Isbaheeysi Diineed oo lagaa qarinayo!!!.(Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale?)

0
Monday October 26, 2020 - 17:06:45 in Wararka by
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaheeysi Diineed oo lagaa qarinayo!!!.(Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale?)

    Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale? Sida Allaah noo sheegay Diimaha Samaawiga ihi dhamaan waa Islaam, waxaa kala duwanaa Kutubtii iyo Risaalooyinkii Rususha loo soo dhiibay, Abul Ambiyaa' Nabi Ibrahim CS ma aheeyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbaheeysiga Adiga kaa soo horjeedo, ma Diinaa mise waa wax kale? Sida Allaah noo sheegay Diimaha Samaawiga ihi dhamaan waa Islaam, waxaa kala duwanaa Kutubtii iyo Risaalooyinkii Rususha loo soo dhiibay, Abul Ambiyaa' Nabi Ibrahim CS ma aheeyn Yahuudi iyo Nasaari Midna, waxa uu ahaa Muslim fiiri sawirka Aaydda 1aad.( F.S: 1aad).





Nabi Muuse oo loo soo dhiibay Kitaabka Towreed waxa uu ahaa Rasuul Alle, dhalsha ahaanna Reer Bani irsaa’iil markii uu la hadlayayna Qowmkiisana waxa uu yiri: ( Qoomkeeygiiyoow maxaad ii dhibeeysaan waad ogtihiin in aan ahay Rasuulkii Alla idiin soo diray).
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ يَا قَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِي وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ
Israa’iil iyaga oo ka raadinayo isbaheeysi Diineed Dadka Masiixiyiinta ah, in kasta oo ey beeniyeen Kitaabkii Ingiil ee Nabi Ciise CS ayeey ku fikireen in Nabi Ciise CS ey ku sheegaan in uu Israel yahay, bacdamaa Hooyadii ey aheyd . laakin Nabi Ciise ma dhihin sidii Nabi Muuse oo kale Qoomkeeygiiyoow bacdamaa uuna aheyn Reer Bani Israel ee waxa uu ugu yeeray Magacooda . sida aayadan ku cad: ( waxa uu yiri Cisa CS ina maryamo Reer Banii Israa’iiloow waxaan ahay Rasuul Alla idiin soo diray).
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم
Haddii aad fahamtay Farqiga u dhexeeyo Labada aayadood, Haddaba ogow waxa uu ku saleeysaleeysan yahay isbaheeysiga ey Israa’iil Aliftay ee ka dhexeeyo Masiixiyiinta iyo Yahuuda ee Islaamka maanta looga soo horjeedo.
Muslimiinta ayaa sadaxda uga saxan dhinaca Aaminaada Rususha Alle, Yuhuudu waxa ey aaminsan yihiin hal kitaab oo kaliya mana aaminsano kitaabkii Anbiyada Ciise CS iyo Nabi Moxamed SCW, waxa ey aaminsanyihii Muse CS oo klaiya. Masiixiyiintu waxa ey Aminsan yihiin Laba Nabi oo kaliya Muse CS iyo Ciise CS. Annagu waxaan Aaminsanahay Saddaxda Nabi dhamaantootood in Allaah uu soo wada diray.
Israel ayaa bilaawday in ey dhisto isbaheeysi Diineed oo ey la sameyso Masiixiyiinta, iyada oo leh waxaa naga dhexeeyo Anbiyo Reer Banii Israel ah.
Muslimiintana waa in laga rabo in ey Diinta isku baheeystaan, waana in Dal waliba uu aado halkii loogu sheego in Dantiisu ey ku jiro, Xattaa Israel ha noqotee. Muslimiintuna eynan walaalo ku aheyn Diinta. Lana qaato Fikirkii Mr. Makaiavelli, Qarniyaal ka hor uu ku qoray Buugiisii "The prince ” uuna ku yiri: (Saaxiibo waaro ma jiraan ee Dano waaro ayaa jira) Madaxduna ha raaceen dhaqanka Sheydaanka.Taa oo hadda laga dhigay, Ma jirto Walaalnimo Islaam oo Diinta ku walaaloowda kuna waarto, ee waxaa jira Dano Dowladeed oo waaro.
Haddaba ogoow Isbaheeysiga yuhuuda iyo Masiixiyiintu ma ahan mid asal ahaan ku saleeysan Siyaasad, Dhaqaale, ama Ciidan ee waa mid Diin ku saleeysan oo Adiga laguu sameeystay.
FG: Maqaalkan waxa badan ayaa ka jaray Markii aan qoray kadib, Aniga oo tix galinayo Codsigiinii ahaa yareey qoraalada iyo Caajiska qaarkiin. Amaaba qaarkiin uu weli la dheer yahay?.
FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip