FBI-da oo sheegtay in Iiraan iyo Ruushka ay hayaan macluumaadka cod-bixiyeyaasha Mareykanka

0
Thursday October 22, 2020 - 10:21:17 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FBI-da oo sheegtay in Iiraan iyo Ruushka ay hayaan macluumaadka cod-bixiyeyaasha Mareykanka

    Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa ku soo warramay in Iiraan ay mas'uul ka ahayd dirista Email-lo hanjabaad ah oo loo diray cod-bixiyeyaasha Dimuqraadiga. Email-ladan ayaa u muuqday kuwo ka yimid koox midigta-fog ah oo taageersan Trum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa ku soo warramay in Iiraan ay mas'uul ka ahayd dirista Email-lo hanjabaad ah oo loo diray cod-bixiyeyaasha Dimuqraadiga. Email-ladan ayaa u muuqday kuwo ka yimid koox midigta-fog ah oo taageersan Trump waxaana loola jeeday "inay kiciyaan qalalaase", ayuu yiri Agaasimaha Sirdoonka Qaranka John Ratcliffe. Mr. Ratcliffe ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha Mareykanka ay ogaadeen in Iiraan iyo Ruushka ay heleen qaar ka mid ah macluumaadka diiwaangelinta cod-bixiyaasha. Arrinkan ayaa imaanaya 13 maalmood ka hor doorashada madaxweynaha. Warbixinta sirta ah ee aan caadiga aheyn ee ku saabsan codbixinta ayaa loo arkaa inay caddeyn u tahay walaaca dowlada ee ku aaddan faragalinta cod-bixinta iyo ololeyaal been abuur ah oo ka imanaya gacmo shisheeye.

,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip