Waa kuma Khabib Nurmagomedov – ninka Muslimka ah ee garaacay Justin Gaethje
Laakinse sidee buu ku gaaray heerkan ah inuu ka mid noqdo ragga magaca weyn ku leh cayaaraha dagaalka?
Muddadii ugu dheerayd ee aan laga badin
Nurmagomedov waa awood aan la loodin karin.
Marka lagu daro guusha uu ka gaaray McGregor, wuxuu galay 27 dagaal muddo 10 sano ah oo uu cayaartan ku jiray, dhamaantoodna wuu ku guulaystay.
Waa wakhtigii ugu dheeraa ee qof uu guul ku naaloodo taariikhda cayaaraha MMA.
Si uu heerkaas u gaaro waxaa ka horreeyey marxalado uu soo maray.
Qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku guulaysta horyaalka UFC
Ma aha qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah ee ku guulaysta UFC, laakin sidoo kale waa qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaara.
1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.
Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka - waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla - wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da'da 8aad.
Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.
taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.
Laakin wiilkiisu wuxuu muujiyey inuu yahay ninka ugu guusha badan, uguna heerka sarreeya UFC.
Aabihiis kama uusan baran legdan oo qura ee wuxuu ka bartay Judo iyo Sambo, oo ah xirfad dagaal oo asal ahan laga soo min guuriyey milateriga Ruushka 1920 meeyadii.
Sambo waa kalmado la soo gaabiyey oo ka yimid SAMozashchita Bez Oruzhiya, oo micnaheedu yahay is difaacid hub la'aan ah.
Bishii Maajo, wuxuu garaacay Abel Trujillo, isagoo markaa dhigayey rikoorka cusub ee UFC ee muddada ugu dhakhsiyaha badan ee qof cayaar looga saaro. 21 goor ayuu ku guulaystay 27kii goor ee uu cayaaray.
Ka dib, bishii Siteembar wuxuu garaacay Pat Healy oo Maraykan u dhashay, ayadoo guusha lagu siiyey ga'aan ay garsoorayaasha oo dhan isku raaceen. Dana white oo ah guddoomiyaha UFC ayaa laga hayaa "wiilkan waa mid xiiso leh. waxyaabo badan ayaan filayaa in aan wada samayn doonno wiilkan".
Sidaasoo ay tahay, Nurmagomedov wuxuu sii waday inuu cayaaro, si aan toos ahayn, dhaawacyo is xigxigay ayaa la soo dersay, kuwaasoo baajiyey dhowrsanadood oo uu cayaari lahaa, niyad jabna ku beeray.
Laakin wuxuu mar kale dib u soo noqday Abriil, 2018.
Waa kuma Khabib Nurmagomedov – ninka Muslimka ah ee garaacay Justin Gaethje
Khabib Nurmagomedov ayaa sii adkeystay rekoorkiisii cayaaraha feerka fudud ee ka dhacay Abu Dhabi laakiinse ciyaarta ka dib ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha UFC. Khabib Nurmagomedov oo u dhashay dalka Ruushka ayaa waxa uu garaacay ustin