Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo gaabiyey xiriirkii gaarka ahaa ee DF Somalia

0
Thursday October 22, 2020 - 10:25:11 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo gaabiyey xiriirkii gaarka ahaa ee DF Somalia

    Tan iyo markii ay doorashada ka dhacday iyo ka hor abaabulkeedaba maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa aad loo hadal hayay in labadaas maamul hogaamiyaashooda ay yihiin shaqsiyaad meesha la geestay oo ku xiran Villa Somalia. War

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay doorashada ka dhacday iyo ka hor abaabulkeedaba maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa aad loo hadal hayay in labadaas maamul hogaamiyaashooda ay yihiin shaqsiyaad meesha la geestay oo ku xiran Villa Somalia. Warar soo baxayay todobaadyadii la soo dhaafay ayaa sheegay in si toos ah u kala go'ay xiriirkii gaarka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha kala Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Labadaan Madaxweyne oo si toos ah u fulin jiray rabitaanka Villa Somalia ayaa hada ku xirtay maamul gobaleedyada Jubaland iyo Puntland, waxeyna aragti mid ah ka qaateen fulinta heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho. Ilo-wareedyo muhiim ah, ayaa noo sheegay in dhinacyadaan ay isla qabaan go'aan mid ah oo ay ka siman yihiin dhamaan maamul gobaleedyada dalka, kaas oo ah in marka hore Villa Somalia fuliso heshiisyo hoose oo aan dadweynaha loo soo bandhigin oo ay ku gareen Muqdisho, waxaana heshiisyada ka mid ah arrinta gobalka Gedo iyo kuwa kale. Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, waxay ahaayeen garbaha dowladda federaalka Soomaaliya waxaana kulan kasta lagu tirin jiray in ay jiraan dhinaca dowladda, hase yeeshee kulankii dhowaan ka dhacay Muqdisho ayey xiriir toos ah ula sameeyeen maamulada Jubaland iyo Puntland, waana sababta ay ilaa hadda usoo magacaabi la'yihiin xubnihii ku matali lahaa guddiga doorashada Soomaaliya.

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip