Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay in al-Shabaab ay adeegsadaan Bangiyada dalka

0
Thursday October 22, 2020 - 20:42:56 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay in al-Shabaab ay adeegsadaan Bangiyada dalka

    War-saxaafadeed uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixin dhowaan lagu daabacay wargays-ka New York Times oo sheegeysay in qaar kamid bangiyada dalka ay al-Shabaab u adeegsadaan in ay ku aruursadaan lacagaha ay ka qaadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixin dhowaan lagu daabacay wargays-ka New York Times oo sheegeysay in qaar kamid bangiyada dalka ay al-Shabaab u adeegsadaan in ay ku aruursadaan lacagaha ay ka qaadaan ganacsiyada ku yaalla gudaha dalka. War-saxaafadeedka Bangiga ayaa lagusheegay in Bankiga dhexe uu yahay hay'adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bangiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. Qoraalka Bangiga ayaa lagu caddeeyay inaanay jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Bangiga Dhexe ayaa Warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada) ku booriyay in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. "Bangiga Dhexe wuxuu ku boorrinayaa Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibadda gaar ahaan Baraha Bulshada, in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqada ku saleyneyn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe" ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip