Waabsiga wariyayaasha!!!=Faallo=

0
Wednesday October 21, 2020 - 07:58:23 in Wararka by
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waabsiga wariyayaasha!!!=Faallo=

    Wariye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa xiray Heyadda NISA. wax la yaab leh ma ahan in wriye la xiro, waxaa muhim ah Sababta loo xiray. waxa uu wareeysi la yeeshay Oday 90 jira oo Curyaan ah oo muujiyay aragtidiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa xiray Heyadda NISA. wax la yaab leh ma ahan in wriye la xiro, waxaa muhim ah Sababta loo xiray. waxa uu wareeysi la yeeshay Oday 90 jira oo Curyaan ah oo muujiyay aragtidiisa in uu taageere u yahay Al shabab. Qofkii la wareeystay kaliya lama xirin ee wariyihii ayaa la xiray.

( Dadku Dhacdada Maalintaa jirto ayeey ku mashquulaan ee gadaal wax uma fiiriyaan).
Hayada NISA ee Wariye Cabdullahi kulmiye xirtay, Madaxdeedu iyaga oo wariyayaal ah ayeey shalay wareeysanayeen Al shabaab lamana xiri jirin iyaga, Qaarkoodna iyagaaba ahaa Madax ka tirsan Al shabaab. Caalamiyan Wariyayaashii la kulmay Usama Bin laadin lama xiri jirin.
 
Anigaba la ima xirin Markii aan Usama Bin Ladin kula kulmay Sudan, oo aan ka waad qeyb galnay Shir UNISCO noo qaban qaabisay oo looga hadlayay "Culture of peaceā€, ka hor intii uuna ku biirin Ururkii Dalibaan ee waqtigaa la dagaalayay Ruushka, la ima xirin 1994 ileeyn waxaa na wada casuuntay Hayad ka tirsan UN ka.


 
       
 
wariyayaasha yaan la harwsan, kii Dambi leh, Dambigiisa ha lagu qaado, Laakin maxaad hebel u wareeysatay, iyo Anigaa shalay wareeysan jiray Dambina ma aheyn isma qabato.
wariyayaasha yaan la waabsan, Wariye Cabdulaahina Xuriyadiisa iyo Magdhaw intii uu xirnaa hala siiyo.
 
dib u fiiri, maxaa laga wadaa?. Shalay markaan Al shabaab toos u wareysanayay Dambi ma aheyn, Maanta haddii Adigu aad wareeysato taageerayaasha Al shabaab waa dambi, inteey uga qoran tahay Sharciga Saxaafadda.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip