Trump iyo Obama oo hadalo kulul oo la xiriira Ololaha Doorashada Maraykanka

0
Thursday October 22, 2020 - 10:20:04 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump iyo Obama oo hadalo kulul oo la xiriira Ololaha Doorashada Maraykanka

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka isaga xilka kaga horeeyay ee Barack Obama, ayaa ereyo kul kulul is dhaafsaday, intii ay socdeen isu soo bax dadweyne oo ka kala dhacay gobolada Mareykanka. Mr Obama ayaa Trump ku eedeeyay in uu yaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka isaga xilka kaga horeeyay ee Barack Obama, ayaa ereyo kul kulul is dhaafsaday, intii ay socdeen isu soo bax dadweyne oo ka kala dhacay gobolada Mareykanka. Mr Obama ayaa Trump ku eedeeyay in uu yahay cunsuri ay ku fogaatay sareynta caddaanka, dhankiisa madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan lagu qabtay gobolka North Carolina, ayaa Barack Obama ku duray in uu isku dayay sidii uu u khaldi lahaa natiijada doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka. 13 maalmood oo keliya, ayaa ka harsan codbixinta Madaxtinimada Mareykanka ee sadexda bisha November, gobolo tiro yar ayaana ah kuwa go'aaminaya natiijada doorashada November. Madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay in ololihiisa uu aad u sareeyo, halka ninka ay loolamayaan ee Joe Biden uu ku tilmaamay mid ololihiisu liito. Mr. Biden ayaa isu diyaarinaya doodda caawa uu la yeelan doona madaxweynaha Mareykanka, dhinaca kale,Trump waxaa uu xoogga saareyaa sidii u qasban lahaa codadka dadweynaha gobolada muhiimka ah ee Mareykanka.

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip