Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo markale dagaalamay Beledxaawo

0
Thursday October 22, 2020 - 10:17:19 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo markale dagaalamay Beledxaawo

    Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad markale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray xuduud beenaadka labada dal, gaar ahaan duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad markale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray xuduud beenaadka labada dal, gaar ahaan duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa la'isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isaga oo markii dambe istaagay. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaasi la'isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale illaa iyo hadda si dhab ah looga oga wax sababay is-rasaaseynta labada ciidan oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka waday xadka Soomaaliya & Kenya. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya. Si kastaba waa markii labaad oo uu iska hor imaad toos ah uu dhex-marayo ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo iyo kuwa Kenya ee ku sugan duleedka Beledxaawo. Arrintan ayaa sidoo kale imaaneyso, xilli dhowaan ay Kenya ku hanjabtay inay jawaab kulul ka bixin doonto, haddii uu dagaal uga yimaada dhanka ciidamada Soomaaliya.

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip