Masiibadii_Madoobeyd!!!

0
Friday October 23, 2020 - 17:39:25 in Wararka by
  • Visits: 1447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masiibadii_Madoobeyd!!!

    Meydka dadka ayaa meel walba daadsanaa, wado kasta waxaa yiilay dhawr qof oo dhimatey, dhibaatada ugu ba'an waxay ka dhacday bartamaha magaalada Muqdisho, halkaas oo si ba'an loogu dagaalamay!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka dadka ayaa meel walba daadsanaa, wado kasta waxaa yiilay dhawr qof oo dhimatey, dhibaatada ugu ba'an waxay ka dhacday bartamaha magaalada Muqdisho, halkaas oo si ba'an loogu dagaalamay!!!

                 28 maalmood ayaa si naxariis la’aan ah loo dagaalamayay, waxba lá isuma reeban, nooc kasta oo hub ah ayaa la isu adeegsaday, dagaalku waxa uu u dhaxeeyay kooxo Jabhado ah iyo ciidamada Taliskii xilligaa jiray.

                    Maalin Axad ah oo ku beegneyd galinkii dambe ee maalintaas ayuu Dagaalkii 1991-kii waxa uu xooggiisa ka qarxay suuqa Siinaay ee Degmada Wardhiigleey, dhawaqa rasaasta la is-weydaarsanayay ayaa galabtaas inta badan waxaa laga maqlayay xaafaddaha magaalada!!!



                    Xaaladdu waxa ay ka sii dartey markii ay qoraxdu dhacday, jid-gooyooyin ayaa bilowday, qolo kasta halkii ay joogtay ayay xiratey, rasaas u badan Tareeso ayaa Cirka loo ridayay, cidna ma-sadaalin karin halka ay arintu ku dhammaan doonto!!!

                     Labadii maalin ee ugu horeysay, dagaalku si goos-goos ah ayuu uga socday qeybo ka mid ah magaalada, dharaartii uu curtay sannadkii 1991 ayuu dagaalku xoogaystay kadib markii ay jabhadihii ku soo fideen xaafaddo ay joogeen askartii Maxamed Siyaad.
Goobaha ugu daran ee la isku food-saaray ayaa waxaa ka mid ahaa waddooyinka Aadan cadde, Florença, agagaarka Gurigii habar Khadiijo iyo meelo ka mid ah jidka Nasiib buundo, dhimasho badan iyo dhawaac aan xad laheyn ayaa goobahaas ka dhacay.

                 23-Jannaayo 1991 ayuu dagaalku laba kacleeyay kadib markii ay Magaalada soo gaareen ciidamo la sugayay, si waali ah ayuu dagaalku maalintaas u dhacay, difaacii hore ee ciidamaddii Dawladda ayaa si fudud loo jiirey.


            Jabhadihii dagaalamayay waxaa u suuragashay inta badan inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada, iyaga oo ku dhawaaday halkii wadanka looga talinayay oo aheyd Villa Somalia.

            Seddex cisho kadib raggii kaabiga ku hayay Villa Somalia waxa ay ku guuleysteen inay gudaha u galaan xaruntii Madaxtooyada, kabtey ma aragtay ayaa halkaas ka dhacday, odaygii dalka Madaxweynaha ka ahaa habeenkii 26-ka aheyd ayuu ka huleelay Madaxtooyada!!!.

         Iyada oo Xabaddo badan kor loo ridayo ayaa lagu waabariistay Subixii ay aheyd 26/1/1991, waxaa la isugu hambalyaynayay bixitaankii Maxamed Siyaad, baabuur ay ku buufsan tahay USC ayaa meel walba Ordayay.

           Meydka dadka ayaa daadsanaa meelihii lagu dagaalamay, meydad markii dambe Nuuryo lagu shubay ayaa lagu arki jirey waddooyinka Jubba, Ex Paarlamaan, jidka Caga-dhiig, agagaarka Dugsiga 15-May & meelo kale oo ka mid ahaa Degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne!!!.

             Lama mahadinin ridistii Maxamed Siyaad, saacaddo kadib markii laga itaal roonaaday waxaa si baahsan u bilowday loolan Siyaasaddeed oo u dhaxeeyay jabhadihii xukunka u oomanaa, Bililiqo, Ugaarsiga dad aan waxba galabsan, abuuritaanka fariismo qabiil ku dhisan & dagaallo soo noq-noqday oo salka ku hayay arimo qabiil.

           Xusuus ahaan wixii dhacay xilligaas waxay ahaayeen Masiibo Madow, burburkii waqtigaas bilowday waxa uu ku faafay dalka oo dhan, tariikh xumo iyo dhaxal aan la Mahadinin ayaa Soomaaliya ka raacay.


                                                                                                WQ:C/Laahi Shiikhaalow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip