HALKAAN KA AKHRISO-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA OKTOOBAR 2020-KA

0
Monday October 19, 2020 - 10:26:31 in Wararka by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA OKTOOBAR 2020-KA

    JADWALKA DOORASHADA OO QARKA U SAARAN DIB U DHICII UGU HORREEYEY IYO IS-EEDEYN BILLAABATAY Jadwalka doorashada Soomaaliya ee ay isku raaceen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa qarka u saaran in uu ku yimaado dib u dhacii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JADWALKA DOORASHADA OO QARKA U SAARAN DIB U DHICII UGU HORREEYEY IYO IS-EEDEYN BILLAABATAY Jadwalka doorashada Soomaaliya ee ay isku raaceen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa qarka u saaran in uu ku yimaado dib u dhacii ugu horreeyey, had dii aanay wax isbedelin labada maalmood ee soo socda. Jadwalka lagu heshiiyey ayaa wa xaa ugu horreeyey in lasoo magacaabo guddiy ada doorashada heer federal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadyada, ka hor 20-ka October, oo ay ka hartay kaliya maanta iyo berri. Illaa iyo hadda ma cadda waxa diidan in gu ddiyada lasoo magacaabo, hase yeeshee wa xay u muuqataa in dowladda federaalka ay ku eedeyneyso dowlad goboleedyada inay dhan kooda wax ka socon la'yihiin. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laba maalin ka qoraal lo ogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray mad axweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wa saare Rooble ayaa madax goboleedyada Gob oleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqt igii loogu tala-galay soo magacaabista xubna ha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, he er dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khila afaadka. Dhinaca kale, waxaa weli jirta is-aaminaad la'aan labada dhinac ah, gaar aha an dhanka dowladda federaalka Soomaal iya iyo Jubala nd, kadib markii Axmed Madoobe uu dalbad ay in ciidamada dowladda laga saaro Gedo, balse aan warkiisa la dhageysan. Sidoo kale, R/Wasaare Rooble, ayaa wa xaa xusid mudan inuusan weli dhisi xukuumad dii dalka gelin lahayd doorasho, mana cadda sababta dalka uu xukuumad xil-gaarsiin ah u lugo xiran yihiin 85 maalmood. Hadddii aanay wax isbedellin maanta ama berri, waxaa iman doonaa dib u dhicii ugu horr eeyey, taasi oo shaki weyn gelineysaa in doo rashada ay waqtigeeda ku dhici karto.

MAXAY TAHAY SABABTA DF U OGOLAATAY JAADKA ITOOBIYA, XILLI AY DIIDAY MIDKA KENYA?

DFS ayaa oggolaatay in Jaadka dalka Itoo biay uu si sharci ah ku soo gale karo Soomaal iya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay ee la xiriirtay gana csiga Khaadka.

Sharikadda National Airways ee uu fadhige edu yahay dalka Itoobiya ayaa soo caga-dhi gatay garoonka diyaaradaha Adan Cadde aya do oo wadda xamuul Khaadka loo yaqaano Ha reeriga oo ka baxa beeraha dalka Itoobiy a .

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay M/Muqdisho ka soo dagto diyaarad Khaad sida, iyadoo ho rey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Kar in garoonada Soomaliya.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in do wladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka 2da dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Somaliya iyo Kenya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Ke nya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada ma daxweyne iyo siyaasiyiin u doonaya Villa So maliya afarta sano ee soo socota.

Soomaalida khadka kala soo dagi jirtay ayaa su’aal ka keenay sababta keentay in Itoo biya loo ogolaado in ay qaad u dhoofiso Soo maaliya iyada oo aan la fasixin in Khaad la soo galiyo Soomaaliya. Laakiin sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ayaa sheegay in Kha adka Kenya loo joojiyay Khilaaf ka dhexeeya labada dowladood.

Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdi sho ayaa saameyn ku yeeshay Khaad horey si hoose loosoo galin jiray M/Muqdisho oo ka im aan jiray Kenya kaas oo doomo lagu soo gali ji ray Soomaaaliya gaar ahaan gobolka Jubba hoose.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyin ka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19, iyo dib u soo noqoshada duulimaadyada caala miga ah ee 3-da Ogosto ayaa ka reebtay ala abada aan muhiimka ahayn.

Kenya ayaa u dhoofin jirtay Soomaaliya qi yaastii 50 tan oo qaadka ah maalin kaste waxa ana lagu qiimeeyay, Sh25 Milyan oo lacagta Kenya ah. Xigasho: Mustaqbal Radio

UJEEDKA SOCDAALKA JENERAL ODOWAA EE GE DO XILLI AY JUBALAND QABTO CABSI BADAN

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaa liya Jen.Odowaa Yuusuf Raage oo mudooy in kii lasoo dhaafay ku su gnaa degmooyin ka tir san G/Gedo ayaa Shalay gaaray M/Garbaha arey ee xarunta gobol kaas.

Taliyaha ayaa ka soo baxay degmada Dool ow isagoo soo maray degmooyinka Beled-Xa awo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Ge do, wa xuuna haatan ku suganyahay Garbah aarey.

Socdaalka uu Taliyuhu ku tegay magaaladaas waxaa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan maa mulka gobolka Gedo ee hoos taga DFS, sida G/G/Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow, iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa socdaalkaas ku macneeyay mid lagu xoojinayo dhismaha ciidamada milateriga Soo maaliya ee ka howlgala G/Gedo ee K/ta Somal iya iyo sidoo kale dhiira gelinta ciidamada ay dowladu geysay gobolkaas.

Waxay sheegeen in socdaalkan uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed iyo xiisadda gobolka. Maamulka Jubbaland oo horay uga hadlay socdaalka Taliyaha milateriga uu ku teg ay gobolka Gedo iyo ciidamada ay dowladda federaaku ku daabushay ayaa tallaabooyinka as ku tilmaamay duullaan ay gobolkaas ku soo qaaday dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayey walaaca ay qabaan shacabka ku nool degmoo yinka G/Gedo, gaar ahaan D/Ceel-waaq ka dib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Juba land.Maalmihii lasoo dhaafay DFS ayaa ciida mo hor leh geysay D/Doolow iyo duleedka D/ Ceel-waaq oo ah halka degmo ee gobolka Ge do u ga jirta gacanta Jubbaland.

Ciidamadaas ayaa la sheegay inay dowla ddu ku qabsa rabto degmada Ceel-waaq oo ay Jubbaland maamusho, waaxana dadka ku no ol la soo deristay cabsi xoog leh.

Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan ba ar lamaanka Jubbaland, isla markaana laga soo doortay gobolka Gedo oo maalin ka hor ka ha dlay arrintan ayaa yiri, "DF waxay soo daad gu reysay ciidamo kale halkii ay aheyd in kuwa jo oga ay qaado wixii ay ka faa’ido annaga yey san waxba naga siinin.”

Xil. Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Ann aga waan diyaarsanahay cidna uma aaba yeel eyno waxaan diyaar u nahay inaa difaacno go balka Gedo wixii dagaal ama dhibaato ahna mas’uuli yaddeeda Farmaajo ayaa qaadaya.”

Dhinaca kale, xiisadda ka taagan gobalka Gedo waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto bur bur ku yimaada heshiiskii doorasha da Soomaaliya ee dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu gaaray Villa Somalia.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND SACIID DENI OO DIB UGU SOO LAABTAY GAROWE

Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni ayaa Shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe kadib sa far uu ugu maqnaa dalalkaKenya iyo Imaaraad ka Carabt a.

Wafdiga Madaxw eyne Deni ayaa wa xaa gar oonka diya aradaha ku soo dhoweeyay mada xweyne ku xigeen ka Puntland iyo ma s’uuliyiin kale Wadooyinka waaw eyn ee maga alada Garowe ay aa la xiray Shalay taasoo hakad gelis ay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada. Md.Deni ayaa hadal uu jeediyay ka dib ima anshihiisa waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool degaannada puntland looga baahan yah ay inay isku duubni muujiyaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo ka fulin doonaan me elaha ay Puntland kaga sugan yi hiin Ururka Al-Shabaab.

"Puntland waxaa diyaar u tahay inay sugato amnigeeda sidoo kalena ay ka qeyb qaadato dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana codsan lahaa in laga wada qeyb qaato sugida Amniga dega annada Puntland lagana howlgallo meela ha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxw eyne Deni.

Md.Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii maa mul goboleedyada ee ka qeybgashay shirkii lo ogaga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay M/Muqdisho waxana uu kadib mar kii uu shirka dhamaaday uu safar ugu ambaba xay wadamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta

Taliska 27-aad ee ciidanka xoogga dal ka oo sheegay inay dileen 24 dagalame oo Al-shabaab ah

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo tag eero ka helaya kuwa Amisom ayaa dagaal saa cado badan qaatay kula galay Al-shabaab deg aanno hoos yimaada degmada Buuloburte ee G/ Hiiraan.

Araakiisha ciidamada ayaa sheegay dagaalk aan inuu qeyb ka ahaa howlgal socday afar ci she oo kasoo bilowday Muqdisho laguna beegsanayay degaana da ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Taliyaha qeybta 27a ad ee ciida mada xoog ga dalka, general Ax med Maxam ed Maxamu ud (Tareedishe), ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadu howgalda as ku dilen 24 askari oo katirsnaa Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay inay ku guulayste en inay isku furaan waddooyin badan oo xiri iri ya G/Hiiraan, Sh/dhexe & Banaadir, oo Al-sha bab ay horey u dhigteen jidgooyooyin sidoo kal ena ay ku aaseen miinooyin ay ciidamadu ka saareen. Al-shabaab oo gacanta ku hayo deg aano badan oo kuyaala G/Hiiraan &Sh/ Dhe xe, ayaa keentay in ciidamada lagu beegsado marka ay ku safrayaan wadada laamiga.


CIIDAMO LA WAREEGAY XARUNTA WASAARADA KALLUUMEYSIGA PUNTLAND

Wararka ka imanaya M/Boosaaso ayaa she egaya in ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta ay ku leedahay M/Dekedda ah ee Boo saaso. Ciidanka oo ka cabanaya inaysan helin mushaaraadkooda ayaa waxa ay diideen in la galo ama laga soo baxo xarunta W/Kalluu meysiga.

Xarunta Wasaaradda, waxa haatan ku go ’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, kuwaas oo ciidanku diideen in ay ka baxaan Xarunta.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo Shalay M/Garowe lagu wadod inuu ku soo laabto madaxweynaha D/G//Puntland Sac iid Deni oo 7yadii la soo dhaafay safar dibadda ah ku maqnaa.

Oday dhaqameedyo Shalay gaaray maga alada Jowhar

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Soo maaliyeed ayaa Shalay gaaray M/Jowhar ee xarunta D/G/Hirshabelle. Oday dhaqameedya dan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxa med Dheere ee M/Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirsha belle.

Oday dhaqameedyada soo gaaray M/Jow har ayaa waxaa ka mid ah Imaam Maxamed Yuusuf,Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow, Ug aas Cabdiraxmaan Ugaas C/hi,Ugaas Maxa muud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka oday dhaqamedyada ay Shalay u yimaadeen M/Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada 2aad ee B/ Hirshabelle.

Mudada xil haynta D/G/Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qa bto doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

FAAHFAAHIN KA SOO BAXAYSA CIIDAMO MIINO KULA QARAXDAY GOBOLKA SH/DHEXE

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan baabuur kuwa ciidamada ah oo ay miino kula qaraxday deegaan ka tirsan G/Sh/dhexe. Illaa 3 Askari ayaa ku dhimatay halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur ay la socdeen ay miino kula qaraxday waddo u dhe xeysa D/Mahaday iyo deegaanka Biyo Cadde ee G/Sh/dhexe.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka mid ah aayeen ciidamo ilaalo u ah sarkaal ka tirsan cii damada xoogga dalka gaar ahaan guutada 27aad. Qasaaraha ka soo gaara ciidamada mil atariga miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa wa xa ay ku soo kordhayaan deegaano ka tirsan D/G/Hirshabelle.

2 Maalin ka hor ayaa ciidamo ka mid ah kuwa xoogga dalka waxa ay miino ku la qaraxday meel u dhexeysa D/yinka Buuloburte iyo Jalala qsi ee G/Hiiraan waxaana ku dhintey 4 Askari halka ay saddex kalana ku dhaawacmeen.

MUDDO XILEEDKII MADAXDA SARE EE HIRSHABE LLE OO DHAMMA ADAY IYO DF OO CIIDAMO GEYSAY JOWHAR

HirShabelle oo ku jirto marxalad adag oo ka la guur ah iyo doorasho ayaa haatan wajahey sa xiisado siyaasadeed oo hor leh, iyada oo uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano a haa ee madaxda maa mulkaasi

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa, Cali C/hi Xuseen (Guudlaawe) ayaa wuxuu waqtigu ka idlaaday Shalay oo ay ku beegneyd 17-kii October ee sanadkan 20 20-ka. Sidoo kale wuxuu qorshuhuu ahaa in ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee HirShabelle in la qa bto doorashada guud ee maamulkaasi, balse ma dhicin, waxaana jira is-qabqabsi iyo dood ka taagan dhismaha HirShabelle.

Arrinta la’isku hayo ee haatan taagan ayaa ah xilka madaxweynaha oo ay ku muransan yihiin beelaha dega G/Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabasho oyinka ka imaanaya dadka deegaanka, iyada maamulka hadda jirana lagu eedeynayo inuu ka gaabiyey horumarinta HirShabelle.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, iyadoo Waa re uu ku sugan yahay M/Muqdisho ee caasi mada Soomaaliya, halka Cali Guudlaawe oo u sharraxan xilka madaxweynaha iyo guddoom iyaha baarlamaanka ay haatan olole xoogan ka wadaan M/Jowhar.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa dhankooda ka dig aya in burbur iyo kala qeyb sanaan uu ku yima ada HirShablle. Dhanka kale DFS oo ku adke ysaneysa in la qabto doorashada maamulkaasi ayaa ciidamo dheeraad ah ah geysay M/Jowh ar ee xarunta G/Sh/Dhexe, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan amniga guud.

I lo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada la geeyey hal kaasi ay yihiin kuwa sida gaarka ah u tababar an ee Haramcad, kuwaas oo ka shaqeyn doo no nad-gelyada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is-dulsaaran waqti ahaan, sida tan HirShabelle & soo doorashada 2ada gole ee B/S. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale she egeysa in maalmaha soo socda dowladda dhe xe ay qorsheyneyso in ciidamo kale oo dheera ad ah la geeyo magaallo madaxda Jowhar.

HirShabelle ayaa muddo fog la daala dhac eysay daruufo is-biirsaday oo ay ugu horreeyo amniga, waxaana falal liddi ku ah nabad-gelya da ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi

Xigasho:Caasimadda.Net.

JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE CANADA OO SOO DHOWEEYAY SAFIIRKA CUSUB EE SOOMAA LIYA U MAGACOWDAY CANADA

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaan M/Ottawa ayaa soo dhaweeyay Sa fiirka cusub ee DFS u magacowday dalka Can ada. Safiirka cusub oo lagu maga caabo, Xasan Daahir Dhimbil ay aa noqonaya safiirkii ugu horeey ay ee Canada sanadihii ugu damb eeyay. Soomaaliya ayaa markii u gu dambeysay safiir u dirtay dalka Canada sa nadkii 2014 xilligaas oo uu Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) uu u magacaabay xilkaas madaxweynihii hore, Xasan Sh. Maxamuud. Dhimbil oo ka soo jeeda M/Boorama ayaa horey u soo noqday wasiir ku xigeenka caafi maadka ee Somaliland.

Safiirka cusub ayaa ku sii jiri doona karantiil muddo 14 maalmood ah iyadoo la waafajinayo xeerarka COVID19 ee Canada ka hor inta uusan bilaabin howshiisa.

Wuxuu qadka taleefanka kula hadlay isa goo ku sugan hudheelkiisa wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo dhaweyn dii ran kala kulmo jaaliyadda Soomaalida-Canada ee Ottawa.Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka Soomaaliya & Canada.

FATAHAADA WEBIGA SHABEELLE OO GOYSAY BU UNDADA WARMAXAN EE G/SH/HOOSE

Fatahaada webiga Shabeelle ayaa saama ysay tuulooyin ka tirsan G/Sh/Hoose, waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buun dada Warmaxan. Fatahaadan waxa ka dha sh ay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafima ad daro dadka ku nool degaanada Sh/hoose, waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cu duro kala duwan sida laga soo xigtay mas’uuli yiinta degaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro, isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada.

W/W/WAXBARASHADA DFS OO WAX LAGA WEYDIINAYO SABABTII KU MANAAN ARDAY SANADKAN IMTIXAAN KA U GU DHACEEN

Guddiga xaqiiqo raadinta barlamaanka Soo maaliya ayaa u yeeray sii hayaha wasiirka wa xbarashada Soomaaliya Md.Chi Goodax Barre, agaasimihiisa gu ud & agasimaha imtix aa naadka

Qoraal kooban oo loo diray masuuliyiintaan ayaa lagu shee gay in gudidgu wax ka weydiindoono natiijada imtixaankii shahaadiga ee DFS qaaday sana dkaan, kaasoo dood badan ay ka dhalatay na tiijada kasoo baxday ku dhawaaqidiisa.

W/W/X/F/Soomaaliya ayaa dhalleecayn xo ogan kala kulmeen markii boqolaal kun oo ar day oo arday sanadkaan ay ku dhaceen imti xaankii shahaadiga, iyadoo 90% ardayas ka so cdeen G/ Banaadir B/F/Soomaaliya oo ka ja waabayay dareenka ka dhashay arrintan ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadineed oo war bixin kasoo diyaariya sababta keentay in tiro intaas le’eg oo arday ah imtixaanka ku dhacan.

DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA OO KALA SAXIIXDAY MASHRUUC BIYO-XIREEN LOOGU DHISAYO BELEDWEYNE

DFS iyo D/Talyaaniga ayaa kala saxiix day mashruuc lagu dhisayo biyo xireenka M/ B/ weyne ee xarunta G/Hiiraan. Mashruucan ay aa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Ji inka iyo kanaallada Wabiga, si loo yareeyo kha tarta fatahaadda ee wabiga Shabeelle ku sam eeyo magaalada Beledweyne.

Madasha lagu saxiixayay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasa are ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guule ed ayaa waxaa DFS u saxiixay heshiiskan Si ihayaha W/Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka D/Talyaanigana uu u saxiixay Safiirkooda u fa dhiya Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Sida uu sheegay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi, Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah, dhis maha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha, safiirkan ayaa intaas ku daray in mashruucan ay ku bixi doonto lacag gaareysa €6 Milyan oo Yuuro.

"Barnaamijkan wuxuu xal u helayaa fatahaada ha soo laalaabatay ee Webiga Shabeelle u ge ysto magaalada Beledweyne oo ay ka dha shaan khasaaro dhimasho, baaba’a dalagga beeraha, burbur dhaqaale iyo barakaca kuma nnaan qoys” ayuu yiri safiirka Talyaaniga u fa dhiya Soomaaliya.

Siihayaha W/Beerahan Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid muhiim u ah bulshada beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle.

"Mashruucan wuxuu dayactiri doonaa kan aallo gaaray 36 KM, waxaa kale oo la dayactiri doonaa webiga meelaha uu ka dilaacsan yah ay ee uu fatahaadda ka keeno, sidoo kale wux uu mashruucaan taageeri doonaa dadka beera leyda ah ee ay dhibaatada ka soo gaartay fat ahaa daha” ayuu yiri Wasiir Siciid Xuseen Ciid.

CXD OO HOWLGAL KA FULIYAY GEDO

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka fuliyey deegaanno kamid ah gobolka Gedo. Howlgallada ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga Buurdhuubo oo ay ku sugnaanyeen xubno ka tirsan al-Sha baab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay aa warbaahinta u sheegay in ay al-Shabaab ka carareen tuulooyin badan oo u dhow Buurdhu ubo kaddib markii ay maqleen in Ciidanka Xoo gga dalka ay ku soo wajahanyihiin.

Al-Shabaab ayaa dhowaan weerar gaad mo ah ku soo qaaday ciidamo ku sugnaa deeg aanka Buur-dhuubo ee G/Gedo, taasina waxa ay keentay in ciidanka Xoogga ay howlgal cul us ka fuliyaan deegaanadaas.

Saraakiishu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen howlgalka, balse al-Shabaab ay aa isaga baxay tuulooyin badan oo hoostaga deegaanka Buurdhuubo.

GAROONKA DIYAARADAHA BELEDWEYNE OO XIRMAY & WARARKII U DAMBEEYEY

Warar ka imaanaya G/Hiiraan ayaa sheeg aya inuu xirmay garoonka diyaaradaha M/ B/ weyne ee Ugaas Khaliif, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay saacadihii la soo dhaafay ka da’een magaaladaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa hakad galay dhammaan shaqooyinka garoonkaasi iyo howlihii duulimaadyada.

Sidoo kale roobabka ka da’ay Beledweyne oo daadad watay ayaa biyo dhigay gudaha gar oonka Ugaas Khaliif oo aa in muddo ah helin wax dayac tir ah. Mid ka mid ah dadka deega anka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shalay garoonka uusan shaqeyneynin, isla markaana ay saameyn ku yeesheen roobabkii da’ay. "Runtii roobkii ka da’ay magaalada iyo carro ayaa xiray garoonka diyaaradaha Beled weyne Shalay ma’ahan mid shaqeynaya, qofkii Xa mar u socda gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu diyaarad uga soo raaco,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka Beledweyne.

Dhinaca kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka ayaa dhankiisa shaaciyey inay wa daan howlo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billa aban doonaan duulimaayada.

Beledweyne oo xarun G/Hiiraan ee bartam aha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

WEERAR DAD SHACAB AH LAGU DILAY OO KA DHACAY MUDUG

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay dad shacab ah oo Habeen hore ka dhacay qeybo ka mid ah G/ Mudug.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hube ysan ayaa ka dhacay deegaanka Saaxo ee go bolkaasi, sida ay innoo xaqiijiy een ilo dadka deegaanka ah.

Ugu yaraan 2 Qof oo xoolo dhaq ato ahaa ay aa lagu dilay weerar kaasi, sida ay sheege en dadka deegaanka Sidoo kale wararka ayaa ka warbixiyey dhacd adaasi iyagoo intaasi ku daraya in toogashada loo geystay dadkaasi rayidka ah ay salka ku heyso dilal la xiiriira aan ooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta gobolka Mu dug ayaa sidoo kale dhowaan kala dhex-galay maleeshiyaadka labada dhinac, si loo qabooji nta xiisada ka taagan Saaxo.

Inta badan waxaa Gobollada Mudug iyo Gal gaduud ku soo laa-laabta dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan gobolladaasi.

FATOU BENSOUDA OO SUUDAAN KALA HADLAYSO SIDII CUMAR AL-BASHIIR HAGUE LOOGU MAXKAMADAYN LAHAA

Wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa gaaray dalka Suudaan si mas'uuliyi inta dalkaasi ay ugala hadlaan sidii loo maxk amadeyn lahaa madaxweynihii hore ee dalka asi Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir waxaa in muddo ah raadineysay Maxkamadda Caala miga ah Dambiyada ee ICC, iyadoo loo heysto xasuuq, dambi yo da gaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Ra'iisalwasaaraha Suudaan ayaa sheegay in wafdigani uu joogi doono dalka ilaa 21 Okto obar, si ay uga wada arrinsadaan "iskaashi" la ga sameeyo arrinta Cumar Al-Bashiir.

Dowladda Suudaan ayaa horey u ogolaa tay in Al-Bashiir lagu maxkamadeyn karo mag aalada Hague.

Cumar Xasan Al-Bashiir oo la xukumay Al-Bashiir ma lagu heli eeddaha xasuuqa Darfur ee loo haysto? Balse heshiis

nabadeed oo dowladdu ay la ga shay mucaaradka ku sugan gobol ka galbeed ee Daarfuur ayaa dhig aya in dowladdu ay sameyso maxkamad gaar ah oo ku saabsan dambiyadii dagaal ee dalka ka dhacay oo arrinta Cumar Al-Bashiir ay ka mid tahay.

Wafuudda ka socota maxkamadda ICC ee hada ku sugan magaalada Khartuum ayaa wa xaa ka mid ah dacwad oogaha maxkamadda asi Fatou Bensouda. Qaramada Midoobey ay aa sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof lagu di lay dagaalada, kuwaa oo billowday kaddib ka cdoon ka dhacay Daarfuur sanadkii 2003.

Maxkamadda ICC-da ayaa sidoo kale laba sarkaal oo hore oo kala ah Axmed Haruun iyo Cabdulraxiim Maxamed Xuseen, ku eedeysay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aada naha, kuwaa oo la sheegay in ay ka geysteen isla gobolkaasi Daarfuur.

Horraantii bishaan ayaa ra'iisalwasaare Ca bdalla Xamduk waxa uu wargeyska Financial Times u sheegay in arrinta ICC-da ee uu horey u ga hadlay ay tahay maxkamad gaar ah oo gudaha Suudaan ku maxkamadeyn doonto Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir oo 76 jir ah ayaa sannadkii hore xil ka laga tuuray kaddib mudaaharaadyo waaw ayn oo dalkaasi ka dhacay. Dowlad kumeel ga ar ah ayaa hadda ka talisa Suudaan, taa oo ku timid heshiis seddex sano ah oo ay wada gale en hoggaamiyaasha rayid ka iyo militariga ugu sareeya dalkaasi.

Hoggaamiyehaasi hore ee Suudaan ayaa horay loogu xukumay eedeymo la xiriira musu qmaasuq. Isaga iyo 27 sarkaal oo kale ayaa haatan maxkamad ku taal M/Khartuum waxay waddaa dhaegsyiga dacwad la xiriirto afgembi gii 1989 ee uu Al-Bashiir xu kunka ku qabsad ay.Haddii lagu helo dam bigaasi, dhammaanto od waxay la kulmi karaan ciqaab dil ah.

Al-Bashiir ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay. Horraantii sanadkan ayaa mid ka mid ah qareennadiisa waxa uu sheegay in Al-Bash iir iyo eedeysanayaasha kale ay wajahayaan "dacwad siyaasadeysan".

MAXAA KICIYEY OLOLAHA QAADACAADDA BA DECADAHA TURKIGA EE SUCUUDIGA KA SOCDA?

Marar badan ayaa baraha bulshadu ku xidh iidho ee internet-ka ee wadanka Sucuudiga wa xa ka bilaaabma olole lagu doona yo in lagu qa adaco badeecadaha Turkiga ee dalkaas loo dhoof iyo. Arintaas ayaa aad u sii xoogaysat ay 2dii sannadood ee u da mbeeyey markii xii saddii ka dhalatay dilkii weriyihii Sucuudiga ah aa ee Jamaal Khaashoqji lagu khaarajiyey qun suliyadda Sucuudi ga ee Istanbul ku taaldhe xdeeda bishii Oktoobar ee 2018.

Masar iyo Turki guwaayadan miy ey isku soo dha waanayaan?

Siduu Turkiga halis ugu yahay amniga Carabta? Iyadoo hadaba ay haatan ku beegan tahay sannad guuradii 2aad ee dilkii Khaashoqji, ayaa waxa dardar hor leh yeeshay ololaha ka socda shab akadda Twitter ee dalkaas. Waxaana muwaadintiintu ku la dhay aan fariimahooda hal ku dhegyo ay ku doonay aan in la qaa daco wax kasta oo Turkiga lagu sameeyey.

Ololahan ayaa hadaba waxa uu sidoo kale dhaliyey dood dhex maraysa dadka Carabta ah ee adeegsada Twitter-ka qudho oda oo iya gu arinta ku eega ya aragtidooda gaarka ah iyo hadba dhanka ay la jiraan marka la eego xii sadda ka taagan gobolka Gacanka iyo siyaasa daha Erd ogan ee gobolkaa ku aaddan.

Hase yeeshee dadka arintan aadka ula soc da ayaa su'aalo ka qaba in ololahan yahay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo aanay is muujinyeyn oo uu yahay wax shakhsiyaad si iskood ah u bilaabeen.

Ma shakhsiyaad baa bilaabay mise dawladda?

Ololuhu wuxuu sannadkan ku bilaabmay far iin uu Twitter-ka ku qoray gudoomiyaha rugta ganacsiga Sucuudiga, Cajlaan Al-Cajlaan, oo uu shacabka ugu baaqay in ay qaadacaan ba deec adaha Turkigu sameeyo oo aan dalka loo soo dhoofin iyo sidoo kale in aanay shacabka Sucuudigu u dalxiis tagin oo aanay maal ga shan Turkiga.

Maalmo yar uun ka dib ayaa waxa soo bax ay hal-qabsiyo (Ha shtags) lagu taageerayos oo jeedinta Cajlaan, waana markiigu u gu ha dal hayn batay labada hal-qabsi oo kala haa ol ola ha_qaadacaadda_ badeecadaha_ Turkiga iyo ololaha shacabka _ee_ qaadacaadda_ Tur kiga oo labaduba aad ugu faafay dalka Sucuu diga iyo Imaaraadka.

Shakhsiyaadka arintaa taageeraya waxa ka mid ah Amiir-ka reer Sucuudi ee Cabdirax maan Bin Misaacid oo aan xil rasmi ah ka ha ynin dawladda.

Dadka Sucuudiga ah ee ololahaa wada ay aa waxay leeyihiin ololahani wuxuu falcelin u yahay "falalka cadowtinada ah ee Tur kigu ka la hor yimid shacabka iyo dawladda dalkooda" haatanna waxay hal-qabsiga ololaha ay Twi tter-ka ka wadaan u bixiyeen kacdoonka_ shac abka oo ay ku sheegeen inay "dad ka tiro bad an kuwii ololeyaashii hore ka qayb galay ay ha atan ka qayb qaa danayaan".

Waxa se jira qaar kale oo dalbanayaba in ol olahan ka socda Twitter-ka laga dhigo xaqiiqo oo dalku dhaqan geliyo waxay dal banayaan. Hase yeeshee kuwo kale ayaa qaba in ololaha ni wax ba soo kordhinayn oo u arka uun inuu yahay "olole iska kooban oo ka dhex socda internet-ka ujeedadiisuna tahay in shacabka Sucuudiga laga indho saabo arimaha tooska u taabanaya ee u muhiimka ah".

Waxa iyaguna ololahaa ka falceliyey shac abka dalalka Carbe ed ee kale qaarkood oo iy aguna Twitter-ka ka bilaabay hal-qabsi yo ay ku taageereyaan Turkiga oo uu ka mid yahay olola ha_shacab_ee taageerada _Turkiga.

Waxaanay dadkaasi canbaareeyeen aragt idaa Turkiga lagaga soo horjeedo oo ay ku she egeen "dagaal dhaqaale oo ay dawla do Carb eed ku qaadeen dal Muslin ah oo difaaca qad diyadaha ummadda Muslimka."

Waxaanay sheegeen in ay filayaan in waxa lagu doorsanayo badeecadaha Turkigu noqon doonto badeecadaha Israel oo loo furo suuqa Khaliijka. Waxaanay arintaa marag uga dhigeen sida ay isugu soo dhawaanayaan Isra el iyo dalalka Carbeed ee ay xul afada yihiin Sucuudigu.

Ololahani saamayn ma yeeshay?

Waxa jira qayb 3aad oo su'aalo iska weydi inaysa "sababta da wladda Sucuudigu uga ga absanayso inay go'aan rasmi ah qaada to oo ay xidhiidhka ugu jarto Ankara oo ay si badhe edha u joojiso badeecadaha uga yimaad?"

Su'aashaas waxay dadka lafa gura siy aasaddu kaga jawaabe en in sababtu tahay "Suudiga oo ka baqaya in cunaqabatayn uu sa aro ururka ganacsiga adduunku, haddii uu si ra smi ah go'aan qaadacaad ganacsi ah ugu soo rogo Turkiga. Sidaa awgeed ay uu cadaadis ugu saarayaa muwaadiniintiisa inay si toos ah iyo si dadban ba uga hor yimaadaan Turki ga".Sucuudiga ma wuxuu ku dhawaaqay cun aqabateyn ka dhan ah Turkiga?

Madaxw aynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah Waraysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Anadool ee Turkigu horaantii bishan, ayaa wasiirka arima ha dibadda dal kaas, Mevlut Cavusoglu, ku ti lmaamay "wax aan jirin" wararka tibaaxaya in ganacsiga Turkiga ee Sucuudiga halisi soo fo od saartay.

Waxaanu intaa ku daray "masuuliyiinta Suc uudigu arintaa ga nafka ayay ku dhufteen, ana guna aad baanu isha ugu haynaa ha ddii ba ay dhacdo in badeecadaha Turkiga la qaadaco bi shan ay nu ku jirno".Xigasho:Bbc

MUXUU TURKIGA KA YIRI DAGAALKA SOO CUSBOONAADAY EE ARMENIA IYO AZERBAIJAN?

 

Saacado uun ka dib markii xabbad joojin loo ga dhawaaqay go bolka Nagorno Karabakh ee ay ku dagaallamayaan waddaamda Armenia iyo Azerbijian ayaa waxaa markiiba soo baxay eedeymo ah in Azerbijian ay heshiiskaasi jebis ay oo hub artilari ah iyo saw aariikh kale ku gar aacday dhanka Armenia.

Dowladda Armenia ayaa Azerbijian ku eede ysay in heshiiskaasi ay jebisay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaal socday muddo 3 toddob aad, iyadoo 2da dhinac ay ku dagaallamayaan gacan ku haynta gobolka caalamku uu u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azer bijian balse Armenia ay sheegato.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad da Azerbaijan oo ku saabsan eedeynta Arme nia ee ah in xabbad joojintii lagu he shiiyay la jebiyay gaar ahaan dhanka Azerbaijan.

Balse farriin uu xoghayaha wasaaradda ga ashaandhigga Armen ia uu soo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay jiraan duqe ymo iyo sawaariikh lagu garaacay woqooyiga iyo koonfurta Arm eenia.

Waa heshiiskii 2ad oo xabbad joojin ah oo 2da dhinac ay kala saxiixdaan muddo 7baad ah, waxaana ujeedada xabbad joojint ani ay ah ayd in waddo loo furo ciidamada Azeribiajan ee ku go' doonsan gudaha gobolka Nagorno Karabakh.

Mar sii horeysay ayaa afhayeen u hadlay hoggaanka dalka Armenia oo ku sugan gobol ka lagu muransan yahay ayaa shee gay in xaa laddu ay deggan tahay kaddib markii lagu dha waaqay heshiiskaasi xabbad joojineed.

Xabbad joojintan ayaa waxaa ka sii horree yay eedeymo 2da dhinac ay dhabarka isu sa arinayeen oo ahaa in midba midka ka le ku eedeeyo duqeymo ka dhan ah goobo ay deg gan yihiin dad rayid ah.

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa mar sii hor eysay wacad ku maray in shacabka Armenia ay laysay uu u aargudi doono. In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay kumanaan kalena waa ay ba rakaceen tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada dheer soc day uu qarxay 27kii Sebtember.

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmi yad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafki isa mu dddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan - waa 2 dal oo hor ey u ahaa jamhuur iyadihii Midowgii Soofiyeeti waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kor dhe ysay cabs ida laga qabay in quwadaha caala mka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada. Afhayeenka Madaxweynaha Tukiga Ibrahim Kal Presidentialn ayaa sheegay in Armenia ay gashay dambiyo dagaal inkasta oo xabbad joojintu ay jirto. Wasiirka gaashaandhigga Hu lusi Akar ayaa qadka taleefanka kula hadlay wasiirka difaaca ee Azerbaijan Gen. Zakir Has anov, waxaana la is dhaafsaday aragtiyo ku sa absan xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka labada dal.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay Wasa aradda Difaaca ay uu Wasiir Akar ku camba areeyay weerarada Armenia ay sii wa ddo wa xa uuna ku tilmaamay iney yihiin dambiyo dag aal. Waxa uu intaasi ku daray iney iyagana la mid yihiin kuwa ku baaqaya 'xabbad-joojinta' iyo 'wadahadallada' sabatoo ah waxay ah ayd iney la socdaan xaaladda dhabta ah ee jirta iyo weerara da gantaallada ee ay Armenia adeegs aneyso. Waxa uu sheegay in si dhab ah loola xisaabtami doono.

Nagorno-Karabakh - Xaqiiqooyin ku saabsan

Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran

Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeni ya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jee dda Xilligii midowgii Soofiyeet gobol kaasi wux uu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuu riyadda Azarbajaan

Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan

Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhin tay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qaya aso 1 malyan Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah wax ay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan Khil aaf ka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabb ad joojinti 1994-kii Tur kigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taagee raa Azarba jaan Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

DAAHIR GEELLE OO FALKII AY KU DHAQAAQ DAY DOWLADDA KU QEEXAY DHAQAN JABHA DEED

Wasiirkii hore Warfaafinta Soomaaliya Daa hir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray xariga Wariye C/hi Kulmiye Caddow, oo Ciid amada NISA ay habeen hore ku xireen Muqdi sho. C/hi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaaca dda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii la la yee shay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teege eray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu fa afiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciida mada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Daahir Geelle oo hadda ah Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran ayaa soo jeediyay in aan aw ooda Dowladda lagu Takri falin loona baahan yahay in xariga wariyaha lasoo maro sifo Shar ci ah.

Waxaa uu tilmaamay inay tahay mid Shar ci ga lidi ku ah in habeen Madow gurigiisa laga baxo wariyaha iyadoo la heli karo si Sharci ah oo lagu soo xiro. Warka kasoo baxay Daahir M.Geelle ayaa sidaan u qornaa:

Xurriyad ka xayuubinta muwaadinka Xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay Xirf adle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.

Dhaqanka dawladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guura yntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhada ha waxayna suurad xumaynaysaa dawladnim ada. Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo xee rar ka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimi da iyo xeerarka dalka.

Falka Weriye C/hi Kulmiye oo gurigiisa ay u gu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo. Xeerka Ciqaabta Soomaliy eed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6da maqribnimo illaa 7-da subaxn imo in waar an xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ay adoon la wadan wax waaran ah.

Dawladdu waa dawladdeenii maahan jabh ad na haysta, dawladdu waxay haysataa shar ciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, ma xay tahay waxa dawladda ku qasbayaa inay tu ugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso.Waxaan ku baaqayaa in Wariye C/hi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ci ddii falkaas gaysatayna sharciga la mars iiyo.Xigashocaasimadda.Net

KENYA: INEY CIIDAMADEENNA KASOO BAXAAN SOOMAALIYA WAXAA XADIDAYA HESHIISYADA UNKA

Dalka Kenya ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya aaney shaqo ku laheyn rabitaanka Nayrobi ama Mu qdisho ba lse ay xadideyso heshiisyada caalamiga ah ee ay Ke nya saxiixday. Gu ud ahaan ka bixitaan ka AMISOM ee Soomaal iya ayaa waxaa lagu xad iday heshiis ay saxiixeen guddiga hawl gal lada ee loo soo gaabiyo MOCC kaas oo qa linka lagu duugay 2018-kii.

Guddiga ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinka ka socotay military ga iyo booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, DFS, UN, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga mi dowga Afrika, ujeedka ay aa in heshiiiska lagu dhaqan geliyo 3 weji.Arrimaha heshiiska ku jir ay ee la xiriiray lad agaalanka Al-sha baab iyo isu furidda waddo oyinka waaweyn ee dal ka oo ahmiyad la siiyey waxaa la sheegayaa in ey ka hartay qabashada M/Jilib. Inkasta oo mada xweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabkii sa u sheegay in dalkiisa ay sii joogayaan So omaaliya inta nabad bu uxda la ga helayo had ana wararka ayaa shee gaya in Kenya aaney ka tilaabi Karin heshiiska qaramada midoobey ee ay xubinta ka tahay.

Waxaan la ogeyn in golaha ammaanka, mid ka midowga Afri ka iyo hey’adaha ku sha qada leh ay wax ka badali doonaan heshiiska ay AM ISOM ku baxeyso 2021-ka iyo in kale.

KUMUU AHAA WIILKII GOWRACAY NINKII SAW IR GAC MEEDKA KA SAMEEYEY NEBIGA NNKH?

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo ba xeysa dil gowrac ah oo ma gaalo ku dhow M/ Paris loogu gaystay macallin iskuul oo sa wir gacmeed ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH. Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa go wracay wiil 18 jir ahaa oo asal ah aan kasoo je eda Jam huuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska.

fhayeen u hadlay Safaaradda Ruushka ee M/ Paris, Sergei Parinov ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Abdullakh Anzorov.

Abdullakh Anzorov ayaa Faransiiska yimid 12 sano ka hor, ma rkaasi oo uu ahaa 6 sano ji ray isla markaana qoyskiisa ay cods adeen ma ga ngalyo, sida uu sheegay afhayeenka. Waxa uu int aas ku daray in Abdu llakh uu deganaan sho helay sanadkan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wii lkaas uusan wax xi riir ah la lahayn safaaradda Ruushka. "Muhiimadda ma ahan hal ka uu ku dha shay qofkan, balse waa goorta iyo saba bta uu u qaa tay fikradaha arg agixisada,” ayuu yiri. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Abd ullakh weerarka ful iyey uu doonayey inuu mac allinka ku ciqaabo inuu sawir gacm eed loola je edo Nebi Muxamed NNKH tusay ardaydiisa.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale xiray 2nin oo mid canu giisa uu dhigto iskuulka, kan kalena ay isha ku hayeen sirdoon ka, kuwaasi oo la sheegay inay baraha bulshada ka billa abeen ol ole ka dhan ah ma callinka la gowr acay. Tan iyo horraantii bishan October ayaa la sheegay in baraha bulsha da uu ka socday olole ka dhan ah macallinka sameeyey sawir gacmeed ka, islamarkaana waalidiin badan oo Muslimiin ah ay uga soo dacwoo deen Iskulka.

Ma aheyn markii 1aad ee Samuel Paty uu ardaydiisa tuso sawir gacmeedka rasuulka NNKH, waxaana la sheegay in sidoo ka le uu sidaas sameeyey sanadkii tegay, sida laga soo xigtay mid ka mid ah arday diisa oo 13 jir ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuulka ayaa Isku dayey inay xaliyaan muranka arrintan ka dhashay, waxayna u yeereen waalidi inta Musli miinta ah, hase yeeshee waxay sheegeen inay san kulanka iman. Samuel Paty ayaa ugu dam beyn la dilay Jimcihii, ka dib markii uu soo wee raray wiilka 18 jirka ah, kaasi oo mindi ku dhuft ay kadibna gowracay.

XUKUUMADDA GINI OO KA DIGTAY IN LASOO FARAGELIYO NATIIJADA DOORASHADA

Xukuumadda Guinea ayaa ka digtay in la far ageliyo natiijada doo ras hada madaxtinnimo ee dalkaas. War qoraal ah oo ka soo baxay xu kuumadda ayaa looga digay warb aahinta dalk aas, ururrada bulshada, hay’adaha diblomaasi yadda inay farageliyaan natiijada doorashada iyada oo ciddii ka hor dhacda hay’ad aha ra smiga ahina la horkeeni doono caddaal adda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in natiijada loo ga dambeyn doono guddiga qaran ee doora shooyinka iyo maxkamadda dastuur iga ee dal kaas. Doora shada madaxtinnimada ee Shalay dalkaasi ka dha cay sa ayay ku loollami doona an madaxweyn aha haatan haya talada dalkas Alpha Conde iyo 11 mus harrax oo kale.

Askar u dhalatay Fiitnaam oo lagu la’ya hay dhul go’ ka dhacay xero ay ku sugnaayeen Dhul-go’ ka dhacay Shalay aroortii xero ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Milatariga Fiit naam ayaa lagu la’yahay 22 askari nolol & ge eri, sida ay sheegtay dowladdu. Fiitnaam ayaa muddo sannado ah waja heysa daadad xoogg an oo ku dhuftay dalkaasi.

Roobab mahiigaan ah oo tan iyo billowgii Oktoobar ka da’ ayey bar tamaha Fiitnaam ay aa sababay dhimashada in kabadan 60 qof iya doo roobab kale la filayo in ka da’aan gobolka.

Dhul-go’a ayaa ka dhacay xero weyn oo ay deganaayeen cut ub ka ti rsan ciidamada Mila tariga dalkaasi sida ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay dowladda, dhacdadaan ayaa im aaneysa ma almo uun ka dib markii dhul-go’ ka dhacay isla bartamaha dalkaa si uu dilay 13 qof. "Waxaa nasoo martay habeen kale oo hur do la’aan ah” ayuu si dareen leh warbaahinta u gu sheegay Wasiir ku xigeenka difaaca fiitna am Mr Phan Van Giang.

NINKII UU AASKIISA BAADQAY EE MAALINTII XIGTAY LOO TAGAY ISAGOO NOOL

Nin u dhashay dalka Hindiya, oo 74 jir ahaa ayaa qabsaday ha dal-heynta shacabka ka dib markii laga soo badbaadiyay tallaagadda mey dadka lagu keydiyo. Ninkan ayaa markii hore fi rinjeerka la galiyay isagoo si khaldan loogu ma leeyay inuu geeriyooday.

Waxaa loo ballansanaa in maalinta xigta la Aaso,maadaama kooxda howshaas fulin lah ayd ay sheegeen inay maalintaas mashquul ah aayeen.Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday gobolka Tamil Nadu ee dalkaasi Hindiya.

Ma cadda sababta keentay in Balasobrama ni in marki hore la yirahdo wuu geeriyooday sid aasina lagu geliyo firinjeerka meydadka lagu keeydiyo ilaa maalintii xigtay.

Shaqaalaha qaabilsan iney isbitaalka ka qaad aan meydka oo ay geeyaan goobta Aaska loo gu sameeynayo ayaa waxay arkeen ninkan oo gariiraya waxayna dareemeen inuu weli nool yahay. Waxaa markiiba loo gudbiyay isbitaal kale.Hase yeeshee Balasubramaniam ayaa ha dana shaaciyay inuu Jimcihii geeriyooday.

Doctor Balajinathan, oo ah maamulaha isbit aalka dowladda ee ku yaalla Magaalada Sal em ayaa sheegay in ninka uu u muuqday nin hurda markii tallaagadda laga soo saaray ka dib, waxa uuna markii dambe u geeriyooday dhibaato la xiriirta sanbabbada. Waxa uu BBC-da u sheegay ineysan cadeyn inta saacadood ee uu subramanium ku jiray firinjeerka meydad ka.Halkee ayuu ku dambeeyay ninkii isagoo qa briga loo wado soo toosi jiray 'Waxaan u had laa qofka meydka ah'

Kadib markii Isniintii dhakhtar ka hawgala isbitaal si gaar ah loo leeyahay uu shaaciyay geerida subramanium ayay qoyskiisa maamula ha qaabilsan aaska ka codsadeen in meydkii sa loogu keydiyo firinjeerka.

Waxaana qoyskiisa lagu wergeliyay in maa linta Talaadada ah aas loo sameyn doono. Ma amulaha qaabilsan aaska ayaa sheeg ay in wiil la dhashay Balasubramaniam uu u sheeg ay in uu hayay warqad uu saa xiixay dhakhtarka taa si oo muujineysa geerida wal aalkii.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay qoyskiisa sheegeen in Balasubra ma niam uu qabay xanuun dhanka neerfaha ah. Balasubramaniam waxa uu la noolaa xaaskii sa, laba gabdho od oo uu dhalay iyo walaal kii.

Ma aysan suurogelin in la ogaado sida uu u gu noolaa heerkulka aadka u hooseeyo ee firin jeerrada. Waxaan sidoo kale la ogeyn in la sa meeyay baaritaan ku aaddan isbitaalka gaarka loo leeyay oo ah halka markii hore laga shaaci yay geeridiisa.BBC-da ayaa isku dayday iney xiriir la sameeyso isbitaalka gaar ka loo leeyahay iyo qoyskiisuba, balse taasi ma

suuro gin

.XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip