayuu yiri war gaysku, isaga oo intaa ku daray in qareenada guud ee dawladu ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee dacwada.

Facebook ayaa sheegtay in madaxa shirkad da Mark Zuckerberg bishii in Agoosto ay wareys teen Guddiga ganacsiga Federaalka xilli ay soc deen baaritaanno ka dhan ah facebook.

Bishii Luulyo 2019, Facebook waxay oggo laatay inay bixiso $ 5 bilyan oo ganaax ah si loo xalliyo baaritaannada dowladda ee ku saabsan habdhaqanka Xogta daahsoon ee shirkadda

KOLOMBIYA OO HOWLGAL KU DISHAY TALIYIHII JABHADDA ELN

Ciidamada ammaanka ee dalka Kolombiya ayaa dilay taliyihii ugu sarreeyay jabhadda Nati onal Liberation Army (ELN) oo caan ku ahaa magaca U de deerre Uriel, intii lagu guda jiray hawlgal ay ka wadeen ciidamadu gobolka xeeb ta leh ee Choco, sida uu sheegay madaxweyna ha dalkaasi Ivan Duque Axadii.

Uriel, oo caan ku ahaa ka soo muuqashadi isa fiidiyowyada la soo geliyo internetka, wuxuu mas’uul ka ahaa afduubyada, dilalka dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo xubn aha ka tirsan ciidamada amniga iyo askareynta carruurta aan qaangaarin.

Uriel wuxuu adeegsaday barahiisa bulshada si uu "u difaaco dambiyada,” ayuu yiri Duque, is aga oo ugu baaqay xubnaha kale ee ELN in ay isa soo dhiibaan.

ELN, oo ay aasaaseen 1964 koox xagjir ah, waxaa loo tixgeliyo inay ka xagjirsan yihiin isla markaana ka arxan daranyihiin mucaaradka FA RC oo saxiixay heshiis nabadeed sanadkii 2016, haddana ah xisbi siyaasadeed sharci ah.

50 DAL OO SAXIIXAY HESHIIS LAGU MAMNUUCAYO NUKLIYEERKA.

Heshiis caalami ah oo lagu mamnuucayo hub ka nukliyeerka ayaa waxaa ansixiyay 50 dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Dalka Honduras ay noqday dalkii 50aad ee sa xiixa heshiiska. Dukumiintigan taariikhiga ah ay aa dhaqan galaya 90 maalmood gudahood oo ku beegan 22ka January.

Bayaan uu soo saaray Xo ghayaha Guud ee Q/M. Ant onio Guterres ayuu ku am maanay dadaallada 50ka wadan iyo u ololeeyayaasha bulshada rayidka ah ee la dagaalanka hubka wax gumaada ee nu kliyeerka "shaqada wanaagsan” ee ay qabteen.

Heshiiska ayaa ah gunaanadka dhaqdhaqa aq caalami ah "si loogu soo jeediyo dareenka cawaaqib xumada bani’aadamnimo ee ka dhal an karta adeegsiga hubka nukliyeerka,” ayuu Guterres ku yiri warmurtiyeedka uu soo saaray afhayeenka Q/Midoobay Stephane Dujarric.

Waxa uu intaas ku daray "waa mahadnaq loo jeedinayo dadkii ka badbaaday qaraxyadii iyo tijaabooyinka nuclearka, oo qaarkood ay ha atan u doodaan heshiiskan.”

Dhaqdhaqaaqa dadaalladan ayaa waxaa si adag uga horyimid Mareykanka iyo quwadaha waaweyn ee nukliyeerka. Heshiiska "wuxuu u ta agan yahay ballanqaad macno leh oo ku aad dan ciribtirka guud ee hubka nukliyeerka, oo weli ah mudnaanta koowaad ee dadaallada hub ka dhigista ee Qaramada Midoobay,” Dujarric ayaa sidaasi ka soo xigtay Guterres.

Madaxweynaha Guddiga Caalamiga ee La anqayrta Cas ayaa bogaadiyay heshiiska, wux uuna ku yiri bayaan uu soo saaray "Shalay waa guul u soo hoyatay aadanaha, iyo balanqaadka mustaqbal nabdoon.”

Tan iyo sanadguuradii 75aad ee weeraradii nukliyeerka ee Nagasaki iyo Hiroshima ee bishii August, dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Nigeria, Malaysia, Ireland, Malta iyo Tuvalu ayaa ansix iyay heshiiskan caalamiga ah.

ISRAEL OO QAMADI KU GARGAAREYSA SUUDAAN

R/wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netany ahu ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku she egay in in Israel ay Suudaan u dirtay shixnad qa madi ah taasoo qiimaheedu yahay 5 milyan oo dollar.

"Waxaan u hanqaltaageynaa nabad ina dhex marta ann aga iyo Suudaan waxaana si toos ah saaxibadayo cusub ugu dirnay qamadi ku kacaysa 5 milyan oo dollar” ayaa lagu yiri qoraalka ra’iisul wasaara ha Israel.

Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in iya ga iyo Mareykanka ay iska kaashanayaan sidii loo gacansiin lahaa isbedel siyaasdeedka dalka Suudaan.

Wakaaladda wararka ee Suudaan ee Iyana sheegtay in dalka Suudaan uu guddoomay muc aawino qamadi ah oo dhan 67 tan taasi oo ka timid Imaaraatka Carabta.

Suudaan ayaa Jimcihii la soo dhaafay sha acisay in ay xariir la samaysatay Israel soona gabagabaysay cadawtooyadii kala dhexeysay.

Suudaan ayaa wajahaysa cunto yaraan ba ahsan oo muddo dheer dalkaasi la ildarnaa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Suudaan ka saaray liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliya argagixisada.

Suudaan ayaa ka soo baxday xukun milatari oo keligii talis ahaa, kaas oo uu hoggaaminayay Cumar Xasan Albashiir.

KIISASKA CUSUB EE COVID19 AYAA SII KORDH AY SIDA AY SHEEGTAY WAAXDA CAAFIMAADKA EE MINNESOTA

Bukaannada cusub ee COVID19 ayaa weli si aad ah u sii kordhaaya, sida ku cad tirooyinka ay soo saartay Jimcihii Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH). Saraakiisha caafimaadka ayaa Dorraad sheegay in 1,721 bukaan oo cu sub oo fayraska dilaaga ah la soo wariyay, taa soo ka dhigeysa wadarta guud ee gobolka tan iyo markii ay bilaabatay faafida cudurkan safma reenka ah 129,863 bukaan. Kiis askan cusub waxaa lagu xaqiijiy ey natiijooyinka ka soo baxay ba ritaanno cusub (oo isugu jira PCR iyo Antigen) oo ay sameeyeen shaybaarro gaar loo leeyahay iyo kuwa gobolka oo lagu sameeyay 26,742 qofood.

13 qofood oo kale ayaa naftooda ku waayey fayraska loo yaqaan Karonafayrus (coronavi rus), taas oo wadarta dhimashada gobolka Min nesota ka dhigeysa 2,314 qofood. 1,623, ama 70%, qofood oo ka mid ah dadkaasi dhintay ayaa degannaa xarumaha dadka lagu gargaaro muddada dheer ama ay ku sugaan geeridooda.

Wadarta tirada dadka isbitaal loo seexiyay xanuunkan ee reer Minnesota ayaa hadda gaaray 9,338 qofood tan iyo markii uu bilaab may faafida cudurkan, iyadoo 2,510 bukaankaa si ka mid ah u baahdeen daryeelka degdega ah (ICU). Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa tiri 114,679 qofood oo uu ku dha cay cudurka COVID19 ayaa ka bogsaday oo aan u baahnayn in la karantiimeeyo markale.

AZERBEIJAN OO ARMENIA KU EEDEYSAY IN AY JEBISAY XABBAD JOOJINTII LABADA DHINAC

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbeijan ayaa dowladda Armenia ku eedeysay inay jebi say xabbad joojintii bani’aadannimo ee ay wada gaareen labada dhinac ee uu garwadeenka ka ahaa Mareykanka.

Ciidamada Armenia ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku bartilmaameed sadeen fadhii smo ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Azerb eijan sidoo kalena ay waxyee lleeyeen deegaanno ku yaalla magaalada Tar tar oo ay ku noolaayeen dad rayid ah.

Azerbeijan ayaa sheegtay in Armenia ay jeb isay xabbad joojinta 5 daqiiqo uun kaddib dhaq angalkeedii aroornimadii Shalay.

Gaashaandhigga Azerbeijan ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay u hoggaansanyihiin meel marinta xabbad joojintaas.

Saacadihii la soo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Mareykanku ay shaacisay xabbad jo ojin la xariirta arrimo bani’aadannimo oo ay wa da gaareen Armenia iyo Azerbeijan taasoo si ra smi ah u dhaqangalisay aroorta hore ee Isniinta Shalay ah.

BOOLISKA SOMALILAND OO SHEEGAY IN AY GAC ANTA KU DHIGEEN HAL MILLION OO DOOLLAR

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheeg ay in ay gacanta kusoo dhigeen lacag ka badan hal Milyan oo Doollarka Madow ah, taasi oo ay sheegeen in ay kusoo qabteen howlgallo ay sameeyeen.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland G/le sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la ha dlay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan lag ataas Falseda ah, ayna gacanta ku hayan dad kii watay lacagtaasi lasoo qabtay, waxaan inta as uu ku daray in ay sharciga horgayn doonaan eedeysane yaal uu sheegay in falka lagu soo qabtay.

Dadka lagu eedeyay in ay lacagtaas wateen ayaa waxaa uu sheegay in ay ka mid yihiin laba qof oo kasoo jeeda degaanada puntland iyo ru ux kale, waxaana Afhayeenka ciidamada boolis ka Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cil mi uu sheegay in ay dhammaantood gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay Afhayeenku in dadka la qabtay ay Khatar ku ahaayeen ammaanka iyo Sarifka lagaca Somaliland, waxaana uu digniin u diray dad kale oo uus heegay in ay ku howlan yihiin lacago Doollar been abuur ah oo ay soo galinayan degaanada Somaliland.

FARANSIISKA OO KA CABANAYA QAADACAADDA AY KU SAMEEYEEN QAAR KA MID AH DALALKA CARABTA

Dowladda Faransiiska ayaa dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaam adda iyo ganacsiyada qaadacay alaabaha dal kaas, kadib markii uu Madaxweyne Emmanuel Macron difaacay in la baahiyo sawir lagu tilm aamay Nebi Maxamed NNKH.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in baaqy ada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go'aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Alaabaha Faransiiska ayaa laga saaray du kaamo ku yaal Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ah ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.

Fal celintan ayaa waxay salka ku haysaa faa llooyin uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo gey stay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ard aydii fasalka ku jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in macallinka, oo lagu magacaabo Samuel Paty, "loo dilay sa babta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan must aqbalkeenna", laakiin Faransiisku "kama quu san doono sawir gacmeedyada".

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sab abtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabi Muxammad iyo Allaah SW.

Laakiin cilmaaniyadda dalka Faransiiska ayaa waxay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qar anka Faransiiska.

Faransiiska ayaa sheegay in xakamaynta xo rriyatul qowlka si loo ilaaliyo dareenka koox ga ar ah, ay wiiqayso midnimada dalka.

Axadii, Mr Macron wuxuu laba jibaaray difaacid da qiimaha Faransiiska waxa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri: "Isma dhii beyno, waligeen."

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Turkiga iyo Pakistan ayaa ku gacan seyray Mr Macron, iyagoo ku eedeeyay inuusan ixtiraamin "xorriya dda caqiidada" iyo inuu takooray malaayiinta Muslimiinta ah ee ku nool Faransiiska.

Axadii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tay yip Erdogan ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay "baaritaan dhanka Maskaxda ah.

Hadalka Erdogan ayaa horseeday in Farans iiska ay dib ugu yeeraan safiirkooda u fadhiya Turkiga.

Sidee ayay u ballaarantahay qaadacaadda alaabaha faransiiska?

Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Ax addii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska. Tusa ale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska. Wasaaradda arima ha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in ba aqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska la gu saleeyay go'aanno runta ka fog, oo ay dab ada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada dhexwa reegayay baaqyo dhanka onlineka ah oo dalal ka Carabta lagu boorrinayo iney iyagana qaad acaan alaabaha Faransiiska..

SHAQAALAHA DOWLADDA SOOMAALIYA OO LOO FASAXAY MAALINTA KHAMIISTA AH XUSKA DHALASHADA NABBIGA NNKH

Warka soo baxay Dowladda Soomaaliya ay aa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda maa linta Khamiista ah loo fasaxay xuska dhala shada Nabbigeena Maxamed NNKH.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda iyada oo la weyneynayo dhalashada Nabbi Max amed NNKH.

Qoraalka ayaa lagu yiri'' Wasaarrrada Shaq ada iyada oo weyneyneysa Rasuulkeena Suu ban, waxaa ay ku wargalineysaa shaqaalaha Dowladda iyo Shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 12ka bisha Mowliid ee sanadka 1442 Hijriyada ay ku beegan tahay dhalashada Rasuulkeena NNKH, sidaa daraadeed la fasaxay dhamaanba shaqaalaha Dowladda maalinta Khamiista ah ayaa ka faa’iideystay mashruucaan

BOGGA CAYAARAHA

Paul Pogba oo la sheegay inuu joojinayo u ciyaaridda xulka Faransiiska Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo xigtey warar sheegaya in ciyaartoyga caanka ah ee Paul Labile Pogba uu joojinayo u ciyaaridda xulka Qaranka Faransii ska, kadib haddalladii aan loo meeldayin ee ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emma nuel Macron.

Pogba ayaa sheegay in aan la qaadan karin erayga «Islaamka argagixisada ah» iyo sawir rada lagu suurad xumeynayo Nabi Muxamed nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga faca weyn ee Manchester United ayaa ku tilm aamay dhacdooyinka ka socda dalka Farans iis ka kuwa meel looga dhacayo sharafta malaa yiinta muslimiinta ah ee Faransiiska.

Tallaabada uu qaaday ciyaariyahan Pogba ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kadib mar kii dowladda Faransiiska ay sharaftay ninkii sa wiray Nabi Maxamed.

27 jirka u ciyaara kooxda Manchester United iyo Xulka Kubbadda Cagta ee Faransiiska aya an weli wax faahfaahin ah ka bixin wararka she egaya inuu doonayo joojinta u ciyaaridda xulka Qaranka Faransiiska




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip