Dokumenti ay isdhaafsadeen Xisbiga Wadajir iyo DF oo laga helay xog muhiim ah

0
Thursday October 22, 2020 - 08:32:45 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dokumenti ay isdhaafsadeen Xisbiga Wadajir iyo DF oo laga helay xog muhiim ah

    Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey dukumiinti ay ku qorantahay hantidii uga burburtay weerarkii 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii ay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku qaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey dukumiinti ay ku qorantahay hantidii uga burburtay weerarkii 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii ay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku qaaday xarunta xisbiga Wadajir. Dukumiintigaas ayaa madaxda dowladda federaalka lala wadaagay toddoba maalin kadib markii uu dhacay weerarkaas 24-kii isla bishaas December 2017-kii, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in weli aysan wax mag dhaw ah ka helin dowladda madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu dhawaan siiyey TV-ga Dalsan waxa uu ku sheegay in weerarkaas ay ku waayeen hanta ku dhaw nus milyan dollar, markii laga reebo khasaarihii nafeed ee ka dhashay. Dukumiintigu waxa uu soo bandhigay magacyada qaar ka mid ah qalabkii ku burburay weerarkii ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, xilli habeen ah seddax sano ka hor, waxaana ka mid ah.

Gaari aan xabbadu karin oo jooga $85,000.

  1. Apple Mac Computer
  2. Galaxy Mobile
  3. 3-Suud, 4-Surwaal, 7-Shaati
  4. Hugo Boss Perfume [Cadar].
  5. Hard Disk
  6. Laptop Surface pro 4
  7. Iphone 6+
  8. Galaxy 9
  9. $35,000 (lacag cadaan ah)
  10. British Passport
  11. Apple Disktop
  12. 2 Ookiyaal

Xubnaha hantida ugu badan ay weerarkaas uga burburtay, sida ka muuqata dukumiintigan waxaa ka mid ah, Cabdinaasir Geelle Cilmi oo hadda ka tirsan golaha wasiirrada maamulka Galmudug, kaas oo lacag dhan 172,000 oo dollar oo dhul uu ku gadan rabay ku waayey weerarkaas.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uga maqan weerarkaas hanta dhan 85000 oo dollar, sida ku cad dukumiintiga lasoo bandhigay.

Shadoor Xaaji Shadoor oo ka mid ah xubnaha xisbiga Wadajir ayaa sida lagu shaaciyey dukumiintigan waxaa isna ka maqan oo weerarkaas uu ku waayey hanta dhan 37,200 oo dollar.

Sidoo kale dadka weerarkaas hantida badan ku waayey ee warbixintan lagu soo bandhigay waxaa kamid ah Cabdisalaan Guuleed oo mar Taliye ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in weerarkaas oo dhacay xilli saqdhexe ah lagu dilay lix qof oo midi haweeney tahay, kuwaas oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyey inay ‘kabahoodii ku duugtay, meydkoodiina u diiday ehelladoodii’.

Hoos ka Daawo warbixin ku saabsan


XIGASHO:CAASIMADDA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip