Paul Pogba oo la sheegay inuu joojinayo u ciyaaridda xulka Faransiiska

0
Monday October 26, 2020 - 17:16:44 in Wararka by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Pogba oo la sheegay inuu joojinayo u ciyaaridda xulka Faransiiska

    Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo xigtey warar sheegaya in ciyaartoyga caanka ah ee Paul Labile Pogba uu joojinayo u ciyaaridda xulka Qaranka Faransiiska, kadib haddalladii aan loo meeldayin ee kasoo yeeray Madaxweynaha Farans

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo xigtey warar sheegaya in ciyaartoyga caanka ah ee Paul Labile Pogba uu joojinayo u ciyaaridda xulka Qaranka Faransiiska, kadib haddalladii aan loo meeldayin ee kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Pogba ayaa sheegay in aan la qaadan karin erayga «Islaamka argagixisada ah» iyo sawirrada lagu suurad xumeynayo Nabi Muxamed nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee. Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga faca weyn ee Manchester United ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka ka socda dalka Faransiiska kuwa meel looga dhacayo sharafta malaayiinta muslimiinta ah ee Faransiiska. Tallaabada uu qaaday ciyaariyahan Pogba ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kadib markii dowladda Faransiiska ay sharaftay ninkii sawiray Nabi Maxamed. 27 jirka u ciyaara kooxda Manchester United iyo Xulka Kubbadda Cagta ee Faransiiska ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin wararka sheegaya inuu doonayo joojinta u ciyaaridda xulka Qaranka Faransiiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip