Siyaasiyoow, haddii shacabku ku yiraa LACALA ka soo qaad in aad Wadani, caadil ah tahay. Sideed u fahmi leheyd?=Nasashada Jimcaha. Q-223=

0
Friday October 23, 2020 - 19:11:24 in Wararka by
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyoow, haddii shacabku ku yiraa LACALA ka soo qaad in aad Wadani, caadil ah tahay. Sideed u fahmi leheyd?=Nasashada Jimcaha. Q-223=

    ( Wax Akhyaar loogu Maahmaahana ma lehe) 1-Nin ayaa u yimid Nin Geed hoos fadhiyo, Dameerna ku ag xiran yahay. Ninkii Dameerka lahaa ayaa ku yiri: Haddii aad Dameerkaan ka ooyin siiso waxaan ku siinayaa 1000 Dollar, haddii aad ka qoslisana 2000 Do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Wax Akhyaar loogu Maahmaahana ma lehe) 1-Nin ayaa u yimid Nin Geed hoos fadhiyo, Dameerna ku ag xiran yahay. Ninkii Dameerka lahaa ayaa ku yiri: Haddii aad Dameerkaan ka ooyin siiso waxaan ku siinayaa 1000 Dollar, haddii aad ka qoslisana 2000 Dollar. Ninkii ayaa Dameerkii u tagay oo dhagta wax ugu sheegay, Dameerkiina waa ooyay. Haddana Dhagta kale ayuu wax ugu sheegay. Dameerkii waa qoslay. Ninkii 3000 Dollar ayuu siiyay. Waxa uuna ku yiri: ii sheeg maxaad u sheegtay Dameerka. Waxa uu yiri, waxaa Dameerka ku iri: Dameeroow xubintaada taranka Laba jibaarkeed ayaan leenahay haddan nahay Ragga beni aadamka ah. waa uu ooyay ,waxa uu soo xasuustay ,Haweenkeena Sina yaradooda iyo waxa aan sheegay ee ah Dameerka laba Jibaarkii sideey u xamili karaan. Waxa uu ku qoslay waxaan tusay xubnteeyda Raga nimada ,waxa uu ku qoslay nasiib darada Ragga heysato iyo waxa aan ugu faanayay inta ey la egyihiin. ( F.S: 1aad). ( Dadoow, Siyaasiyiinteenu markey Wadamada Carabta tagaan, marna waa laga soo ooyinsiiyaa marna waa laga soo Qosliyaa ee maxaa loo soo sheegaa?) 2-Nin ayaa yiri: Ragga iyo Dumarka yaa raaxada dareemi og. Faarax fudeeyd ayaa yiri: Ragga , Raaxo dhaqdhaqaaqa ayeey ku jirtaa, Haweenku inta badan ma nuux -nuuxnsadaan, Ragga ayaa mar kasta dhaqdhaqaaqo. Xaliimo Xuud ayaa tiri: Taasi sax ma ahan, Dhagtu haddii ey ku cun cunto, Farta ayaad dhax galisaa Adiga oo farta dhaqdhaqaajinayo, dhagtuna ma nuux nuuxsato. Marka aad ka soo bixiso Farta, ma fartii dhaqdhaqaaqeysay ayaa raaxa dareento ,mise dhagta?.( F.S: 2aad) ( Ha ku fududaan inaad Dumar u faanto, yaan Xaliimo Xuud kuu jawaabine.) 3-Axmed Dammaci oo ahaa 70 jir aadna u xoola jecelaa oo aan wax kaleba ka fekerin, ayaa Xaaskiisa oo 40 jir aheyd oo dhinac jiifto, Naaska ka taabtay, kuna yiri: Haddii kani Caano lahaan lahaa, Caanaha Suuqa ayaan geeysan lahaa ,muddo kadibna Sac ayaan soo gadan lahaa. Haddana Dabada ayuu ka taabtay waxa uuna yiri: Haddii halkaan Ukuni ka soo bixi laheyd , Dooro badan ayaan saacadaan lahaan lahaa, faa'iido malihid ee iga seexo. Haweeneydii ayaa isagana meel kale ka taabatay. Kuna tiri: Haddii kani kuu istaagi lahaa, waxaan ka maarmi lahaa , wiilka deriskeena ah. ( F.S: 3aad) ( Xaaskaaga ha dhihin Hadal eyna kaa mudneeyn. Adigaba Haddii xaaskaagu Adinkoo sheekeeysanayo ey ku tiraa Odaygeeygiyoow: LACALA ka soo qaad in aad qurxoontahay. Sideed u fahmi leheyd?. Siyaasiyoow, haddii shacabku ku yiraa LACALA ka soo qaad in aad Wadani, caadil ah tahay. Sideed u fahmi leheyd?). 4-Cabdi fataal oo weligii ku fikiri jiray in uu Guursado Gabar aad u Akhlaaq badan oo Dhowrsan ayaa Gabar uu jeclaa oo uu rabay in uu guursado, gurigeeda u raacay, si uu u soo barto Qooyskeeda. Waxa uu Gurigii ugu tagay. Walaalkeeda weyn oo ah Wiil ey dhowr jeer ku dagaalameen Gabdho ey wada khiyaanayeen eyna wada xumeeyeen. Walaasheed ka weeyn oo aheeyd Saaxiibtiisii hore. Aabaheed oo ah Dhakhtarkii Ku waani jiray Maandhoow Gabdhahaan aad uureynee ee aad mar kasta ii keenee si aan uurka uga soo tuuro iska dhaaf iyo Hooyadeed oo ah islaantii biili jirtay ee ku dhihi jirtay odayga waayeelkaa ee i qabo adigaa iga qancin og. ( Dhalin yarooy haddi aad rabtaan in aad heshaan Gabar Akhlaaq leh oo wanaagsan, Adinku marka hore Noqda kuwa wanaagsan) 5-Nin iyo Xaaskiisa oo wada socdo ayaa waxa ey arkeen, Dibi Sac boodayo. Naagtii ayaa Ninkii Dibiga lahaa ku tiri : Dibigaani meeqa Sac ayuu Maalintii u galmoodaa? Waxa uu ku yiri: Todobo Sac. Ninkeedii ayeey ku tiri: wax faham. Ninkeedii, ayaa Ninkii Dibiga lahaa ku yiri: Ma hal Sac oo kaliya ayuu Maalintii Boodaa, mise Dhowr Sac oo kala duwan. Waxa uu ugu jawaabay dhowr Sac. Ninkii ayaa Naagtiisii ku yiri: Adna wax faham. ( F.S: 4aad) ( Dumaroow, Araga oo kaliya wax ha ku qiimeeynina ee Adinkuna wax fahma) 6- Nin Doqon ahaa oo wasiir Shufeer u ahaa Muddo 10 Sanno ah, ayaa yiri: Wasiirkaani waa Nin wanaagsan . Haddii uu soo iibsado TV cusub, kii hore ayuu i siin jiray, hadduu soo iibsado Mobile Cusub kii hore ayuu i siin jiray. Haddii uu soo iibsado Kabo cusub kuwii hore ayuu i siin jiray. Shalay waxa uu soo guursaday naag cusub , illaa haddana waxaan ka sugaa tii hore. See wax u jiraan Maanta?. ( F.S: 5aad) ( Shufeerkii ayaa hadda ah wasiir, Shacaboow, muxuu idinka sugaa?) Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip